“Haddii Garsoorka dadka shaki laga galiyo waxay noqonaysaa in qof walba uu sharciga gacanta ku qaato”
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda
Hargeysa 12 jun 2012 (Ogaal)- Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa shacbiga Somaliland uga digay inaanay Sharciga gacanta ku qaadan isla markaana meel adag iska taagay falkii shalay subax lala beegsaday Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Maroodi jeex Cabdirashiid Maxamed Maxamud “Duraan”.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sheegay inay falkaas u arkayaan dagaal loola badheedhay Garsoorkii dalka, isla markaana ay tahay dhacdo ku cusub oo haddii ay sii socoto keeni karta dhib intaas ka sii badan, qofkii qorsheeyay iyo ka sameeyay falkii dhacayna aanay ku badbaadayn.
Md. Xuseen Axmed Caydiid waxa uu ka dayriyey in xasiloonida Ummaddu ay ku fadhidaana ay noqon doonto mid aan sidaas loogu raaxaysan doonin, falkaasina yahay dhagar cidda gashay iyo cidda ku abaabushay iyo kuwa tageerayba, aanay dambi ka galin cid gaar ah, balse ay ku dhagaroobeen qaranka, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Marka hore dhacdadii shalay (dorraad) dhacday ee ahaa dil lagula kacay Guddoomiyihii Maxkamada Gobalka Hargeysa Cabdi Rashiid Maxamed Duraan oo Illahay u salhay oo anay noqon sidii loogu talagalay, waxaanu u arkaynaa dagaal loola badheedhay Garsoorkii dalka aad iyo aad ayaanu marka hore u cambaraynaynaa dhacdadaas. Waxay ahayd dhacdo nagu cusub oo aan hore Magaaladan uga dhicin, taasina waa fal, Illahayna kama dhigee, haddii uu nagu sii bato keeni karaya dhib maanta aan cidna malaynayn oo ka qorsheeyay iyo ka sameeyay falka aanay maanta ku badbaadayn. Xasiloonida Ummaddu ay ku fadhidaana waxay noqonayso mid aan sidaas loogu raxaysan doonin, waxaan leeyahay falkaasi waa dhagar cida gashay iyo cidda ku abaabushay iyo cidda kaga raali noqotaaba, waa dhagar ay ka gashay qaranka.”
Wasiirku waxa uu ka digay dhibaatada ka dhalan garta haddii garsoorka lagu kalsoonaan waayo, maadaama cid kasta oo arrin isku haysaa ay garsoorka isula imanayaan, waxaanu tilmaamay in haddii qofku ku qanci waayo go’aanka maxkamadda ay u furan tahay inuu racfaan u qaato maxkamad ka sarraysa ta go’aanka gaadhay, “garsooruhu markasta waxa uu u garnaqaa laba dhinac oo is haysta oo mid walba uu gar isa-soo siiyey ayaa ula imanaaya oo loo garqadayaa. Gartu dhinac ayey u dhacaysaa dhinacna wuu waayayaa. Qofka garta waaya waxa u furan Maxkamad tan kasarysa inuu uga rafcaan qaato. Waxay ila tahay inaanay ila habboonayn in ninka qanci waayaa uu yidhaahdo tallaabo arrin baa gacantayda ku qadanayaa oo u gudbimaayo kuwa kale, dhibaatada inagu soo faruurmaysa yaraan mayso. Waxaan u mahad-naqayaa Ummadda reer Somaliland siday uga xumadeen falkaas ee ay u cambareyeen, haddii uu inagu sii socdana ay keeni-karto nabad-galyo la’aan iyo nolol xumaan,” ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladda Somaliland.
Wasiirka Wasaarada Cadaaladdu waxa uu xaaraan ku tilmaamay dhaliil loo jeediyo garsoorka dalka, waxaanu ka digay tallaabada foosha xun ee ka dhalan karta haddii kalsoonida shacabka ee dhinaca garsoorku dhimato, taasina keeni karto in qof walba uu sharciga gacanta ku qaato, waxaanu yidhi, “Maal-mahan ugu danbeeyay warbaahinteenu noocay tahay-ba waxa loo bandhigayey inuu garsoorkaasi yahay garsoor aan caddaalad laga filanayn. Waa xaaran in garsoorkeena aynu ku tilmaano garsoor aan cadaalad laga filayn oo ay Ummaddu ay aminikarayn oo in dacwad lalatago aan haboonayn, waa xaraan weeye oo si kale ayaa loo toosin karaa oo garsoorka waa la dhisaa. Haddii garsoorka dadka shaki laga galiyo waxay noqonaysaa in qof walba uu sharcigiisa gacanta ku qaato.”









