CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Somaliland: Waxay u Safreen Turkiga

Berbera, 30 May, 2012 (Ogaal)- Wasiirro Xukuumadda Somaliland u xil-saartay inay ka qeyb-galaan shirka dalka Turkigu u qabanayo Soomaalida oo la filayo inuu 31-ka bishan May ka furmo magaalada Istanbul ee waddankaas, ayaa shalay ka amba-baxay garoonka diyaaradaha magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Weftigan oo ka kooban afar Wasiir oo uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxay sheegeen inaanay ka qeyb-geli doonin Shir lagaga hadlayo siyaasadda Soomaaliya. “Waxaannu u ambo-baxaynaa dalka Turkiga oo aanu kaga qeyb galayno shir halkaasi ka dhacaya oo Dawladda Turkigu ay ku soo marti-qaaday Somaliland, sida laga war-qabo shirkaasi mar hore ayay dawladda Turkigu nagu soo marti-qaaday oo casuumadiisu na soo gaadhay. Laakiin qaabka casuumaddu u taalay barigaasi ayaan ahayn qaab ka turjumaya qaranimadda iyo madax-banaanidda Somaliland.” sidaa waxa yidhi arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo isagu Weftigaas hoggaaminaya, oo intii aanay dhoofin ka hor qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha Berbera ugu warramay Warbaahinta.

Wasiirku wuxuu sheegay in wada hadal dhex maray Somaliland iyo Turkiga ay ogolaatay meeqaam la mid ah kii dawladda Ingiriisku ay siisay shirweynihii bishii feberwari ee sanadkan ay ku qabatay Magaaladda London. “Markaa ka dib waxaanu qaadanay go’aan ah inaanu ka qeyb galo shirkan, shirkan aanu ka qeyb galaynaana waa mid la xidhiidha dhinaca horumarinta dhaqaalaha,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa kale oo uu ka hadlay kulamo uu sheegay inay la yeelan doonaan dawladda Turkiga, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa noo qorshaysan inaanu dawladda Turkiga la yeelano kulamo laba geesood ah oo ay dawladaha Somaliland iyo Turkigu kaga wada hadlayaan laba qodob. Qodobka koowaad oo ah in mucaawimadda Turkigu doonayo inuu siiyo Somaliland qaabka ay marayso sidii loo samayn lahaa qaab maamul oo labada dal ay ku wada maareeyaan. Si waxtarkaasi u noqdo mid midho-dhal ah.”

Waxaanu Wasiir Maxamed Cabdillaahi intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Qodobka labaad ee aanu ka wada hadlaynaa waa qaddiyadda siyaasiga ah ee Somaliland. Maadaama oo dawladda Turkigu tahay dawlad weyn oo imika u soo tafo-xaydatay inay wax ka qabato arrimaha Soomaaliya. Waxaanu jecel nahay inay fahmaan Somaliland, horumarkeeda iyo himilooyinkeedda qaranba.”

Weftigan Wasiirradda ee Somaliland ku mateli doona shirkan waxay kala yihiin Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaalle iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo guriyaynta Md. Axmed Cabdi Xaabsadde.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE