CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Muuse Biixi oo ka hadlay 24-guurada guda-galkii SNM ee Burco iyo Xuska Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya

Hargeysa, 28 May, 2012 (Ogaal)- Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa laba qoraal oo uu shalay soo saaray waxa uu hambalyo ugu kala diray guud ahaan Shacbiga Somaliland, Dawlada iyo halgamayaasha Ururkii SNM ee Somaliland xoreeyey xuska 24-guurada ka soo wareegtay dagaalladii gudo-galka Magaalooyinka oo ku kala astaysnaa 27 bishii May 1988-kii oo ay Burco galeen, halka 29-kii isla bishaa oo ay Cadaadlay galeen iyo 31-ka bishii May 1988 oo ay Hargaysa isku soo shubeen xooggagii SNM.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye wuxuu u rajeeyay Shacbiga Somaliland,Dawlada,iyo Ciidamada difaaca dalkooda u taagan inaynu guul iyo barwaaqo ku gaadhno himilada aynu higsanayno. Isaga oo Illaahay uga beryey intii ku naf-waday inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, intii ku dhaawacantayna Illaahay ka caafimaadiyo, Agoontii ku Aabbo weydaynay ilaahay Cawil khayr qaba siiyo.

Geesta kale, waxa uu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse  Biixi Cabdi uu dhanbaal hambalyo ah u diray Xisbiga Xukuma dalka aynu deriska nahay ee Itoobiya ee EPRDF,Dawladda iyo Shacabiga Ethiopia ee u dabbaal-degaya 21 guurada ka soo wareegtay markii ay EPRDF xukunka ka tuurtay Dergiga (Labaatan Gimbod) 28-kii bishii May 1988-kii.

Qoraalkan Guddoomiyuhu waxa uu ku bogaadiyay Xisbiga EPRDF,Shacbiga iyo Dawladda Ethiopia guulaha dhinac walba ah ee ay gaadheen, waxa uu u rejeeyay dawladda Ethiopia inay horumar iyo barwaaqo ay ku gaadhaan rejooyinka ay filanayaan.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE