CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Suldaan ka digay Halista Dabinno hor leh oo uu sheegay inay Somaliland u maleegayaan Cadawgeedu

Hargeysa, 26 May, 2012 (Ogaal)- Suldaan Cabdillaahi Cabdi Koor, oo ka mid ah Salaaddiinta deegaannada gobolka Sanaag-Bari, ayaa ku baaqay in Somaliland looga baahan yahay iyadoo isku duuban inay ka dabbaalato dabinno uu sheegay in cadowgeedu u maleegayaan.

Suldaan Cabdillaahi Cabdi Koor wuxuu sidaasi ka sheegay ka dib markii shalay subax si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa oo uu socdaal ku yimid, iyada oo siyaasiyiinta iyo wax-garadkii soo dhaweynayey ay kaga hor-tageen Tuulada Haleya ee Bariga Hargeysa. Suldaanka oo Khamiistii soo gaadhay magaalada Berbera ka dib markii uu ka soo kicitimay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxa duleedka Hargeysa ku soo dhaweeyay Salaaddiin, Siyaasiyiin kala duwan iyo dadweyne badan oo reer Somaliland ah.

Suldaan Cabdillaahi Cabdi Koor waxa uu soo dhawayntiisa ka dib ka hadlay socdaalkiisa magaalada Hargeysa oo uu tilmaamay inuu marti-qaad ka helay Xukuumadda Somaliland. Suldaanku wuxuu ka digay wax uu ugu yeedhay dabinno Somaliland uu la maaggan yahay cadowgeedu. “Xilligan dabinnada innoo yaalla waxa la doonayaa inaynu ka dabbaalanno oo aynu ka digtoonaanno innaga oo Somaliland midnimadeenna muujinayna isku tanaasul haddii ay tahay Xukuumadda, Madax-dhaqameedka, ururrada siyaasadda iyo guud ahaanba shacabka Somaliland, waxaanan leeyahay yaan la innaga danaysan ee innagu danteenna iyo dawladnimadii iyo himiladeenna aynu lahayn aynu gaadhno.”

Suldaan Cabdillaahi waxa uu ka hadlay socdaalkiisa xilligan ee magaaladda Hargeysa, waxaanu yidhi; “Waxaan ku imid Casuumad aan ka helay Xukuumadda Somaliland, sidaa daraaddeed, waxaan Xukuumadda hadda jirta u soo jeedinayaa inay wax gaadhsiiyaan gobolka Sanaag oo waliba si dhab ah u gaadhsiiyaan. Annaga oo Xukuumadihii hore-ba kaga caban jirtay arrintan, laakiin waxaannu rejaynaynaa in Xukuumaddani dhammays-tirto waxyaalaha ka dhiman gobolka Sanaag si uu gobolkaasi u helo xaqa uu leeyahay u gana mid noqoto dhinaca horumarka caasimadda Somaliland.”

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE