Ururrada Qareennada Somaliland ee SOLA iyo GARGAAR oo midoobay
Hargaysa, 26 May, 2012 (Ogaal)- Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid iyo Guddoomiaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa goob-joog ka noqday Munaasibad ay ku midawbeen Ururrada Qareennada Somaliland ee Gargaar iyo SOLLA oo Khamiistii lagu qabtay Huteel Xaraf ee magaalada Hargaysa.
Munaasibaddan labadan urur ku midoobeen waxaa laga dhawaaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo qaban doono shirweynihii saddexaad ee Ururka Qareennada SOLLA, waxaana Wasiirka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ka sokow, ka qaybgalay xafladdaas labada Guddoomiye ee kala hoggaaminayey Ururrada midoobay, Qareenno tiro badan, Masuuliyiin kala duwan oo Bahda Garsoorka ka socday iyo marti-sharaf kale.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladdai iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa ku ammaanay labadan urur ee midoobay inay muujiyeen hannaan wanaagsan, isla markaana waxa uu ku dhiirrigeliayay Qareennada labadan urur in ay ilaaliyaan anshaxa iyo dhaqan-wanaagga Garsoorka. “Runtii waa munaasibad aad iyo aad loogu farxo quwaddu waxay ku jirtaa midawga iyo isu-tagga kala qaybsanaantuna waa nusqaan. Labada Urur ee midawga sameeyayna mid walba gooni ayaan ugu hambalyeynaa waxaan leeyahay waxaad samayseen geesinnimo, guul baad samayseen runtiina wax uu Qaranku u aayo ayaad samayseen, waana farsamo aniga qudhaydu tirsanayo oo laga yaabo Berri ka maalin inaan idiin ku imaaddo oo ay innoo noqoto xirfaddii aynu wada lahayn.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid.
Guddomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo isna hadallo ka jeediyay munaasibaddaas, ayaa ka warramay Qareennada habka uu uga socon karo Garsoorka dalku. Isagoo ku boorriyay Garyaqaannada inay ka qayb-qaataan meel-marinta iyo xallinta arrimaha yar-yar ee aan loo baahnayn in loo gudbiyo Maxkamadaha. “Waxa farxad weyn ii ah inaan ka soo qayb-galo xafladda midawga Ururrada Qareennada, waxaa mar kasta niyadda ku hayn jirey inuu maruun Qaranku yeelan doono Urur Qareenno ah oo qayb weyn ka qaadata toosinta iyo ku dhaqanka sharciga baahi weyna loo qabo, wakhtigii hore iyo wakhtiga hadda la joogo-ba waana Illaahay mahaddii haddii ay midoobeen labadii Urur ee innoo soo baxay kuna midoobeen magaca SOLLA. Waxaan aammisanahay inay tahay guul iyo sharaf u soo korodhay bulshada Somaliland, waxaan rejaynayaa inaad fulin doontaan idinka oo si qumaatiya u raacaya Xeeraka iyo Qawaaninta adeegga sharciga iyo caddaaladda oo wax badan ka tari doontaan oo qayb weyn ka qaadan doontaan hannaanka caddaaladeed ee dalkeenna iyo baahida ay dadku qabaan meel kasta oo ay joogaan Rag iyo Dumar, Carruur iyo Cirroole-ba nooca ay doonaan ha noqdaane caddaaladda waa loo wada baahan yahay.”
Waxa iyaguna hadallo halkaas ka soo jeediyay Guddoomiyaha Ururka Gargaar iyo qaar ka mid ah haya’daha Garsoorka Qaranka iyo kuwa madaxa-bannaan oo dhammaantood soo dhaweeyay midawga labada urur ee Garsoor iyo SOLLA.
.









