CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Jaho-wareerka Siyaasadda Soomaaliya iyo Doorka Somaliland uga bannaan inay Shir dib-u-hishiisiineed ugu qabato Hargeysa

Addis Ababa, 24 May, 2012 (Ogaal)- Jamhuuriyadda Somaliland oo 18-kii May 1991-kii xornimadeeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, isla markaana dhawr iyo tobankii sano ee u dambeeyey ahaa dal nabad, dawladnimo iyo kala-dambayni ka jirtay, ayaa weli fursad wax ku ool ahi uga bannaan tahay dhex-dhexaadinta iyo isu-soo dhawaynta dhinacyada isku haya Somaliland. iyada oo shir Madaxda Soomaaliya uga socday magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya dirqi kaga badbaaday inuu fashilmo.

Aynu ku horreyno’e Madaxda Soomaalida shir saddexdii cisho ee ugu dambeeyey uga socday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa si weyn la isugu maan-dhaafay, kaasoo faro-ciddidood kaga badbaaday inuu si rasmi ah u fashilmo, ka dib markii dhowr qodob oo ku jira Dastuurka qabyada ah ee dalkaas si weyn ay ugu kala aragti duwanaadeen saxeexayaasha tubta nabadda (Raodmap) ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena uu jiray muran ku saabsan qaabka loo xulayo ergooyinka ansixinta Dastuurka iyo kuwa soo xulaya Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya yeelan doonto, iyada oo wakhtiga dawladda ku-meel-gaadhka ah uga hadhay muddada xil-haynteeda gabaabsi yahay, isla markaana ku egyahaybisha siddeedaad ee sannadkan 2012-ka, waxaana shirkaa si jujuub ah oo goob-joogayaasha caalamku dabada ka riixayeen loo soo gebo-gabeeyey xalay.

Qodobbada la isku mari la’yahay ee Dastuurka ayaa gaadhaya illaa 35 qodob oo ay madaxdu ku kala aragti duwan yihiin, iyadoo Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Faroole uu codsanayo in isbeddel lagu sameeyo qodobbadaas halka mas’uuliyiinta kalena ay dalbadeen in marka la ansixiyo Dastuurka ka dib wax ka beddel lagu sameeyo.

Shirka oo lagu waday inuu Salaasadii dorraad xidhmo ayaa dib u dhacay wakhtigii loo qorsheeyey, iyadoo lagu goor-dambe oo xalay ah la soo gebo-gabeeyey, ka dib markii qodobbo yeedhis ah ay ku wada sexeexeen Madaxda dawladda Ku-meel-gaadhka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada Gal-mudug iyo Puntland ee Soomaaliya. Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa waxa uu hore uga biyo-diiday qodobbada lagu muransan yahay, waxaanay qaarkood ku tilmaameen inay yihiin kuwo awoodda inteeda badan siinaya dowladda Soomaaliya, sidoo kalena aan ku dhisnayn hab-federaali ah.

Geesta kale, waxa muran ka taagan yahay qaabka lagu soo xulayo Ergooyinka ansixin doona Dastuurka cusub ee Soomaaliya yeelanayso iyo kuwa soo xulaya xubnaha Baarlamaanka, waxaanay tani ay sidoo kale caqabad ku noqotay in shirka lagu soo gebo-gabeeyo laba cisho oo uu ku talogalku ahaa in lagu soo xidho.

Sidoo kale, waxa isaguna in lagu kala dhaqaaqo qarka u saaran Shir Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed uga socday Muqdisho, kuwaasoo iyagu soo xuli lahaa Ergooyinka ansixinta Dastuurka cusub iyo Ergooyinka dooranaya Baarlamanka cusub ee lagu wado inay Soomaaliya yeelato inta ka horreysay bisha August ee sannadkan oo uu ku dhammaanayo wakhtiga dawladda ku-meel-gaadhka ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Haddaba, is-faham la’aanta taagan iyo kala-fogaanta u dhaxaysa Madaxda Soomaaliya, ayaa la odhan karaa waxay fursadi uga bannaan tahay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo heli karta inay dalkeeda ku-marti-qaaddo,  shirar la isugu soo dhawaynayo, isla markaana lagu wadahadashiinayo dhinacyada is-haya ee dawladda Soomaaliya, gaar ahaan dawladda. Waxaanay Somaliland u muuqataa inay guul ka iftiin badan natiijooyinka shirarka dalalka dibedda loogu qabto Soomaalida ay ka soo hoyn lahayd, iyada oo ka faa’iidaysanaysa khibradda iyo waaya-aragnimada ay Somaliland u leedahay heshiisiinta dad colaado dhex-mareen, khilaafyo taagan oo xal rasmi ah u baahinana ka dhexeeyaan, sidii ay iyaduba ku dhammaysatay arrimeheeda dib-u-heshiisiinta, isutanaasulka, isa-saamaxaadda iyo dhismaha nidaam dawladnimo oo buuxa.

Dad badani waxay u arkaan haddii Somaliland arrintaas isku daydo, isla markaana kaga dhabayso oo ay caalamka Soomaaliya sannadahan dambe wax u yeedhiya la galagalaysato, kuna qanciso inay Mashaariicda shirarka Soomaalida koonfurta lagu wadahadashiinayo qaybo ka mid ah Somaliland siiyaan, siday wax u dhigaysana la eegaan, inay Soomaaliya yeelan lahayd rejo ka fiican ta ay hadda leedahay, haddii ay Somaliland wax ka qabashada xaaladda siyaasadeed ee qallafsan ee Soomaaliya wax ka wada qaban kari waydana ay qaar ka mid ah arrimaha ugu adag awoodi lahayd inay ku guulaysato.

Waxaanay Somaliland tallaabooyinka noocan ah haddii ay qaaddo iyada lafteedu ka faa’iidi lahayd waxyaabo badan oo isugu jira dhaqaale, xidhiidh dhaw oo ay Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya uga faa’iidaysato arrimeheeda la xidhiidha qaddiyadda gooni-isu-taagga ay labaatanka sano dunida ka baadi-goobayso oo caalamkuna inta badan shuruud uga dhigaan inay la xaajooto dalkii ay ka midka ahaan jirtay ee Soomaaliya iyo xidhiidho kale oo ay la yeelan lahayd, isla markaana ku soo jiidan lahayd indha dawlado badan oo daneeya arrimaha Soomaaliya, una arka inay Somaliland weli tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, xattaa haddii ay kuwa hadda talada Soomaaliya haya waxba kaga heli weydo waxa jidkani u sahli lahaa Somaliland inay u soo dhawayso dawlad Soomaaliyeed oo dhalata oo ay arrimeheeda gaarka ah iyo rabitaanka shacabkeeda ku qanciso.

Hase-yeeshee, Somaliland waxay u muuqata mid aanay arrimahan aynu ka hadalnay qorsha ugu jirin, isla markaana kuwaa beddelkooda iyadu sas aan la qarin karin ka qabta soo hadal-qaadka arrimaha Soomaaliya. Hase ahaatee, waxa hubaal ah haba-yaraatee in haddii ay samayso isku dayo noocan ah faa’iidooyin ugu jiraan, oo xattaa marka laga tago faa’iido siyaasadeed mid dhaqaale oo buurani uga soo hayan lahaa.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE