CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines oo sheegtay inay dhakhso u bilaabayso Duullimaadyadeedii Somaliland

Hargeysa, 24 May, 2012 (Ogaal)- Wakiilka Somaliland u qaabbilsan Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines Cumar Siciid Ducaale, ayaa daboolka ka qaaday inay Shirkaddu duullimaadyadeeda dhakhso uga bilaabi doonto Somaliland, gaar ahaan Hargyesa/Addis Ababa, Addis Ababa/Hargeysa, taasoo duullimaadyadeeda Somaliland joojisay sannadkii 2008.

Wakiilka Somaliland Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines Cumar Siciid Ducaale, war qoraal ah oo uu shalay ka soo saaray magaalada Hargeysa ayuu ku faahfaahiyey wakhtiga rasmiga ah ee ay diyaaradaha shirkaddu duullimaadyadooda ka bilaabayaan Somaliland, inta duullimaad ee ay maalintii samaynayaan iyo doorka isu-socodkani ka qaadan karo dhinacyada fududaynta dadka safarka, ganacsiga iyo xidhiidhka isu socodka Somaliland iyo Itoobiya.

Warkaa qoraalka ah oo uu ku saxeexnaa Wakiilka Somaliland u qaabbilsan Ethiopian Airlines Cumar Siciid, waxa uu u dhignaa sidan:

“Ethiopian Airlines oo ka mid ah diyaaraha Afrila ee heerkooda wax-qabad aad u soo kobcadyo, waxay halkan kaga dhawaaqaysaa inay dib u bilaabayso duullimaadyo ay ka samaynayso Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa laga bilaabo 10 June, 2012. Ethiopian Airlines waxay duullimaadyo joogto ah ku tegi doontaa magaalada Hargeysa iyada oo isticmaalaysa nooca diyaaradda Q400, iyada oo saddex duullimaad oo subaxdii ah iyo afar duullimaad oo gelinka dambe ah ku tegaysa.

Illaa wakhtigii ay Ethiopian Airlines joojisay duullimaadyadii ay ku tegi jirtay magaalada Hargeysa bishii November ee 2008, dadka isaga safraya Addis Ababa iyo Hargeysa waxay adeegsanayeen adeegyada Basaska isaga goosha Addis Ababa/Jijiga iyo Jijiga illaa Hargeysa.

Sii amba-qaadka Ethiopian Airlines ee isku xidhka safarka diyaaradeed ee Hargeysa/Addis Ababa iyo Xoojinta xidhiidhka ganacsiga iyo dadka, waxay awood u siinaysaa dadka safarka ah ee ka imanaya Bariga dhexe, Afrika, Yurub iyo Ameerica inay u noqoto dariiq fudud oo ay ku tagaan Soomaaliya.”

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE