Aqoonyahanno wax ka dhiga Jaamacadaha Maraykanka oo Sheegay inay Ardayda bari doonaan Jamhuuriyadda Somaliland
Washington, 24 May, 2012 (Ogaal):- Wakiilka Somaliland ee wadanka Maraykanka Rashiid Gaaruf, ayaa sheegay in shirweyne lagaga hadlayay qaddiyadda Somaliland oo toddobaadkan lagu soo gabo-gabeeyay Maraykanka uu kor u qaaday qaddiyadda dalka, isla markaana ay macluumaad badan ka heleen shirkaasi shan Professor oo wax ka dhiga Jaamacadaha ugu waaweyn Maraykanka oo ballan-qaaday inay Ardaydooda bari doonaan taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland.
Wakiilka Somaliland ee Maraykanka Rashiid Gaaruf wuxuu sidaasi ku sheegay war-murtiyeed dheer oo uu xalay ka soo saaray Washington, oo uu tafaasiil kaga bixiyay midhihii ka soo baxay shirkaasi iyo qodobadii lagu faaqiday shirkii labda maalmood qaatay. Waxaanu u dhignaa war-saxaafadeedkaasi sidan:-
“Aniga oo ah Wakiilka Somaliland ee USA, oo ku hadlaya magaca dhammaan jaaliyadaha reer Somaliland ee USA iyo Canada, waxaan halkan uga soo gudbinayaa hambalyo iyo mahadnaq sidii quruxda badnayd ee ay uga soo qayb galeen shirkii Somaliland ee lagu qabtay Washington DC. Waxaan si gooni ah ugu mahadnaqayaa dhamaan intii wakhtigooda ugu tabarucday ee ka shaqaysay sidii shirkaasi u qabsoomi lahaa.
Shirka waxa ka soo qayb galay , Wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Mudane Baashe Maxamed Faarax Gudoomiye ku xigaha kowaad ee golaha Wakiilada, Mudane Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha xisbiga UCID, Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada ahna mulkiilaha Edna Hospital, iyo masuuliyiin kale oo ka socda Wasaarada Waxbarashada ee Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Cabdillahi Cumar wuxuu kulan la yeeshay maalintii Khamiistii ee shirka ka horaysay masuuliyiin sare sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada ee USA, kuwaas oo uu ka mid yahay madaxa qaybta Africa u sareeya. Waxa kale oo Wasiir Maxamed Cabdillaahi iyo Gudoomiye Ku xigeenka Wakiiladda Baashe Maxamed ay si wada jir ah kulan ula yeesheen madaxa qaybta Afrika ee hayadda USAID-ka. Shirarkan waxa lagu faaqiday lagana wada hadlay xidhiidhka labada waddan u dhexeeya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa caawimada USAID ay siiso Somaliland.
Waxa kale oo goobta shirka isugu yimi dad ay tiradoodu gaadhayso lix boqol oo qof; kuwaas oo qaar ka mid ahi ay ahaayeen dad ajnabi ah oo u dhashay waddanka Maraykanka.
Shirka waxa kale oo ka soo qayb galay saraakiil ka tirsan dawladda maraykanka xubno ka mid ah Xildhibaanadda waddanka Maraykanka, shaqaalaha Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka, shaqaalaha hayadda dawlada Maraykanka caawimada u qaabilsan ee la yidhaahdo USAID.
Waxa kale oo shirka ka soo qayb galay dhammaan jaaliyadaha reer Somaliland ee degan USA iyo Canada iyo kuwo ka yimi meelo fog sida UK, Saudi Arabia, iyo Qatar. Shirkan ujeedooyinkiisa waxay ahaayeen in magaca Somaliland iyo barashada Somaliland kor loogu soo qaado, in shicibka Jaaliyahada Somaliland ay waraaqo iyo telephone kula hadlaan xildhibaanada laga soo doortay deegaamadda ay degan yihiin ee maraykanka oo ay ka dalbadaan inay taageeraan Somaliland, in talooyin iyo tusaalayn la isku dhaafsado ku socota qurbajooga, dawladda iyo dhammaan shicibka Somaliland-ba, iyo in loogu dabaal dego laguna muuneeyo xuskii munaasibaddii 18-ka may ee sannad guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland.
Ujeedooyinkii shirka laga lahaa dhammaantood way noo suurto galeen. Jaaliyadihii waxay fursad u heleen inay u dabaal degaan maalinta 18th May ee sharafta mudan. Dhamaan dadkii shirka isugu yimi waxay qoreen dhowr boqol oo waraaqood oo loo dhiibay qabanqaabiyayaashii shirka oo loo dirayo xildhibaanada golaha Wakiilada ee USA. Intii shirka ka horaysay iyo intii shirku socdayba waxa la sii daayay warsaxaafadeed Ingiriisi ah oo loo diray dadka Maraykanka ah oo ka hadlaya qadiyada Somaliland. Waxa kale oo shirka ka soo baxay tallooyin iyo tusaalayn fara badan oo lagu soo saari doono qoraal dambe kuwaas oo ku socda Qurbajooga Somaliland, Dawlada Somaliland, iyo caalamkaba.
Waxa kale oo lama ilaawaan ah in dhalin yaraddii (labaatan jirka ka yaraa) ee reer Somaliland ee ka soo qayb galay shirka oo ku soo bandhigay ciyaaro, heeso iyo khudbado ay qayb wayn ka qaateen shirka, iyaga oo ku tilmaamay inuu shirku u noqday xasuus lama ilaawaan ah.
Waxa kale oo shirka ka soo qayb galay dad Maraykan ah oo khudbado ka jeediyay iyo kuwo macluumaad badan ka helay Somaliland.
Waxa shirka ka hadlay shan borofessor oo wax ka dhiga shanta jaamacadood ee ugu waawayn waddanka Maraykanka, iyagoo balan qaaday inay ardaydooda bari doonaan Somaliland qadiyadeeda.
Waxa kale oo shirka laga sheegay dhowr idaacadood oo ku yaala maraykanka taasoo dadka Maraykanka ah siisay fursad ay ku bartaan qadiyada Somaliland. Marka la soo koobo shirkaasi wuxuu ahaa mid qadiyada Somaliland kor u soo qaaday, shaqada iyo hawshuna ay bilaw tahay jaaliyada Somaliland iyo Wakiilka Somaliland-na uga baahan tahay dabagal in hawshan lagu sameeyo. Shirkaasi wuxuu noqday mid siisay jaaliyada Somaliland fursad ay kula ciidaan shicibkoodii maalinta qadarinta mudan ee 18th May.
Waxa aanu ku faraxsan nahay in dadkii Maraykanka ahaa ee shirka ka soo qayb galay qaar ka mid ahi ay go’aansadeen inay yimaadaan Somaliland oo ay iyagu indhahooda ku soo arkaan waddanka iyo dadkaba. Waxa aanu aad ugu faraxsan nahay in shicibkii Somaliland heleen fursad ay isku arkaan oo kaga wada xaajoodaan danahooda ku haysta Maraykanka dhexdiisa ee iyaga gaarka u ah iyo ta labaad oo ah qaranimada iyo shicibka Somaliland dantooda ay la wadagaan walaalahooda reer Somaliland.
Waxaan ku soo gunaanadayaa inaan mahadnaq balaadhan u soo jeediyo dhammaan intii taageeradda u muujisay shirkan, intii ka qayb qaadatay shirka sidii loo qaban lahaa ee wakhtigooda u huray, intii dhaqaale ugu deeqday, intii meel dheer uga timi ee safar u soo gashay sidii ay uga qayb geli lahaayeen, khaasatan waxa mahadnaq gaara u soo jeedinayaa jaaliyadahan oo keenay muruq iyo maal dheeraada, Metro-Washington DC, Baltimore, Columbus, Minnesota, Dallas, Tennessee, Chicago, California, iyo Toronto. Waxa iyaguna mahadnaq u soo jeedinayaa maddaxda dawlada Somaliland ee shirka nagala soo qayb gashay. Waxa aanu dhowaan soo saari doonaa sawiradii, video-gii, iyo qoraaladii shirka ka soo baxay oo dhamaan idinla wadaagi doono, kuwaas oo iyaguna noqon doona oo qayb ka qaadan doona sidii Somaliland qadiyadeeda caalamka loo bari lahaa.”.









