CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

“Waa qasab waanan ku qanac-sanahay wixii Maxkamadda ka soo baxa…Labada Garyaqaan-ba waxay ka tirsan yihiin Xisbigayaga…”

Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa, 24 May, 2012 (Ogaal)- Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, ayaa markii ugu horreysay sheegay inuu aqbalayo natiijo kasta oo ka soo baxda dacwad la xidhiidha khilaafka ka dhexeeya labada garab ee UDUB u kala fadhiyo oo dhagaysigeedu toddobaadkan Maxkamadda sare ee Somaliland ka bilaabmay.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland, ahna Guddoomiye ku-xigeenka UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa shaaca ka qaaday inuu aqbalayo go’aan kasta oo ka soo baxa dacwadda uu garabka UDUB ee uu hoggaamiyaa u gudbiyey Maxkamadda dastuurka ah ee Somaliland, dacwaddaas oo ka dhan ah garabka uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, taasoo dhagaysigeedii koowaad Maxkamadda sare ka bilaabmay toddobaadkan.

“Waxaannu isku haysannaa (Daahir Rayaale) waa danaha Xisbiga ee  dan shakhsi maaha. Arrintana waxa dhaqaajin karta Maxkamadda oo qof waliba waxa uu raacayaa wixii Maxkamadda ka soo baxa.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yasiin, oo shalay la hadlay qaar ka tirsan Warbaahinta gudaha ee Somaliland.

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in Garyaqaannada u kala doodaya labada garab ee UDUB u kala fadhiyo ee khilaafku u dhexeeyo inay ka tirsan yihiin labaduba Xisbiga UDUB. “Waa qasab waanan ku qanac-sanahay wixii Maxkamadda ka soo baxa. labada Garyaqaan-ba waxay ka mid yihiin Xisbigayaga waanay ka tirsan yihiin.” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Md. Axmed Yuusuf Yasiin.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE