“Waxaan u sheegayaa Bulshada reer Somaliland inaan la igu tuhmin wax ka hooseeya Qarannimada Somaliland”
Cali Maxamed Waran-cadde
Hargeysa, 23 May, 2012 (Ogaal)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Cirka Somaliland xilligii Xukuumaddii UDUB, Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay inaanu ahayn nin loo tuhmo arrimo ka hooseeya Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ahayn nin lagu tuhmi karo arrimo aan heer qaran ahayn ee heer beeleed iyo wax la mid ah toona.
Cali Maxamed Waran-cadde oo ka jawaabayey hadal ka soo yeedhay qaar ka tirsan Madaxda Dhaqanka ee Gobolka Gabiley, waxa uu ku dooday inaanu ahayn nin ay ka soo yeedhi karaan warka Odayaasha gaadhay, hase ahaatee uu u arko warar dadka xumaanta iyo xasidka ka shaqeeya iyo kuwa qarannimada Somaliland ka soo horjeedaa doonayaan inay xiisad kaga dhex abuuraan beelaha walaalaha ah ee Somaliland wada dega. Waxaanu Cali Waran-Cadde sidaa ku sheegay war qoraal ah oo uu xalay Warbaahinta u qabiyey, warkaasina waxa uu u qornaa sidan:
“Anigoo daba jooga hadal ka soo yeedhay Madax-dhaqmeed ka soo jeeda gobolka Gabiley oo aniga iyo Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ku dhaleeceeyey dhacdadii ka dhacday Bariga Hargeysa, waxaan dhacdadaa ku dhaafayaa qaddar Alle oo dhacay, waxaanan filayaa in ay ku dhammaato si fiican oo aanu ka faa’iidaysan cadowga Somaliland.
Waxaanse jeclahay in aan halkan uga mahad-naqo Madax-dhaqameedka reer Gabiley ee sida Saraaxadda ah uga hadlay wararkii dhan-xiirku geeyey gobolka Gabiley ee ku saabsanaa kaalinta aniga iyo Suldaanku aanu kaga halnay shaqaaqadii ka dhacday Bariga Hargeysa oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac aan loo baahneyn maanta. Horaa loo yidhi; ‘finka caloosha ku jira carrabkaa lagu dilaa’.
Waxaan marka hore tacsi u dirayaa ehelada iyo qoysaska dadkii ku naf-waayey dhacdadaasi foosha-xun. Mar labaadka waxaan leeyahay wararka gaadhay Odayaashu waa qaar aan waxba ka jirin oo loogu tala-galay in lagu mija-xaabiyo Qaranka Somaliland,iyadoo la doonayo in nidaamka Qarannimo ee aynu dhiganay la innaga leexiyo oo farta la isugu fiiqo beelaha reer Somaliland, iyadoo meesha laga saarayo Qarannimadii aynu ku soo tacabnay,
Waxaanan qabaa inay wararkan faafinayaan cadowga Somaliland iyo qaar innaga innaga mid ah oo ku mamay in ay si xun u ceeshaan, iyo qaar sallaanka siyaasadda Somaliland ka dhacay oo xasad u geynayo in aanay waxba ka xishoon. Waxaan-se moodayey in Somaliland madaxdooda kala baratay oo nin walba halka ay ugu hagaagayaan iyo waxa ka suurtooba la bartay, waxaanan u sheegayaa bulshada reer Somaliland in aan la igu tuhmin wali wax ka hooseeya Qarannimada Somaliland. Waxaanan ugu baaqayaa ummadda reer Somaliland in ay ilaashadaan wada-jirkooda, oo arrimahooda xallishaan.”









