Maxkamadda Sare ee Somaliland oo bilawday dhagaysiga Dacwad Xasaasi ah oo u dhaxaysa Laba Garab oo Xisbiga UDUB u kala fadhiyo
Hargeysa, 22 May, 2012 (Ogaal)- Maxkamada Sare ee Somaliland, ayaa shalay gudo gashay dacwad u dhaxaysa laba garab oo uu u kala fadhiyo Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, kaasoo salka ku haya khilaaf u dhexeeya hoggaanka sare ee Xisbigaas, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay Maxkamaddu go’aan rasmi ah ka soo saari doonto ka garniqidda khilaafka dhinacyada UDUB ee ay bilawday.
Fadhiga Maxkamadda oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sar ee Distooriga ah Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa lagu dhagaystay Dacwaddan dhinacyada UDUB oo salka ku haysa khilaaf soo jiitamayey tan iyo bilawgii sannadkan, kaasoo bilaabay ka dib markii la isku maandhaafay musharraxnimada Madaxweynennimo ee Xisbiga ee shanta sano ee soo socda.
Dhagaysiga dacwaddan oo socday muddo ka badan Shan saacadood oo xidhiidh ah ayaa ku bilaabantay jewi degan, isla markaana ku soo gebo-gabowday hab xasillooni iyo sareexadi ku dheehan tahay,iyadoo dhagaysiga dacwadan ay ka qayb galeen Mas’uuliyiin ka socday labada dhinac ee khilaafka sharci u dhexeeyo ee uu u kala fadhiyo Xisbiga UDUB, labadaa garab oo ay kala hoggaamiyaan Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo isagu Maxkamadda u gudbiyay dacwadan.
Intaas ka dib waxay Maxkamaddu si toos ah u gudo gashay dhagaysiga dacwaddan, Dood dheer iyo su’aalo badan oo ay isweydaarsadeen labada Garyaqaan ee u kala doodaya dhinacyada is haya oo qolo waliba dhinaceeda u soo bandhigtay aragtiyo marag u noqda dooddooda iyo go’aanno hore ay isula gaadheen, ayaa gabo-gabadii fadhiggaas waxa uu Guddoomiyaha Maxakamadda sare Dr Yuusuf Ismaaciil Cali, waxa uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan ay Maxakamaddu go’aan uga soo saarayso khilaafka ka dhex aloosan Xisbiga UDUB.
Dhagaysiga dacwaddu markii uu soo xidhmay, ayaa labada dhinac ee Khilaafkani soo kala dhex-galay waxay Warbaahinta uga warrameen dareenkooda ku aaddan dacwaddan uga bilaabantay Maxkamadda sare. Abiib Xasan Filfil oo xubin ka ah garabka uu hoggaamiyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UUDUB ayaa sheegay in qaddiyadda muranka keentay ay hortaallo Maxkamadda, isla markaana ay sugayaan go’aanka ay ka soo saarto oo aanay ka hor dhacayn natiijadiisa.
Sidoo kale Cali Maxamed Waran-cadde oo ka socday garabka uu hoggaaminayo Daahir Rayaale Kaahin oo ah Gudoomiyaha Xisbiga UDUB, ayaa dhiniciisa sheegay inay soo dhawaynayaan go’aan kasta oo xaq ah oo ka soo baxa Maxkamadda Sare.
Si kastaba ha ahaatee, kiiskan ayaa noqonaya kii labaad ee u dhexeeya ee laba garab oo Xisbi ay wada hoggaaminayeen isku haya ee ay qaaddo Maxkamadda sare ee Somaliland, iyada oo Maxkamaddu hore u uga garnaqday kiis ay sannadkii hore u gudbiyeen laba dhinac oo isku hayey hoggaaminta Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, iyada oo Maxkamaddu dhagaysi badan iyo shurucuuda Xisbigaas oo ay eegaysay ka dib dhinac uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ay u xukuntay hoggaaminta Xisbiga illaa inta laga gaadhayo Shirweynaha Xisbiga oo muddo bil iyo wax yar ahaa wakhtigaa ka hadhsanaayeen.
Waxaana go’aankaa ku qancay dhinicii ka soo horjeeday markaas oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo immika ah Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADDANI oo uu markaa ka dib ku dhawaaqay ama furay. Haddaba, inkasta oo aan immika la saadaalin karin dhinaca loo xukumi doono iyo ka laga xukumi doono toona, haddana waxay dacwadda u dhaxaysa labada dhinac ee UDUB u kala fadhiyaa u bilaabantay si deggan, isla markaana waxa la rejaynayaa in fadhiga fadhiyadan xiga ay Maxkamadda sare ka soo saari doonto go’aan.









