CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Salaaddiin ku baaqay in tallaabo laga qaado Madax-dhaqmeedka u hanqal-taaga shirarka Soomaaliya

Hargeysa, 15 May, 2012 (Ogaal)- 80 Xubnood oo isugu jira Salaaddiin iyo Cuqaal oo kulan ku yeeshay shalay Huteel Crown ee magaalada Hargaysa, ayaa kaga hadlay xoojinta nabadgelyada iyo Salaaddiinta tagta dalka Soomaaliya Shirarka loo qabanayo oo ay ku sifeeyeen denbiilayaal Qaran.

Waxa Shirkan soo qaban-qaabiyay Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, waxa madax-dhaqameedka ka qayb galay ay ka kala socdeen gobollada Togdheer, Saaxil iyo Maroodi jeex.

Suldaan Axmed Nuur Samaale oo kulankaasi ka hadlay, ayaa sheegay sida ay waajibka u tahay in madax-dhaqameedyadu uga qayb qaataan wax kasta oo taabanaya maslaxada dalka iyo dadka isla markaana ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen wixii nabadgalyada qarankan wax u dhimaya,sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa isagoo Suldaankani soo dhaweeyay kulanka noocan oo kale ah ee ay isugu yimaadeen.

Suldaan Axmed Nuur Samaale waxa uu ka digay in Salaadiin ka tirsan Somaliland ay ka qayb galaan shirarka ay qabsanayaan dalka aynu dariska nahay ee colaaduhu halakeeyeen ee Somalia,waxaanu intaas ku daray inay taageerayaan go’aan ay hore u soo saareen 84 Suldaan oo dhawaan shir yeeshay caasimada Hargaysa.

Sidoo kale Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin ayaa u mahadceliyay cidii soo agaasintay kulankan .

Waxaa kale oo kulankaas ka hadlay xubno isugu jira Salaadiin iyo Cuqaal kala duwan.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE