CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Suldaan Xukuumaddu ka xidhay Munaasibaddii Caleemo-saarkiisa oo mar kale loo Xafladeeyey iyo Xisbiga KULMIYE oo ka qaybgalay

Hargeysa, 14 May, 2012 (Ogaal)- Suldaan ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iska hor-taagtay in Beeshiisu caleemo-saarto Suldaan-nimo, isla markaana Xafladdii loo qorsheeyey in loogu cumaamado isaga oo ku sii socdo Boolisku Xabsiga u taxaabeen Khamiistii, ayaa shalay si rasmi ah loo caleemo-saaray.

Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle, ayaa Khamiistii toddobaadkii hore Xabsi ku mutaystay caleemo-saarka Suldaannimada beeshiisu u soo xulatay, ka dib markii ay Ciidanka ammaanku Xabsiga u taxaabeen markii ay bilaabmi lahayd Xafladda lagu caleema-saarayey oo lagu qabtay Huteelka Shiraaqle ee magaalada Hargeysa, halkaas oo Madaxdii dhaqanka iyo dadweynihii beeshiisa munaasibadda joogay ku caleemo-saareen kursigii uu ku fadhiisan lahaa oo Sawirkiisa lagu dhejiyey. Hase-yeeshee, shalay ayaa mar kale loo sameeyey Xaflad ballaadhan oo si rasmi ah loogu caleemo-saaray, taasoo ay ka qaybgaleen Madax-dhaqmeed isugu jiray Salaaddiin, Cuqaal, Odayaal, Wax-garad, Aqoonyahan Beesha Yoonis Dan-wadaago ee Ciida-gale, Masuuliyiin Xisbiga KULMIYE ka tirsan, Siyaasiyiin iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan.

Cawil Maxamed Fiiqle oo hore ahaa Ceeqilka beeshaas, ayaa hadda ah Suldaanka Beesha Yoonis, waxaanu shalay laga bilaabo ku biiray Xayndaabka Salaaddiinta Beelaha Somaliland.

Munaasibaddan lagu caleemo saarayey Suldaanka oo ay hadallo duco iyo dardaaran isugu jira ka soo jeediyeen qaar ka tirsan Madax-dhaqameedka beesha Danwadaago, kuwaasoo Suldaanka ugu duceeyey inuu ILLAAHAY u fududeeyo hawsha loo igmaday ee beesha iyaga oo kula dardaarmay inuu si weyn isha ugu hayo arrimaha beesha iyo guud ahaan ummadda Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbigil-xaakimka KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel),oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka soo qayb gashay caleemo-saarka Suldaanka oo ka hadlay munaasibaddaas ayaa si weyn uga hadlay muhiimadda uu leedahay xilka Suldaannimo, isaga oo tilmaamay inay Salaaddiintu xil weyn u hayaan ummadda loona baahan yahay inay mar kasta ka fikiraan danta bulshada iyo sidii horumar loo gaadhsiin lahaa.

Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle oo ka hadlay munaasibadda lagu caleemo-saarayey, ayaa sheegay inuu  khilaaf dhex-maray isaga iyo Suldaanka ay beeshu hore u dooratay sababay xadhiggii lagula kacay Khamiistii hore iyada oo loo fadhiyo caleemo-saarkiisa. Waxaanu Suldaan Fiiqle xusay inuu soo af jarmay khilaafkaasi. Waxaanu ballan-qaaday Suldaanku inuu sida ugu habboon, caddaaladdana ugu dhaw u gudan doono Xilka culus ee beeshiisu u caleemo-saartay iyo sidoo kale, isku wadka iyo isu-soo dhawaynta guud ahaanba beelaha Somaliland iyo horumarinta arrimaha dhaqanka beelaha dhexdooda.

Gebo-gabadii, Xafladdaas waxa si rasmiya loo caleemo-saaray Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle iyada oo dadweynaha iyo Madaxda dhaqanka ee ka soo xaadiray madasha ku caleemo-saareen Caleemo qoyan, Ubax iyo dhirta noocyadooda cagaaran.

GHTime Code(s): nc nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE