Meydka Hooyo la gowracay oo la helay iyo tirada Carruur Agoon ah oo ay haysatay
Hargeysa, 14 May, 2012 (Ogaal)- Hooyo haysatay shan Carruur ah oo ay dhashay oo Agoon ah, ayaa Meydkeeda oo la gawracay la helay, taasoo la sheegay in Meydkeeda la arkay, ka dib markii ay habeen-hore gurigeeda kala baxeen Saraakiil ka tirsan Malleeshiyada Al-Shabaab ee Al-Qaacida.
Wararka laga helayo deegaanka Hoosingow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee dalka Koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegaya in duleedka deegaankaasi shalay lagu arkay Meydka Haweeney ka mid ahayd dadka deegaanka oo gowracan, isla markaana illaa hadda ma cadda sababta Haweenaydan oo ahayd hooyo dhashay shan carruur ah loo gawracay ee ay galabsatay.
Maxamed Sheekh Cabdi oo ka tirsan Saraakiisha dowladda ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa warbaahinta u sheegay in Haweeneydaasi ay gurigeeda kala baxeen Rag ka tirsan Malleeshiyada Al-shabaab, waxaanu sheegay in Meydkeeda oo gowracan ay soo dhigeen duleedka deegaanka Hoosingoow.
“Waxay ka mid ahayd dadka Hoosingow ku nool, qof Miskiin ah oo haysatada 5-carruur ah oo agoon ah ayay ahayd, waxa shalay galab la arkay Meydkeeda oo gowracan, magaalada Bannaankeeda ayaa laga soo qaaday Meydka oo madaxa ka go’an.” sidaasi waxa warbaahinta u sheegtay Hooyo ay Deris ahaayeen haweenayda la dilay oo ka gaabsatay in magaceeda la shaaciyo.
Haweeneyda la gowracay ayaa lagu magacaabi jiray Suleeqo Sheekh Yuusuf, waxaanay ahayd 35 sano jir, iyadoo ka mid ahayd dadka reer Hoosingoow, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in Haweeneydaasi loo dilay si naxariis-darro ah. Illaa hadda lama garanayo sababta dilka Hooyadan Carruurta Agoonta haysatay keenay.
Geesta kale, illaa hadda ma jiro war arrintan argagaxa badan ku saabsan oo ka soo baxay dhinaca Malleeshiyada Al-shabaab, waxaanay arrintani wel-wel badan iyo walaac ku abuurtay dadka ku dhaqan deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya.
Maaha markii ugu horreeysay ee gobollada Jubbooyinka iyo meelaha kale ee ay ka taliso Malleeshiyada Al-Shabaab oo ka tirsan Shabakadda Al-Qaacida lagu arko Meydka ruux gawracan, hase-yeeshee dilalka ceynkan oo kale ayaa ah kuwo badanaa ka dhaca gobollada Jubbooyinka oo ay isku hayaan xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG-ka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa ururka Raaskaambooni iyo Millateriga Kenya.









