Natiijada Kormeer Wefti ay hoggaaminayso Wasiirka Waxbarashada Somaliland ku sameeyeen Dugsiyada Waxbarasho ee Berbera
Berbera, 14 May, 2012 (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Wefti ay hoggaaminayso oo maalmihii u dambeeyey-ba socdaal shaqo ku marayey gobollada dalka qaarkood, gaar ahaan kuwa Bariga, ayaa shalay soo gaadhay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Wasiirka waxa socdaalkeedan shaqo ku weheliyey Guddoomiyaha Xafiiska guud ee Imtixaanka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax iyo Saraakiil sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, waxa Weftiga qaabbilay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Saaxil ee Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Ibraahin Digaale Maxamuud. Waxay Masuuliyiintani kormeer ku sameeyeen shalay gelinkii hore Dugsiyada Waxbarashada hoose-dhexe iyo sare ee magaalada Berbera. Kuwaasoo inta badan Dugsiyadaas ay kormeerayeen Fasal fasal u galay, isla markaana Ardayda, Maamulayaasha iyo Macallimiintaba ka dhagaystay warbixinno, waxna ka waydiiyey habka ay Waxbarshadu u socoto iyo haddii ay jiraan wax caqabado ah oo hortagaan.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Weftiga ay hoggaaminayso ee socdaalka shaqo u jooga Berbera, waxa ay dhammaan Dugsiyadii ay kormeereen Maamulayaashooda, Macallimiinta iyo Ardaydu-ba u sheegeen in sannadkan ay wakhti hore dhammeeyeen Manhajka waxbarashada sannad-dugsiyeedka dhammaanaya loogu talagalay in ardayda loo dhigo ee Wasaaradda Waxbarashada, isla markaana ay wakhtigan ku jiraan muraajaco iyo dib u eegis, kuna jiraan diyaar-garawga Imtixaanka sannad-dugsiyeedkan loo fadhiisanayo, iyada oo ay halkaana ammaan ballaadhan u soo jeediyeen Guddoomiyaha Waxbarshada gobolka Saaxil ee Wasaaradda waxbarashada, Ibraahin Digaale Maxamuud oo ay sheegen in uu horumar la taaban karo gaadhsiiyey heerkii waxbarshasho ee Gobolka, isla markaana uu si joogta ah ula shaqeeyo, taasoo keentay in guud ahan maanta gobolku diyaar u yahay guulo dhinaca Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dudsiyada Dhexe iyo Sare ka keenaan.
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa ka warramay waxyaaba ay ku ogaadeen kormeerka ay ku mareen Dugsiyada waxbarasho ee magaalada Berbera, waxaanu yidhi; “Maanta (Shalay) waxaannu kormeer shaqo ku nimi Berbera aniga iyo Wasiirka Waxbarshada, Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam, iyo Saraakiil kale oo Wasaaradda ka tirsan, waxaannu soo kormeernay dhammaan Dugsiyada Berbera annaga oo kulammo-na la qaadannay Ardayda, Maamulka iyo Macalliminta, runtii waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego in sannadka Berbera Waxbarshadeedii wax weyni iska beddeleen, oo dhammaan Dugsiyadii aannu soo marnay ay dhammaystireen Manhajkii Wasaaradda diyaar-garowna ay ugu jiraan inay Imtixaanka sannad-dugsiyeedkan u fadhiistaan. Waxaan leeyahay waxaad muujiseen dedaal badan idinka oo jooga magaalo-xeebed, waxaan rejaynayaa in ay sannadkan Berberi guul wax ku ool ah ka gaadhi doonto Imtixaanka Shahaadiga ah, dedaalka ay ku jiraan awgii.”
“Waxa kale oo aan halkan ammaan uga soo jeedinayaa Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka oo muujiyey horumar ballaadhan oo la tabaan karo oo dhinaca Waxbarshada ah, aad ayaan u hanbalyeynayaa Maamulka gobolka, Waalidiinta iyo Bulshada qaybaheeda kala duwana waxaan u soo jeedinayaa in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha, si tayada Waxbarashadu meel fiican u gaadho.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xafiiska guud ee Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax.
Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Saaxil Ibraahin Digaale Maxamuud oo isna la hadlayey warbaahinta, ayaa baaq u soo jeediyey, Waalidiinta, Qurbo-joogga, Ganacsatada iyo qaybaha bulshada reer Somaliland, gaar ahaan gobolka Saaxil, waxaanu yidhi; “Marka hore waxaan aad ugu faraxsanahay kormeerka Wasiirka Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda ka socda ee ay Wasiirku hoggaaminaysaa, kormeerkoodan ay maanta (shalay) Berbera ku yimaaddeen, iyaga oo soo maray dhammaan Dugsiyada magaalada Berbera ku yaalla. Runtii kormeerkani annaga faa’iido ayuu noo yahay waayo? Annaga oo sannadkan guud ahaan Waxbarshada gobolka is leh waad dedaasheen haddana marka lagu kormeero ayaad ogaanaysaa in wixii aad qabatay ay sax yihiin ama sidii aad mooodaysay ay tahay, runtii maanta Dugsiyadii la soo maray oo dhan waxa u dhammaaday Manhajkii, kaas oo awal dhici jirtay in iyada oo aan la dhammayn uu imtixaanku ka soo gaadho, taasi waa guul.”
“Waxa kale oo iyana jirta inay Waxbarshadii markii uu isbeddel tayo lihi ku yimi ay Dugsiyadii wada buuxsameen oo Berri (maanta) haddii Alle idmo ay Wasiirku dhismayaal cusubna dhagax-dhigi doonto qaarna ay xadhigga ka jari doonto. Markaa, waxaan doonayaa in aan halkan uga faa’iidaysto Waalidka iyo Bulshadaba, waalidka waxaan leeyahay Waalidow Ubudkiinna ka war haya oo la socda, bulshadana waxaan leeyahyay ha noqdeen Qurba-jog, ha noqdeen Ganacsato ama cidi kale-ba, waxaan leeyahay oo aan mar labaad iyo saddexxadba ku celinayaa ma hayno doorkiinnii, waxa laydinka baahan yahay Talo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Saaxil.
Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxa laydinka baahan yahay waxtar dhinaca Dhismayasha Dugsiyada, waxa laydinka baahanyahay waxtar dhinaca dhaqaalaha ah, gaar ahaan maanta waxaan la hadlayaa Qurba-joogga oo aan leeyahay ka warhaya Waxbarshada gobolka oo waxa jira arday aan awoodin waxbarashada oo aan Buug iyo qalin toona haysan oo ka badan waxa aannu Xukuumad ahaan qaban lahayn, kuwaas oo kale waxa loo baahan yahay in aad wax soo tartan ardaydaas.”
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Weftiga ay hoggaaminayso iyo Guddoomiyaha Gobolka Saaxilka iyo waliba masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Waxbarshada Somaliland, ayaa aad ugu ammaanay horumarka waxbarasho ee ardayda Berbera ka muuqda Guddoomiyaha Waxbarshada gobolka, oo ay tilmaameen dedaalka uu sameeyey muddada uu xilka hayey inuu ka muuqdo dugsiyada Berbera iyo guud ahaanba ardayda wax ka barata. Iyaga oo ku boorriyey inuu halkaa ka sii wado dedaalka iyo kartida uu muujiyey, waxaanay u rejeeyeen in sannadkan uu gobolku darajo fiican ka gaadho Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dalka Somaliland.
Waxbarashada Gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera ayaa muddooyinkii u danbeeyay wax weyni iska beddeleen iyada oo inta badan dugsiyada magaalada Berbera lagu kordhiyey dhismayaal cusub oo fasallo ah, kuwaasoo Wasiirka Waxbarashadu maanta xadhigga ka jari doonto, halka dhinaca tayada waxbarshada Tartamo kala duwan loo qabtay dugsiyada dhexe iyo hoose iyada oo la beddelay sida uu Guddoomiyahu sheegay wakhtiga ay xiisaduhu bilaabmi jireen iyo wakhtigii laga soo bixi jiray fasallada, taasoo keentay in dugsiyada Berbera ay beryahan ku jiraan diyaar-garow ballaadhan oo dhinaca imtixaanka ah, halka gobolka loo sameeyay kormeerayaal badan oo dabagal ku sameeya habsami u socodka waxbarshada gobolka Saaxil.









