Faysal Cali Waraabe oo Shirka Muqdisho ka socda ku tilmaamay mid Caddaaladda ka fog, eedayna u jeediyey Madaxda TFG
Hargeysa, 14 May, 2012 (Ogaal)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay Soomaaliya waxba u kordhin karin, Somaliland-na waxba ugu fadhiyin Shaqsiyaadka Somaliland ka soo jeeda ee ka qaybgalaya shirka lagu xulayo Ergada ansixinaysa Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya oo Sabtidii toddobaadkii hore ka furmay magaalada Muqdisho.
Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa ku eedeeyey shirka ka socda Muqdisho iyo qaabka loo wado mid ka fog caddaaladda, isla markaana boqolkiiba siddeetan in ka badan shacabka Soomaaliyeed ka soo horjeedaan oo aanay raalli ku ahayn qodobbada dastuurku ka kooban yahay iyo qaabka loo wado, hase ahaatee, shaqsiyaad qurbo-joog Soomaaliyeed ah iyo Madaxda dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya oo doonaya inay xukunka sii haystaan jujuubayaan ummadda Soomaaliyeed.
“Horta waxa weeye dadkaasi fidmo loo soo diray Soomaaliya weeye oo Dastuurka dadka loo diray waxa weeye dad aan khimrad sare lahayn oo dad badan oo waaya-aragga waxna ka samaynayey Dastuurkan way iska casishay, sida immika la doonaayo waxa weeye si aanay Ummaddu raalli ka ahayn. Innaga oo Somaliland ah oo aan ku jirin ayaa si dadban ay innoogu sheegayaan, arrintaasina waxa weeye arrin lagu deg-degay, maaha wakhti lasameeyo Dastuurkan.”Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.
Waxaanu Guddoomiyaha UCID oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Dastuurkani waxa uu salka ku hayaa waxa weeye 4.5-kii Carta lagu soo sameeyay iyo labadii shir ee ugu danbeeyay ee Garoowe, dadka tagayaana maaha dad Somaliland metala ee waxa wanaagsan in iyaguna u dhammaadaan boqolkiiba 85 Dadka Soomaaliya way ka soo horjedaan habka loo wado Dastuurka Soomaaliya. Somaliland Inay iska tirsadaan waxaan u arkaa inay fogaynayso qodobkii shirkii London ka soo baxay ee ahaa Dawladda Ku-meel-gaadhka ah (TFG) ama wixii dhalxaa inay wadahadlaan.”
Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey Xubnaha Somaliland u dhashay ee ka qaybgalay shirka Dastuurka lagu ansixinayo ee ka socda magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, waxa uu yidhi; “Kuwa tagayaana horeba waan u sheegay oo waa Khaayimiin danna uma wadaan Somaliland iyo Soomaaliya toona, waxaan u arkaa in arrintani aanay keenayn nabad ee ay sii kordhinayso arrinta colaadda ka taagan iyo fawdada ka taagan Soomaaliya. Dadka musharrixiinta ah ee doonaya inay Soomaaliaya iska sharraxaan iyo Raggii TFG oo doonaya inay madax ka noqdaan ayaa maamulaya shirkii, Rag kale oo doonaya inay Madax ka noqdaan ayaa dibedda ka yimi, siday wax u socdaanna maaha si Cadaalad ah.”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in shirka Soomaaliya lagu soo koobay laba qodob, isaga oo labadaa qodob sharraxaayana waxa uu yidhi; “Waxa weeye shirkii dhammaa waxa lagu koobay laba qodob oo ah jidka nabadda (Road Map) oo Soomaaliya gaar u ah iyo qodob kale oo lagu daray in Somaliland iyo TFG ay wadahadlaan. Markaa, waxa weeye in la kala caddeeyo oo roodh-maabkaasi uu u ekaado Dastuurkaas loo samaynayo Soomaaliya, ta kale ee Somaliland iyo TFG ay noqon wax loo wada dhan yahay, laakiin in la kala saaro ayey ahayd.”
“Waxa ka socda shirkii Carta ee laba iyo tobanka sano bilood socday waxaan u arkaa in xalaadda Somaliland iyo Soomaaliya aanay xal u keenaynin sida immika ay wax u socdaan. Waxaannu doonaynaa in wixii loo kala qaado A iyo B oo ah A Somaliland way dhisan tahay oo meel ayey noo joogtaa, markaa maanta waxa isku walaaqan TFG iyo Maamulka Puntland oo Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaruhu way siman yihiin, annaguna waxaannu diyaar u nahay inaannu gacansiinno Soomaaliya.” Sidaa ayuu Eng Faysal Cali Waaabe oo shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.









