CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Bambooyin Khasaare Nafeed geystay oo lugu wareerary Ciidamada Jooga Muqdisho

Muqdisho, 14 May, 2012 (Ogaal)- Ugu yaraan saddex qof oo isugu jira askar iyo shacab ayaa ku dhintay qaraxyo bambaano oo Habeen-hore  ka dhacay Isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag ee Magaalada muqdisho, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo ay ku jirto haweeney labada lugood ka go’day.

Weerarradan bambaanada ah ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab iyagoo hadal ay kasii daayeen idaacaddooda kuna sheegay inay qayb ka ahaayeen weerarro ay xoogaggoodu ka wadaan Muqdisho. “Bambooyinkan midkood waxaa lagu weeraray askar ku sugnaa isgoyska Baar Ubax midda kalena waxaa lagu weeraray askar kale oo ku sugnaa agagaarka Hoteel Salaama..” ayay Saxaafadda u sheegeen dad goobahaas ku sugnaa marka ay weerarradu dhaceen.

Goob-joogayaal kale ayaa sheegay inay arkeen Meydadka saddex qof oo mid ka midi uu ahaa Askarta dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, halka labada kalena ay ahaayeen shacab uu midkood ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada dowladda qaraxyada ka dib. Kooxihii weerarrada Bambaanaha ah geystay ayaa waxa u suurtogashay inay goobta ka baxsadaan waxaana isla markiiba la keenay isgoyska Baar Ubax ciidammo fara badan oo kuwa dowladda ka tirsan. kuwaasoo illaa shalay ku sugnaa goobahaas.

Ma jirto cid loo qabtay weerarradaas, waxaana Al-shabaab ay sheegeen inay sii wadi doonaan weerarrada noocan oo kale, iyadoo xaaladda ammaan ee Muqdisho ay sii xumaanayso wakhti ay dowladdu sheegayso inay xoogga saarayso sugidda ammaanka Caasimadda Soomaaliya.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE