CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Shir ku saabsan ka faa’iidaysiga Tamarta Dabaysha oo Hargeysa ka furmay

Hargeysa, 14 May, 2012 (Ogaal)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Axmed Dalal  Faarax oo uu weheliyo Agaasimaha Tamarta ee Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Saleebaan Cabdillaahi Jaamac, ayaa shalay furay shir ku saabsan sidii dabaysha looga dhalin lahaa tamarta la isticimaalo.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah waxaa ka qayb galay xubno ka kala socda Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka, Beeraha, Rugta Ganacsiga iyo Mulkiilayaasha Wershadaha Laydhka ee lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Axmed Dalal Faarax, ayaa sheegay in shirkan lagu dhiirrigelinayo ganacsatada ku shaqaysa tamarta iyadoo la adeegsanayo ayuu yidhi; ‘Macdanta uu qaniga ku yahay dalka Somaliland, waxa uu Agaasimaha guud xusay in haddii mashruucan lagu guulaysto uu faa’iido ballaadhan uu leeyahay dalka, isla markaana fududaynaya fursado shaqo in laga helo.

Agaasimaha Tamarta ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland Saleebaan Cabdillaahi Jaamac oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucani ku saabsan yahay adeegsiga tamarta dabaysha,isagoo intaas ku daray in Wasaarad ahaan ay sameeyeen Xeerarkii lagu dhaqi lahaa ka faa’iidaysiga Tamarta, taasoo ku  jirta sida uu sheegay qorshaha heerka Qaran ee shanta sannadood ee soo socda.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE