CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo kormeer ku sameeyey xaaladda Cusbitaalka guud ee Hargeysa

Hargeysa, 13 May, 2012 (Ogaal)- Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa shalay kormeer ay ugu kur galayaan xaaladda Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeisa waxay ku soo mareen qaybaha Cusbitaalkaasi ka kooban yahay.

Guddidu waxay kormeerkooda ku soo mareen qaybaha kala duwan ee Cusbitaalku ka kooban yahay , waxaanay halkaasi warbixin kaga dhagaysteen  Agaasimaha guud ee Cusbitaalka Hargeisa Axmed Askar  oo warbixin ka siyey hawl-qabadka qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka waxaanu sheegay in xaaladda guud ee Cusbitaalku fiican tahay.

Agaasimaha guud ee Cusbitaalka Hargeisa waxa u warbixintaas sheegay in ay siiyaan bukaanka aan daawada iibsan karayn dawooyin lacag la’aana , waxa kale oo uu sheegay in Miishanka,  safaynta kalyaha  uu dhawan ka hawl galay cusbitaalka guud kaas oo loogu adeego  dadka ka cabanaya kalyaha .

Guddida joogta ah ee golaha guurtidu waxay kormeerkooda ku soo mareen kaydka dawaada ee cusbitaalka miishinka safaynta  kalyaha iyo shaybaadhka cusbitaalka halkaas oo ay warbixin kaaga qaateen masuulinta qaybahaas.

Gaba-gabadi Guddida joogta ah ee Golaha Guurtida ayaa maamulka Cusbitaalka uga mahad-naqay hawlaha ay u hayaan bulshada iyagoo bukaankana Eebo uga baryay in uu caafimaad siiyo.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE