CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Wasiir Xukuumadda ka tirsan oo Buriyey hadal ka soo yeedhay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo

Hargeysa, 12 May, 2012 (Ogaal):-  Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland, ayaa buriyey hadal hore uga soo yeedhay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, hadalkaas oo caddaynayey inaanu jirin wax heshiis ah oo haba-yaraatee ay kala sexeexdeen labada dal ee Jabuuti o Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa daboolka ka qaaday in sannadkii 2010 Jabuuti iyo Somaliland kala sexeexdeen Heshiiska ka faa’iidaysiga khayraadka Badda Somaliland ee Isniintii toddobaadkii hore magaalada Jabuuti ku dhex-maray Wasiirrada arrimaha dibedda ee Somaliland iyo Jabuuti Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Maxamed Cali Yuusuf.  “Arrintaasi inay been tahay waxa u daliil ah bishii October ee sannadkii 2010 ayey Somaliland iyo Jabuuti kala saxeexdeen heshiis la xidhiidha sidii la isaga kaashan lahaa ka faa’iidaysiga khayraadka badda oo aniga (Wasiir Geeljire) iyo Wasiirka Kalluumaysiga Jabuuti ayaa ku heshiinay in aannu galno heshiish kalluumaysi, arrintaasna meel walba waa laga sheegay oo saxaafaddu way qortay. Taas waxa ka dambeeyey in agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland ay tageen Jabuuti, iyagoo la soo kulmay dhiggooda Jabuuti, waxayna labada dhinac soo diyaariyeen wixii aannu ku heshiin lahayn.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cabdillaahi-Geel-jire, oo Khamiistii nuxurka heshiiskan uga warramay Wargeyska Jamhuuriya.

Waxaanu Wasiir Geel-jire intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Markaa, arrintani ma aha wax cusub oo bilaabantay markii weftiga reer Jabuuti dalka laga celiyey, laakiin wuxuu ahaa hannaan soo socday ilaa bishii October 2010, dhamaystirkiisuna weli ma dhowa, waxase jira hab-maamuus (borotakool) ah in xayndaabka guud ee heshiiska la soo xidho oo sidii qolo walba ugu talogashay u dhammaystirto, lagana shaqeeyo tifaftirkiisa iyo dhammaystirkiisaba, taasna waxa saxeexa wasiirrada arrimaha dibedda.

Arrintii heshiiska aasaaska u ahayd anigaa soo oggolaaday oo waxaannu hore u kala saxeexanay Wasiirka Kalluumaysiga Jabuuti, markaa dhammaystirkiisana waxa borotokool ahaan saxeexaya Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, arrintanna muddo ayey soo socotay.”

Hase-yeeshee, hadalkan Wasiir Geel-jire, ayaa ah mid burinaya hadal Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka soo yeedhay 28-kii bishii November (11-aad) ee sannadkii tagay 2011, maalintaas oo uu ka soo laabtay Safar uu kaga soo duulay magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu kulammo kula soo yeedhay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Masuuliyiinta Xukuumaddiisa, ka dib markii uu Madaxweynuhu ka soo laabtay dalka Ingiriiska oo uu muddo bil ku siman fasixiisa caadiga ahaa ku soo qaatay, soona maray dalka Itoobiya.

Haddaba, Madaxweynaha Somaliland markii uu ku soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, waxa uu soo dhawayn ka dib qolka nasashada Madaxda ugu warramay Weriyayaasha, waxaana warbixintiisa ka dib su’aal laga weydiiyey nooca heshiisyo ay wada galeen Somaliland Jabuuti uu kaga jawaabay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo uu yidhi; “Arrimahaa waxaannu ka leenahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dawladda Jabuuti horeba waannu isu aragnay waxaannu soo kala sexeexannay oo heshiis ahina ma jiro. Dawladda Madaxweyne Geelle, waxaannu ka wada shaqaynaa wanaagga iyo sidii dalka wax loogu qaban lahaa iyo sidii la isugu xidhiidhin lahaa labada dal iyo wixii dan u ahba iyo shacbi-weynehooda, si wanaagsan iyo saaxiibnimo innaga dhaxaysay, jaarnimo iyo dadnimo wanaagsanna waannu ku soo wadahadallay.”

Si kastaba ha ahaatee, Heshiiskan ayaa ka mid ahaa heshiisyo hore u dhexmaray labada dawladood, hase-yeeshee, uu is-hortaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ka dib markii ay isku af-garan-waayeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la sheegay inuu ka cago-jiiday dalabyo Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday inuu u fuliyo Somaliland oo la sheegay inay qaddiyadda gooni-isu-taagga iyo arrimo kale ka mid ahaayeen.

Lama garan karo sababta heshiisyadii hore Somaliland u diidday ee dhinacyada Biyaha iyo ka faa’iidaysiga Khayraadka Badda ee Jabuuti rabtay wakhtigan ku qasbay inay u fududayso dawladda Jabuuti. Heshiisyadan ayaa ku soo beegmay dhawr maalmood ka dib markii dawladda Somaliland xadkeeda dib uga celisay Wefti Wasiirro dawladda Jabuuti ka tirsani la socdeen oo doonayey inay u soo gudbaan magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selal ee Somaliland, iyada oo markii Weftigaa dib loo celiyey Khamiistii hore isla maalintii Jimcaha si deg-deg ah Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ugu dhoofay Jabuuti, iyada oo wararku sheegeen in arrinta kediska ah ee Jabuuti uu u tagay la xidhiidho codsi ka yimi dhinaca dawladda Jabuuti oo soo dalbatay inay Somaliland ka qanciso sababta Weftigeeda Somaliland xadka uga celisay.

Si kastaba ha ahaatee, waxay dad badani u arkaan heshiiskan mid ay Somaliland Jabuuti kaga raalli-gelisay arrintaas, maaddaama oo ay sannad ka hor diidday meel-marinta heshiiskan dawladda Somaliland.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE