CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Madaxtooyada oo hoos-u-dhaca laga dareemay diyaar-garawga Xuska 18-ka May kaga jawaabtay ‘Anaa jab la maaggan!’

Hargeysa, 12 May, 2012 (Ogaal)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa markii ugu horreeyey ka hadashay qabanqaabada iyo u diyaar-garowga xuska sannad-guurada 21-aad ee ka soo wareegtey markii Somaliland lagaga dhawaaqay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer 18-kii May 1991-kii.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo shalay u warramay Weriye Mustafe-Jannaale oo ka tirsan Shabakadda Wararka ee Hadhwanaagnews, waxa uu ku dooday in xuska 18 May ee sannadkan 2012 aanay ahayn mid doorkan hoos loo dhigay ama laga gaabiyey, balse la wada dareemi doono inay hawli socotey marka la gaadho xuskeeda, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi; “Hawshu way socotaa, maaha mid laga gaabiyey, maaha mid doorkan hoos loo dhigay waana la dareemi doona marka aynu gaadhno 18 May 2012 inay meesha shaqo ka socotey min Gobol ilaa Degmo dalka oodhan.”

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlaya qiimaha iyo weynaynta ay leedahay maalinta 18 May ayaa waxa uu yidhi “18 May waa maalin inagu weyn, waa maalinta uu leeyahay qaranka Somaliland, waa maalinta aynu madax-banaanideena iyo dawladnimadeena  dib unugnay ee aynu dib u seesnay ee aynu dib u taagnay, waa maalin inooga suntan maalmaha kale oodhan.Sidaasna muwaadinkasta wuu u og-yahay oo uu u garanayaa dareenkeedana waynu u leenahay.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waa dog-tihiin xukuumaddani intii ay talada waddanka haysay 18 May ee hore (2011) waxa loo xusay si qeyral-caadi ah, oo aan labaatankii sanadood ee ka horeeyey xus intaa leeh caalamka oodhan laga sameynin, bulshada oodhan ayaa u taagnayd maalintan (18 May), bulshada oodhana ayaa qabtey dareenkan.”

Md. Cukuse waxa uu ku dooday in xuska iyo u dabaal-dega 18 May ee sanadkan si meeqaam sare ah loo xusi doono.“18 May ee hore (2011) waxay ahayd maalin uu qarankan Somaliland iyo dawladnimadeenu labaatan jirsatey, 18 May kuwii ka horeeyey ee ay xukuumadihii badnaa ee hore ay joogeena waa la xusi jirey, kuwa ka danbeeya oodhana waa la xusayaa, 18 May 2012 sidii loo xusi jirey ee caadiga ahayd ayeynu u xusaynaa.”Ayuu yidhi.

Mar uu Afhayeenku ka hadlayey waxa sanadkan guddi heer qaran ah loogu saari-waayey xuska 18 May , ayaa waxa uu yidhi; “Qaar saxaafadda ka mid ah oo ku celceliya guddi looma magacaabin xuska 18 May, waxa jira sideedaba masuuliyiin ay xilkooda caadiga ah tahay maalintan (18 May) abaabulkeeda iyo qorsheynteedu marka la xusayo xuskaasi, masuuliyiintasi waa kuwo heer gobol ah, waa kuwo heer degmo ah, waa kuwo heer qaran ah, waxaana ugu soo horeeya Maayarada iyo golaha deegaanada, taliyayaasha ciimada booliskam badhasaabada. Dawlada dhexena waxaabay masuuliyadaasi caadi u saraan tahay oo lagu og-yahay Wasaarada arrimaha gudaha, Wasaarada madaxtooyada, iyo Wasaarada Warfaafinta iyo Wasaaradaha kale ee ay u baahdaan inay arrintaasi ka caawiyaan oo ay ku jirto Wasaarada maaliyaddu.”

“Jaaliyadaha reer Somaliland, Wakiillada dalalka dibada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland gudo iyo dibad-ba waxaan leeyahay 18-ka May waxa loo xusayaa sidii hore-ba loo xusi jirey,hawshii qaban-qaabaduna imika way socotaa, waxaanay maalintani inoo leedahay qiimo aan duugoobi karin oo weligii jirayaa.”Ayuu yidhi Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE