Wasiirrada Arrimaha gudaha iyo Qorshaynta Qaranka oo dalka dib ugu soo laabtay
Hargeysa, 12 May, 2012 (Ogaal)- Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtey, ka dib markii ay ka soo dhammayteen socdaal ay toddobaadkii hore ku tageen dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, waxaanay ku yimaaddeen Safar dhinaca dhulka ah oo ay kaga soo galeen dhinaca Wajaale ee xadka Itoobiya iyo Somaliland.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), iyo Wasaiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranku Dr. Sacad Cali Shire waxay shalay markii ay soo gaadheen magaalada Tog-Wajaale ee ku taalla Xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya ay booqdeen xarun cusub oo ay Hay’adda IOM u dhistey Xafiiska Laanta Socdaalka Tog-Wajaale ee Somaliland, halkaas oo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf, ayaa ugu soo bandhigey Wasiirrada qaabka ay u shaqeeyaan, isagoo xusey in ay fasaxeen Baasaboorka Somaliland dhammaan goobaha laga soo galo dalka Somaliland isla markaana loo baahan yahay in loo fududeeyo fiisayaasha iyo baadhitaanka dhinaca Amniga.
Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Eng Sacad Cali Shire oo hadallo kooban ka jeediyay goobta Xarunta Laanta Socdaalka Tog-Wajaale ayaa isagu hadalkiisa ku soo gunaanaday in kooban oo uu kaga hadalayay Qalabka Laanta Socdaalka ee Saraakiisha Socdaalku u soo bandhigeen. Mana jiro wax war ah oo ay bixiyeen Wasiirradu.
Weftigan oo markii hore uu hoggaaminayey Wasiirka arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo isagu khamiistii ka duulay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya isaga oo u kicitimay waddanka Maraykanka oo uu Jaaliyadda reer Somaliland kagala qaybgeli doono xuska 18-ka May. Halka Wasiirrada Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, dalka dib ugu soo laabteen, ka dib markii ay soo dhammaysteensocdaal shaqo oo ay ku tageen dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, waxaanay weftigu maalintii Salaasaddii toddobaadkii hore kaga qeybgaleen Addis Ababa shirweyne lagu qiimaynayay mashaariicda horumarineed ee ay u baahan yihiin dalalka urur-goboleedka IGAD,waxaana shirkaasi goob-joog ka ahaa qaadhaan-bixiyeyaasha urur-goboleedka IGAD ka saacida horumarinta, halkaas oo ay Wasiirrada Somaliland ka socday hadallo ka jeediyeen, gaar ahaan Wasiirka Qorshayntu.









