CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Qarxiye Al-Shabaab ka tirsanaa oo isagu is-halligay

Muqdisho, 10 May, 2012 (Ogaal)- Nin Kooxda Qaraxyada dhagaraysan fulisa oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab oo Soomaaliya Wakiil uga ah ama u mettasha Argagixisada caalamiga ah ee Al-Qaacida, ayaa naftiisa qarxiyey, ka dib markii uu ay ku qaraxday Miino dhagaraysan oo uu ku aasayey jid ay isticmaalaan shacabka Soomaaliyeed.

Ninkan oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab ee Al-Qaacidda oo Miinno uu ku aasayay inta u dhaxeysa isgoysyada Baar Ubax iyo Black Sea ee magalada Muqdisho,  ayaa waxaa ku qaraxday Miinadii uu aasay.

Shacabka ku nool nawaaxiga Daallo ee Xaafadda Black Sea  (Badda madaw) ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa waxay  sheegeen in xalay (Habeen-hore) mid ka mid ah dhagar-qabayaasha Al-Qaacidda ay ku qaraxday Miino uu ku aasay halkaasi, iyadoo ninkaasi uu jidhkiisa hilbo u kala googgo’ay, sida ay faafiyeen Warbaahinta dalka Soomaaliya oo aannu warkan ka soo xigannay.

Miinada oo ahayd nooca Ramuudka laga hago ayaa waxa uu doonayay ninkan isku dhagaroobay in uu ku aaso waddo ay dadka iyo gaadiidku si aad ah u isticmaallaan, waxaana shalay goobtaasi baadhitaanno ka bilaabay Ciidammada ammaanka dowladda ku-meel-gaadhka Soomaaliya. Isgoysyada Black Sea iyo Baar Ubax ayaa waxa marar badan ka dhacay fashil ku aaddan in dhagar-qabayaasha Al-Shabaab ee Shabakadda Al-Qaacida ay ku qaraxdo Miino ay doonayeen in ay ku dhibaateyaan shacabka Soomaaliyeed ee xaafaddahaasi deggan.

font�1 e1�_� �� so-bidi-font-size:12.0pt;font-family:”Arial Narrow”,”sans-serif”;mso-fareast-font-family: “Times New Roman”;mso-bidi-font-family:Arial’> ka cambanayaan. Waa is-taraajiyad u baahan in Wasaaradda Caddaaladdu waxay qabanayso ay ogaato maxay dadku ka cambanayaan, baahida ka jirta Goballada dalka iyo waxyaabaha la tabanaayo ee Cadaaladda ah, markaas ayaa la samayn karaa is-taraatijiyad wax qabad iyo Cadaalad. ” sidaa ayuu yidhi Masuulka dhinaca Caddaaladda iyo Garsoorka u qaabbilsan Hay’adda UNDP oo shalay hadal ka jeediyey shir lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, kaasoo Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland soo qaban-qaabisay, isla markaana dib loogu eego nidaamka shuruucda garsoorka iyo caddaaladda Somaliland.

Waxaanu Madaxa UNDP Somaliland u qaabbilsan Caddaaladda oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Ummadda waxa deeqaa waa Cadaaladda, hantiyi ma deeqdo, Barwaaqo kale ma deeqdo, waxa kaliya ee qofku raalli uu ku noqdaa waa cadaaladda. Inkasta oo aynu ognahay dadkeennu inaanay aammisanayn Cadaaladda oo ay Lacag ku bixiyaan, haddii uu qofku waayo waxa doonayo waxa uu odhanayaa waa layga eexday.”

Shirkan arrimaha Caddaaladda Somaliland dib loogu eego, waxa furay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, waxaana ka sokow Wasiirka Caddaaladda iyo Madaxa UNDP, Kulankan oo soconaya muddo labo maalmood ah ka soo qayb galay Mas’uuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe),  Shaqada iyo arimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Gudoomiyaha Maxkamadda sare Dr Yuusuf Ismaaciil Cali, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaalada. Waxa kale oo goob-joog ka ahaa kulankan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qareennada ah ee Somaliland, Bahda Garsoorka iyo Caddaaladda, qaar kale oo ka mid ah Ururrada Garyaqaannada Somalialnd iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Cadaladda iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo kulnkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkii dhanka Cadaaladda ee sannadkii hore  qabsoomay laga soo saaray shuruuc iyo xogo ku saabsan dib-u-habaynta Cadaaladda, isla markaana kulankan lagu qaybin doono qoraallo arrimahaas ku saabsan oo la isku soo min-guuriyay.

Wasiirku waxuu sheegay inay lama huraan noqotay in la dejiyo qorshahii shanta sano ee soo socda lagu horumarin lahaa Caddaaladda Somaliland, taasina ay tahay mid u baahan in la helo bah caddaaladeed oo wada socota.

Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad), ayaa isna halkaasi ka sheegay in qorshaha Xukuumadda Somaliland ee ku qotoma dib-u-habaynta cadaaladdu uu yahay mid ka midho dhalintiisa ay bulshadu ka sugayso Xukuumadda, isaga oo xusay in loo baahan yahay in Hay’adaha garsoorkuna noqdaan kuwo gaadha cadaaladda dhabta ah.

Wasiirka Wasaaradda, Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), oo kulankaasi ka hadlayey, ayaa sheegay in kulankani yahay mid midaynaya bulshada iyo dawladda, taas oo  macnaheedu yahay ayuu yidhi Wasiirku inaynu talada iyo toosinteeda-ba wada leenahay.

Wasiir Boobe waxuu sheegay inay hawl adag u baahan tahay sidii sharci dal u degsan wax looga beddeli lahaa isagoo intaas ku daray in qaabka ay Wasaaradda cadaaladdu adeegsanayso ee ku qotoma hannaanka wada-tashiga uu noqonayo mid wax badan oo ka mid ah guul lagu xaqiijin karo.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Dr Yuusuf Ismaaciil Cali, oo isaguna kulankaas ka hadlayey ayaa sheegay in loo baahan yahay in shirkan lagaga faa’iidaysto sidii loo habayn lahaa sharciga cadaaladda iyadoo laga duulayo qorshahii ka soo baxay shir-caddaaladeed qabsoomay badhtamihii sannadkii hore.

Gebagebadii waxa kale oo halkaa ka hadlay Mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Xeer-ilaaliyaha guud ee Somaliland, Agaasimaha guud ee Wasaradda Cadaaladda iyo xubno kale.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE