Wasiirro ka tirsan Dawladda Somaliland oo Hadallo ka jeediyey Shir Urur-goboleedka IGAD uga furmay Addis Ababa
Hargeysa, 09 May, 2012 (Ogaal)- Wasiirrada Arrimaha Dibedda,Gudaha,iyo Qorshaynta Qaranka Somaliland, ayaa ka qayb galay shalay shir ay ku yeelanayaan magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya dalalka urur-goboleedka IGAD iyo Qaadhaan-bixiyayaasha ka taageera arrimaha horumarka.
Shirkan oo ahaa mid ay isku waajahayeen Somaliland iyo Qaadhaan-bixiyayaasha caalamiga ah ee maalgaliya urur-goboleedka IGAD, ayaa waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ammaan ballaadhan u jeediyay guud ahaan Qaadhaan-bixiyayaasha adduunka ee Somaliland ka kaalmeeya mashaariicda horumarineed, waxaanu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay marwalba soo dhawaynayso cid kasta oo wax kala qabata baahiyaha gaarka u ah ee ay tirsanayso.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, isla markaana hogaaminayay Weftiga ka socda Somaliland, ayaa u mahadnaqay Mas’uuliyiintii kulankaasi ka soo qayb-galay. Waxaanu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ka wraramay waxyaabihii u qabsoomay dawladda uu ka tirsan yahay muddadii ay hoggaaminta Qaranka Somaliland hayeen, waxaanu sheegay inay wada shaqayn dhow leeyihiin urur-goboleedka IGAD, isla markaana ay mar walba la kaashanayaan wixii khibrad iyo waaya-aragnimo ay uga baahdaan.
Xoghayaha Guud ee Urur-goboleedka IGAD Maxbuub Macallin, ayaa sheegay in urur ahaan ay la dhacsan yihiin guulo faro badan oo ay Somaliland ka gaadhay dhinacyada horumarka iyo maamul-daadejinta, waxaanu xusay in aragtida urur-goboleedka IGAD ay tahay mid ay ku sii adkaynayaan waxyaabaha ay ummadda Somaliland higsanayso.
Kulankaas waxaa ka qayb qaadanayay oo kale ku dhawaad labaatan dublamaasi oo fadhigoodu yahay magaalada Addis Ababa, isla markaana ah kuwa maalgashada Qaaradda Afrika ee ay Somaliland ku taallo.









