CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Kulan lagaga hadlay diyaar-garawga adkaynta ammaanka Xuska 18-ka May ee Maroodi-jeex oo Hargeysa lagu qabtay

Hargeysa, 09 May, 2012 (Ogaal)- Kulan lagaga hadlay adkaynta diyaar-garawga nabadgelyada maalmaha Xuska 18-ka May ee loo-diyaar-garoobayo dabbaal-degga 21-guurada ka soo wareegtay markii gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland lagaga dhawaaqay magaalada Burco 18 May, 1991-kii, ayaa shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ahna Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Rashiid Axmed Maxamed, ayaa shalay Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Gudoomiyayaasha Nabadgalyada ee Shanta degmo ee Caasimadda Hargaysa ay ka kooban tahay.

Ku-simaha Guddoomiyaha oo uu weheliyo Xoghayaha Maamulka Gobolka Maroodi-jeex ayaa tilmaamay in arrinta kulankoodani uu salka ku hayo xoojinta nabadgelyada iyo sidii ay isu baran lahaayeen mas’uuliyiinta gobol ahaan kala shaqeeya arrimaha ammaanka .

Rashiid Axmed Maxamed waxa uu intaasi ku daray in gobolka Maroodi-jeex baalasha uu ku duulo ee u fududeeya hawlgaladiisa maamul ay yihiin mas’uuliyiinta degmooyinka ee u qaabbilsan dhinaca nabadgelyada .

Xoghayaha maamulka ee Gobolka Maroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi, ayaa sheegay in maaddaama aynu ku guda-jirno isu abaabulka xuska 21-guurada ka soo wareegtay la soo noqoshada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland loo baahan yahay sidii culays loo saari lahaa la socodka dhaqdhaqaaq kasta oo wax u dhimi kara nabadgelyada aynu ku naaloonayno.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE