CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Boqor Buur-madaw oo Xabsiga ka soo diray Farriin uu kaga hadlay Liiska TFG Magiciisa ku dartay iyo Garsoorayaasha Difaaciisa faraha kala baxay

Hargeysa, 08 May 2012 (Ogaal)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) oo ku jira xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, ayaa fariin kooban oo uu Xabsiga ka soo dhex-diray, wuxuu ku sheegay inuu maqlay in magaciisa lagu daray Liiska madax-dhaqameedka Somaliland ee Dawladda Soomaaliya ku sheegtay inay ka qaybgelayaan shirka magaalada Muqdisho oo ay ku casuuntay.

Hase-yeeshee, Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw waxa uu sheegay inuu aad iyo aad uga xun yahay in magaciisa lagu soo daro Liiskaa Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee soo xulaya Ergada ansixinaysa Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya yeelan doonto, kaasoo Sabtidii toddobaadkan ka furmay Caasimadda Muqdisho. Boqor Buur-madaw waxa uu ku tilmaamay wax lagu qoslo  oo layaab ku noqotay markii muuqlay in magiciisa lagu daray Liiskaas oo Warbaahinta Soomaalida iyo ta Somaliland qaarkeed baahiyeen Axaddii iyo Isniintii toddobaadkan.

Farriinta Boqor Cismaan Xabsiga ka soo dhex-diray oo uu Warbaahinta ku socod-siiyey, waxa uu ku sheegay inuu yahay Nin Madax-dhaqameed ah oo aamminsan dadkiisa, dalkiisa, dawladnimada iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana aanu isagu ahayn mid weligii lala xidhiidhiyay arrimaha Soomaaliweyn iyo wax ka hor imanaya Qarannimada iyo jiritaanka dalkiisa Somaliland. Laakiin, ay nasiib-darro tahay in isagoo Xabsi ku jira oo aan is difaaci karin liis noocaas ah lagu qoro magaciisa, isagoo aan waxba ka ogayn sababta loogu qoray iyo cidda ku qortay toona.

Sidoo kale, wuxuu Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw, farriintan, ku sheegay in Qareennadii u doodayay ka bexeen difaacii dacwaddiisa, ka dib markii ay arkeen farogelinta qaawan ee lagu sameeyay Garsoorka uu cadaaladda ka sugayay. Sidaa awgeed aanu kusoo laabanayn Maxkamadda illaa inta uu ka helayo Garsoor ka madax-banaan siyaasadda oo lagu kalsoonaan karo uu Xabsiga ku jiri doono.

Dhinaca kale, Liiska magacyada madax-dhaqmeedka la sheegay in shirkaa lagu casuumay, ayaa lagu arkay Salaaddiin iyo Madax-dhaqmeed kale oo reer Somaliland ah oo uu Boqor Cismaan Buur-madaw ka mid yahay.

Qareenada Boqor Cismaan Buur-madaw oo kala ahaa Maxamed Jaamac Cabdi iyo Maxamed  Siciid Xirsi, ayaa ka baxay dhegeysiga dacwaddaa oo maalintii labaad 3-dii May 2012 ka socotay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, iyagoo sheegay in Xukuumaddu faro-gelin ku samysay Garsoorkaa Dacwaddaas, isla markaana Xeer-ilaalinta oo Dacwadda oogaysay ka dhego-adaygtay inay fuliso go’aan Garsooraha Maxkamadda Cabdirashiid Duraan hore u soo saaray, balse uu ka noqday markii culays kaga yimi dhinaca Xukuumadda, taas oo fadeexad ku noqon karta Garsoorka, isla markaana lumin karta kalsoonidii iyo rejadii laga qabay.

Tan iyo Markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud loo taxaabay xabsiga  badhtamihii  bishii March, waxa soo baxayay baaqyo gudaha iyo debedda-ba kaga imanayay Xukuumadda oo lagu canbaaraynayo xadhiggiisa, iyadoo baaqyadaasi ka imanayeen Haya’addaha caalami ah ee Xuuquqda Aadamada, Madaxda Siyaasadda iyo Madax-dhaqmeedka reer Somaliland, waxaana ugu danbeeyay baaqyada Xukuumadda lagaga dalbanayo in xorriyadiisa loo soo celiyo Boqor Cismaan 84 Salaaddiinta Somaliland  oo toddobaadkii hore kulan ay Xukuumadda la yeesheen kaga dalbaday in xorriyadiisa loo celiyo Boqor Buur-madaw.

Sidoo kale, Toddobaadkan gudihiisa waxa Xabsiga  dhexe ee Hargeysa oo uu ku xidhanyahay ku booqday Boqor Cismaan  Saraakiil ka socotay Hay’adda caalamiga ah ee  Human Rights Watch, iyadoo ay horena Dublamaasiyiin shisheeye, Madax-dhaqameedka Somaliland iyo qaybaha kale ee Bulshadu baaqyo lagu canabaaraynayo xadhiggiisa kasoo saareen,  balse dhawaaqyadaa  ayaa noqday kuwo ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhegaha ka furaysatay, iyada oo Xukuumaddu ku tilmaantay Boqor Buur-madaw Dembiile Qaran, isaga oo aan weli Maxkamad xukun ka gaadhay kiiskiisa jirin, taasoo u muuqanaysa inay Xukuumaddu ka hor-dhacday go’aanka laga sugayo inay Dacwaddiisa ka gaadho Maxkamadda gacanta ku haysaa.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE