Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Cagta Saartay Jidkii Cabbudhinta iyo dhacdooyinkii u dambeeyey
Hargeysa, 08 May 2012 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa waqtiyadii ugu dambeeyay gacan adag ku qabatay mudaharaadyada, isla markaana waxa lagu dhaliilayaa inay tallaabooyin adag ka qaadayso ciddii ka soo horjeesata.
Sida la wada ogyahay waxa toddobaadyadii ugu dambeeyay la mamnuucay inay ururadii ku hadhay diiwaangelinta taageerayaashoodu isugu soo baxaan fagaarayaasha oo ay fikirkooda cabiraan. Sidoo kale, waxa marar badan la xidhxidhay dad badan oo ka kala tirsan ururaddaas, isla markaana waxa dadkaas qaar ka mid ah la sii daayay waqtiyo dambe. Urarada ay xukuumadu indhaha adag ku eegaysay waxa ka mid ah Ururka UDHIS, NDP, JAMHUURIGA iyo kuwo kale.
Ururka UDHIS oo isku deyay inay shir ku qabsadaan magaalada Burco dorraad ayaa la sheegay in laga hor-joogsaday. Ka dib markii uu shirkaasi socday waxoogay ayaa la sheegay inay ciidanka boolisku hujuumeen xarunta ururkaas oo uu shirkoodu ka socday.
Dhinaca kale, Abwaan Haybe Faarax Nuur oo la sheegay inuu mudo ku dhaw bil ugu xidhan yahay magaalada Gebiley Maanso uu ku dhaliilayay hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo. Inkasta oo laga dalbaday Xukuumadu inay Abwaankaas xabsiga ka sii dayso, hadana weli taasi may meel-marin, sidaa awgeed, wararka qaarkood ayaa tibaaxaya in magaalada Gebiley laga dareemayay dhaqdhaqaaq la xidhiidha mudaharaad arrintaas lagaga soo horjeedo.
Marka laga yimaado arrimahaas, waxa iyaguna jira dacwado eedaymo loogu soo jeediyay dad kala duwan, kuwaasoo uu ka mid yahay Boqor Buur-madow oo isaga difaacayaashiisii ay isu casileen siday sheegeen farogelin kaga timi dhinaca Xukuumadda.
Si kastaba ha ahaatee, dadka qaarkood ayaa aaminsan in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo aanay dulqaad u lahayn waxyaabo badan oo dastuurku fasaxayo, isla markaana uu Xisbul-xaakimka Kulmiye ku eedayn jiray Xukuumadii Madaxweyne Rayaale.









