CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Qaraxyo geystay dhimasho iyo dhaawac oo lala beegsaday Kiniisad ku taalla Nairobi

Nairobi, 30 April 2012 (Ogaal)-Booliiska dalka Kenysa ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay toban kalena ay ku dhaawacmeen bam-gacmeed shalay lagu weeraray kaniisad ku taalla badhtamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Weerarkan ayay saraakiisha booliiska Kenya waxay mas’uliyaddiisa ku eedeeyeen malleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana xilliga weerarku dhacay ku sugnaa dad masiixiyiin ah oo ku cibaadaysanayey “Hal qof ayaa dhintay, toban qof oo kalena way ku dhaawacmeen.” ayuu yidhi afhayeenka booliiska Kenya, Eric Kiraithe, iyagoo sheegay in kuwii weerarka ka dambeeyay ay baxsadeen.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda tahay weerarkaas, iyadoo saraakiisha Kenyan ay sheegeen in weerarkan uu jawaab u yahay faragelinta ay ciidamada Kenya ku sameysay dalka Soomaaliya bishii October ee sannadkii hore.

Bishii March ee sannadkan ayaa bambooyin lagu weeraray goob basaska laga raaco oo ku taalla badhtamaha Nairobi waxaa ku dhintay lix qof, iyadoo ay dhaawacyo ka soo gaadheen 60-qof oo ka mid ahaa dadkii basaska sugayay.

Sidoo kale, bishii la soo dhaafay hal qof ayaa ku dhintay 20-kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaadhay bambaabooyin lagu weeraray kaniisad iyo goob ay ku sugnaayeen dad masiixiyiin ah oo ku taalla magaalada Mombassa ee dalka Kenya iyo magaalo ku dhow.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii safaaradda Mareykanka ee Nairobi ay ka digtay weerarro qaraxyo ah ka dhici karaan magaalada Nairobi kuwaasoo ay sheegtay inay ka geysan karaan malleeshiyaadka Al-shabaab.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE