Maamulka gobolka Togdheer iyo Degmada Burco o Digniin culus iyo farriin adag u diray Ururrada siyaasaadda ee Hadhay
Burco, 29 April, 2012 (Ogaal)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Ayar iyo Duqa magaalada Burco Maxamed Axmed Xasan (Dhago-laab), ayaa uga digay hoggaamiyeyaasha iyo taageerayaasha Ururrada siyaaasadda ee ku hadhay wejigii labaad ee qiimaynta Guddiga diiwaangelinta inaanay ku dhaqaaqin tallaabooyin ka hor-imana shuruucda dalka u taalla, isla markaana waxyeellayn kara nabadgelyada dalka.
Labadan masuul oo shalay shir jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay magaalada Burco, waxa uu u soo jeediyay Ururradii siyaasadda ee ku hadhay marxaladii loogu gudbayay doorashada Golayaasha deegaanka inaanay ku dhaqaaqin talaabo wax u dhimi karta Nabadgalyada Guud ee Qaranka.
Guddoomiyah Gobolka Togdheer oo uu Weheliyo ,ku xigeenkiisa,iyo Maayarka Magaalada Burco, ayaa si cad u qaaddacay inaan loo oggolaan doonin ururradii is diiwaangeliyay, balse ku hadhay inay u gudbaan marxaladda ka qayb-galka tartanka doorashada golayaasha deegaanka ay abaabulaan bannaan-baxyo aanay wax sharci ah u haysan.
Duqa Magaalada Burco Maxamud Axmed Xasan “Dhego laab” ayaa iftiimiyay inay soo baxayaan warar sheegaya in qaar ka mid ah ururada siyaasada ee hadhay isla markaana carabka ku dhuftay Ururada Gurmad iyo Udhis ay doonayaan mudaharaad ay ka abaabulaan magaalada Burco,isagoo intaas ku daray inaan la ogolaan doonin isu soo bax aan wax ruqsad ama ogolaansho loo haysan.
Maayarka Magaalada Burco waxa uu u soo jeediyay ururadii lagu dhawaaqay inay ku hadheen ka qayb galka doorashada golayaasha deegaamada inay wixii tabasho ah ee ay tirsanayaan ay kala xidhiidhaan dhinaca caasimada dalka ee hargaysa .
Badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Ayar ayaa sheegay inay maamul ahaan mas’uuliyadi ka saaran tahay wax kastoo taabanaya Xasiloonoda Gobolka waxaanu daboolka ka qaaday inay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan cid kastoo ku hadhay sida uu sheegay marxaladii ay ugu gudbi lahaayeen ka qayb galka doorashada Golayaasha deegaanka.
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer waxa uu xusay inay maamul ahaan ka hortagi doonaan ururada damacsan inay sameeyaan banaan bax sharciga khilaafsan isla markaana ka hor imanaya maslaxada iyo nabad galyada guud ee qaranka waxa uu Gudoomiyuhu ku booriyay bulshada ku nool magaalada Burco inay dhegaha ka furaystaan dhawaqyada ka soo hor jeeda degenaanshaha Gobolka ee uga imanaya sida uu sheegay Siyaasiyiin gaadhi kari waayay halkii ay higsanayeen.









