CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Somalia: Al-Shabaab oo Si Arxan-darro ah Dad Xoolo-dhaqato ah ugu laayey Jubbada Hoose

Kismaayo, 28 April, 2012 (Ogaal)- Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya, ayaa sheegaya in ciidamada Malleeshiyada Al-Shabaab shalay subax ay si xun oo arxan-darro ah u dileen afar ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Odayaal, kuwaasoo ku noolaa Tuulada Yaaq-Bishaaro ee duleedka Kismaayo.

Dilka afarta ruux ayaa ka dambeeyey sida la sheegay markii dad Xoolo-dhaqato ah oo ku nool deegaanka Yaaq-Bishaaro oo ku dhow deegaanka Cabdulle-Biroole ay diideen Xoolo Al-Shabaab ka dalbadeen inay u soo ururiyaan. Dad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta qaarkeed u sheegay in ka hor dilka afarta ruux ee shalay subax ka dhacay deegaanka Yaaq-Bishaaro uu dhacay iska-horimaad dhexmaray dadka deegaanka iyo Jabhadda hubaysan oo Malleeshiyada Al-Shabaab ka tirsan, kuwaasoo deegaanka u tagay soo qaadista Xoolaha ay dadka deegaanka weydiisteen. Waxaana iska-horimaadkaasi lagu dhaawacay labo ka mid ah Al-Shabaab.

Iska-horimaadka ka dib ayaa gurmad ciidan oo ka tirsan Al-Shabaab oo ka yimid magaalada Kismaayo waxay soo gaadheen Tuulada uu iska-horimaadka ka dhacay iyagoo soo qabtay afar ruux oo ay sheegeen in ay abaabuleen kacdoonka lagu sameeyey waxaanay afartii ruux ku xidheen Baabuur nooca dagaalka ah oo ay ku jiideen illaa ay ka dhinteen.

Markii falkaasi uu dhacay ka dib ayaa Dhalinyaro iyo Odayaal ku noolaa Tuulada oo ka cabsi qaba in iyagana la dilo ay ka carareen Tuulada. Illaa hadda Saraakiisha Malleeshiyada Al-Shabaab ee Jubbooyinku kama hadal dilka arxan-darrada ah ee ay shalay subax ciidamadooda ka geysteen Yaaq-Bishaaro, waxaana wararka naga soo gaadhaya magaalada Kismaayo ay sheegayaan in Odayaasha beesha dadka la laayey ay ka dhasheen ay wadaan kulan deg-deg ah oo arrintan ay ka yeelanayaan.

Gobollada Jubbooyinka oo ah meelaha ugu badan ee dadka Xoolo-dhaqatada ah ay ku nool yihiin ayay Al-Shabaab in muddo ah ka wadeen ururinta Xoolo nool oo isugu jira Geel, Lo’ iyo Adhi, Xoolo-ururintaas oo ay ku micneeyeen Sako, kuwaasoo ay dadka reer Miyiga ka qaadayaan, Waxaana dhowr jeer ooh ore dhacday in reer Miyiga oo abaaro kulul iyo Xoolo yaraan ba’ani ay soo waajahday ay diidaan bixinta Xoolahaas, taasoo keenta in dadka diida ay Al-Shabaab iyagana disho, Xoolahana kala wareegto.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE