CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Madax-dhameed iyo Siyaasiyiin Burco, Hargeysa iyo Ceerigaabo oo Madaxweynaha iyo KULMIYE si adag ugu dhalliilay qaabka loola dhaqmay C/Raxmaan C/Qaadir

Hargeysa, 18 April, 2012 (Ogaal)- Xubno isugu jira Salaaddiin, Cuqaal, Odayaal, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahan shirar jaraa’id ku kala qabtay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, ayaa si kulul u cambaareeyey qaabka Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Xukuumaddiisu ula dhaqmeen Guddoomiye ku-xigeenkii 2-aad ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo jugo cusub qoorta iyo meelo kala laga gaadhsiiyey, isla markaana la damqay dhaawac hore Dhabarka uga gaadhay, ka dib markii Ciidammada ammaanku xoog iyo jujuub kaga saareen Shirkii golaha dhexe ee Xisbigaas oo Axaddii lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Hargeysa, ka dib markii xilka iyo xubinnimada Xisbiga KUKLMIYE lagaga qaaday shirkaas.

Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi, Suldaan Axmed Cumar Xaashi, Suldaan Maxamed Aadan Cabdillaahi, Caaqil Ugaas Geelle Xuseen, Cabdillaahi Maxamed, Ibraahin Kooshin oo dhammaan oo ka tirsanaa Madaxda dhaqanka ee Hargeysa shalay shirka jaraa’id ku qabtay ayaa dhammaantood si wada-jir ah u sheegay inay ka xun yihiin qaabka loo galay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir. “Waxaannu si cad u dhaleecaynaynaa falkii lagula kacay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka mid ah aas-aasihii Xisbiga Kulmiye iyo aasaasayaashii SNM. Waxaannu leenahay arrinkaasi waxa uu ahaa arrin qaldan waxaanu jecel nahay wixii lagaga bogsan lahaa iyo ciddi falkaas ka danbaysay wixii ay waajib u leeyihiin in laga siiyo. Waxa ciddii waxaas samaysay oo Madaxweynuhu uu kaw ka yahay iyo Madaxda Xisbiga sharci baad ku timaddeen ee xoog nagumaydaan qabsan, sharci baad ku timadeen oo waddanka xoog kumaydaan qabsan ee waa  la idiin codeeyey, sharcigiina waad kutumateen. Waxa weeye isaga oo qofku sharci ku yimi kursiga inaad sharciga ku tumataan oo dadka u xoog-sheegataan oo la is-cabbudhiyo. Sharci baad ku timaaddeen ee haddii sharciga aad idinku ilaalin weydaan idinkuna waad sii sharaf-dhacaysaan.” Sidaa ayey si isku mid ah u wada yidhaahdeen Madaxda dhaqanka ee Magacyadoodu kor ku xusan yihiin.

Qaar ka mid ah Beelaha Gar-xajis ee ku dhaqan Gobalka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa shalay subax isa-soo-bax ay ku sameeyeen Fagaaraha Xaaji Aadan AF-qalooc ee magaalada Ceerigaabo waxay si wayn u dhaleceyeen falkii ka dhacay shirkii golaha dhexe ee toddobaadkan lagu qabtay Hargeysa iyo sidii loogula dhaqmay Guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, iyaga oo wax kasta oo lagu sameeyey Cabdiraxmaan ku tilmaamay kuwo ay ka dambeeyeen Madaxweyne Siilaanyo, Xukuumaddiisa iyo hoggaanka Xisbiga KULMIYE.

Cabdillaahi Faarax Cige oo ugu horrayn halkaas ka hadlay waxa ka  mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi; “Marka hore waxaan leeyahay falkii foosha-xumaa ee ku dhacay Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir aad iyo aad ayaanu uga xunahay waanu cabaraynaynaa oo waxaannu Xisbiga KUlMIIYE leenahay haddii aannu nahay Beesha maanta (shalay) halkan isugu timi ee uu ka dhashay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waannu kala noqonay tageeradii Xisbiga Kulmiye aannu u haynay. Waxaannu ku baaqaynaa wixii Beesha Kulmiye kaga jira inay ka soo baxaan oo waannu u yeedhaynaa waxaannu leenahay ha ka soo baxaan.”

“Aad iyo aad ayey Beeshu ay uga xuntahay meelkasta oo ay joogaanba sidii foosha xumayd ee bahalnimada ahayd, edab-darrada ahayd, gardarrada ahayd ee iyagu ku shegeen anshax-marinta hoggaanka KULMIYE, sidaa daraaddeed, KULMIYE iyo Muuse Biixi waxaannu leenahay ha kugu filnaato Jigjiga yar iyo Maansoor inta u dhaxaysa.” ayuu yidhi Oday Cabdillaahi Faarax Cige.

Boqor Saalax Ducaale Carraale ayaa isaguna halkaas ka hadlay waxaanu idhi; “Waxaannu ka xunahay sida foosha-xun ee madasha shirkii KULMIYE ee huteel Maansoor ee Hargeysa loogu galay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir. Waxaannu ka xunahay sidii xaq-darrada ahayd ee loola dhaqmay, waxaannu u arkaynay ninka koowaad ee ugu qiimaha badan. Waxa halkaas ka muuqatay in abaal-gudkinnii noqday anshaxaannu marinaynay, intii aynu dalka haysannay 21-ka sano xad-gudub kaa ka horreeyay oo ka xumi kama dhicin dalka.”

Sidoo kale,  qaar ka mid ah Salaaddiinta, Odayaasha iyo Wax-garadka ka soo jeeda Gobalka Galbeedka Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxay shalay shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Burco ku dhalliileen Madaxweynaha Somaliland, Xukuumadda uu hoggaamiyo iyo Xisbil-xaakimka KULMIYE,  isla markaana waxay sheegeen in caddaalad-darro lagula kacay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo xilkii Xisbiga Kulmiye laga qaaday iyo xubinimadii xisbiga, dhibaatooyin iyo dhaawacyana loo geystay jidhkiisa.

Waxa ka mida ah Odayaasha halkaas ka hadlay Sugulle Cabdi Yoome, Siciid Xasan Nuur (Waaye) Rashiid Faarax iyo Caaqil Maxamuud Cawil Quurshe,

Waxa ugu horreyn shirkaa jaraa’id ee Burco ka hadlay Caaqil Baashe Cabdilaahi Ibraahim, waxaanu yidhi; “Waxaynu isugu nimi maanta (shalay) shirkan in aynu marka hore Somaliland oo dhan gude iyo debedba ugu muujinno fool-xumadan iyo fawaaxishkan lagu sameeyay C/raxman C/qaadir Faarax,  ka dibna aynu wax allaale iyo wixii innala gudboon aynu ka tashanno oo deg-deg wax u qabanno, waxaynu isla afgarano arinkaa ina C/qaadir lagu sameeyay waxaanu u arkaynaa  in aan isaga lagu samayn oo  loola jeeday ama ay tahayba mid aan kaligii ku koobnayn ee ka ballaadhan. Waxaan ugu baaqayaa wax allaale iyo wixii ka danbeeyay falkaas in uu isna taa mid ka xun aannu ku samayn doonno, ma nihin rag aarsan waaya, falkaa jawaabtiisa hadhawba layma sheegin yaan la odhan.”

Waxaa kalee oo isna halkaasi khudbad ka jeediyay Caaqil Fure Xassan oo sheegay in baaq kan ka culus ay ka soo saari doonaan shir ay u ballan-san yihiin inay ku yeeshaan Burco oo ay arrintaa si ballaadhan ugaga wadahadli doonaan.

Boqor Faysal Cismaan Faarax oo shirkaa ka hadlay, waxa uu yidhi; “Ninkastaaba Aduunyada Intuu nool yahay wax walba wuu arkayaa idiinku baaqayaa gude iyo debedba waa in si dhakhso leh looga soo qayb galaa shirka bariga burco ka furmi doona bisha lixaad magaalada Ceel-Afwen Shirkaasina waa muhiim u dan ah Beelaha Garxajis oo dhan, waa kaynu ku go’ansanaynay danaheennana Kaga wadahadlayno taana ha la ogaado.”

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Oday Dayr Maxamed Cilmi (Dayr Xiniinyo-dheere), waxaanu yidhi; “Wallaahi haddaanu Xukuumaddaa ka maqalno Somaaliya iyo Sheekh Shariif waa in Somaliland-nimada ay tobanka kun ee nin nagaga dhimataan oo aannu difaacnaa Somaliland ka wadana indhihiisa wax tusnaa. Waxaan Hambalyo u dirayaa Mujaahidka daacadda ah Cali-guray, waanad ku mahadsan tahay Ra’yigaagii daacadda ahaa ee aad usoo bandhigtay walaalahayaga reer Somaaliland. Ina Cabdiqaadir hadduu maanta dhaawacaa u dhinto ninka loo dilaayo waa la garanayaa, cidda Booskiisa iyo Guddoomiyo-nimadiisa ka qaadi karaysana bal aynu aragno ka immika is leh booskiisii baad gashayoow wallaahi waxaad gashay booskii aakhiro.” “Waxa Cabdiraxmaan C/Qaadir lagu doortay anigu waan fadhiyay lix boqol oo nin baa doortay ma waxaa xilka ka qaadi kara Afartan nin oo sidii Mobbillada wax lagu soo shubtay? Maya! Taasi waa waxan dhacaynin..Waxaan idiin sheegay arinkan shirqoolka ah waxaa soo dhigay Saddex nin yaan dadku iskaga kiin khaldamin saddexdaa Nin ha la ogaado..” sidaa ayuu yidhi Deyr Maxamed Cilmi.

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samater oo wax laga xumaato ku tilmaamay waxa dhacay. “Waxaa maanta dhacay waad ogtihiin sida C/raxmaan C/qaadir Faarax loo galay cidi idiinka sheekayn mayso Berritana annakaa Dhulka Nala jiidayaa, waxaynu ka adkaysan karno maaha. Waxaan u sheegayaa waannu ognahay cidda ka dambaysay in sidaa loo galo…” ayuu yidhi Guuleed.

Waxaa isna khudbad shirkaasi ka jeediyay Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Burco Xildhibaan Siciid Xasan Nuur, waxaanu yidhi; “Waxaa Ninkaa lagu qabsaday waxa la yidhi maalin buu meel ka hadlay oo waa denbiile ina Cabdiqaadir waxaasi ma wax suuragalabaa, miyaa la illaaway abaalkuu u soo galay Siilaanyo Iyo Xisbiga Kulmiye? Miyaa la Illaabay Inta uu Diyaarad u soo fuulay hadh iyo habeenba Olalaynta Xisbiga Kulmiye? Miyaa la Illaabay Dhaawacii ka soo gaadhay soo dhaweyntii Siilaanyo? Waxaasi waa  wax laga yaq-aqsoodo. Anigu waxaan ahaa xubin ka tirsan Kulmiye, laakiin maanta waan ka baxay, waayo? Waxa la jabiyay Xeerkii Kulmiye iyo Dastuurkiisii. Waxaan idiin sheegayaa Dastuurka Kulmiye kuma qorna Shir Golaha Dhexe ah ayaa Xilka ka qaadi kara qodob qorayaa ma jiro, waxa ninka la doortay ugu yaraan lix boqol oo qof oo kuwa maanta shir-qoolay ka sharaf badan ayaa doortay, kuwanna xilkiisa kama qaadi karaan.”

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE