Marxuum Maxamed Cabdulle Walan-wal oo Aas Qaran loogu samayeey Hargeysa
Hargeysa, 18 April, 2012 (Ogaal)- Allah Hawnaxariistee Marxuum Maxamed Cabdulle Walan-wal, ayaa aas qaran loogu sameeyay shalay Xabaalaha Naasahablood ee Bariga magaalada Hargeysa. Kadib markii uu 16/04/2012, ku geeriyooday guriisa oo ku yaala Caasimadda Hargeysa.
Aaska Marxuumka waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka socotay Xukuumadda Somaliland, siyaasiyiin, Gudoomiyayaasha Ururada siyaasada qaarkood, Culimaa’udiin iyo boqolaal qof ka mid ah shacbiga Magaalada Hargeysa.
Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdulle Walan-wal oo ku magac dheeraa (Six), oo ahaa Oday da’ah, isla markaana kasoo jeeday qoys taariikh facweyn ku leh Somaliland, wuxuu ku dhashay Magaalaada Burco ee gobolka Togdheer, wuxuuna waqtigan ahaa marxuumku 93 jir.
Marxuum Maxamed Cabdulle Walan-wal, wuxuu kasoo qayb qaatay, isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay dawladihii kala danbeeyay ee xiligii mustacmarka Somaliland iyo dawladihii lixdanadii ilaa todobaatanadii, isagoo mudooyinkii u danbeeyay ku noolaa Sucuudiga iyo Ingiriiska magaalada London, isagoo ka mid ahaa Odayaasha jahliyada Somaliland ee London.
Marxuumku wuxuu ifka kaga tegey 69 qof oo isugu jira Caruurtiisa iyo caruurta uu awoowaha u ahaa.
Marxuumku wuxuu waxbarashiisa kusoo qaatay magaalada Cadan xiligii uu Ingiriisku gumaysanayay, wuxuuna koorsooyin waxbarasho kusoo qaatay dalka Britain xiliyadii uu la shaqaynayay dawladihii Somalia.









