Afhayeenka UDUB oo naqdiyey qaabka C/raxmaan C/qaadir loo galay, Khudbaddii Madaxweyne Siilaanyo, Shaqsiyaddiisa iyo Arrimo kale
Hargeysa, 16 April, 2012 (Ogaal)- Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa si kulul u cambaareeyey, isla markaana fawaaxish iyo fool-xumo ku tilmaamay tallaabada golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE iyo Madaxwayne Axmed-Siilaanyo ay xilka kaga xayuubiyeen Guddoomiye ku-xigeenkii 2-aad ee KULMIYE Cabadiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo sidoo kale Xisbigana laga eryey, ka dib markii shalay si jujuub ah shirkii golaha dhexe looga saaray.
Cali-Guray waxa uu si gaar ah eedaymo kulul ugu jeediyay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagu ka dambeeyey qorshaha xubinnimada Xisbiga iyo xilka ku-xigeenka labaad ee KULMIYE lagaga xayuubiyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxaanu Cali Guray Md. Siilaanyo ku tilmaamay fulay aan abaal-gelin oo ka loo gallana aan gudin, isaga oo sidoo kalena tilmaamay in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir yahay dhaawac Siilaanyo dartii gaadhi shil ula galay. “Inta Xukuumaddani talada dalka qabatay dhacdooyinka dhacayaa waxay innoo sheegayaan wax badan, waxaana xabaal lagu riday middii Kulmiye ku faanay jiray ee ahayd inuu yahay Xisbi Dimuqraaddi ah. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu ahaa Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye, markii Axmed Guddoomiyihii Kulmiye banneeyay ee Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad Guddoomiyaha Xisbiga noqday, Cabdiraxmaan waxa loo diiday inuu Guddoomiye ku-xigeenka koowaad noqdo oo uu durko, waxay ahayd in loo oggolaado inuu tartamo oo cod lagaga qaado kaalintaa oo uu ka saddexaad ku dhaco, midna lama yeelin ee meesha shir-qool-baa ka dhacay.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ka dib markii Cabdiraxmaan Jujuubka dibedda loogaga soo tuuray Hoolka Shirka golaha dhexe ee KULMIYE ka socday ee isla Maansoor.
Afhayeen Cali-guray oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Siilaanyo-na anigu Madaxwayne odhan maayee waxa uu shalay (dorraad) shirka dib uga dhacay oo uu yidhi illaa shirka Cabdiraxmaan Cabdiqaadir laga saarayo iman mayo shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo aniga iyo Cabdiraxmaan wada-joogi mayno. Cabdiraxmaan waa Naafo, Axmed Siilaanyo oo Berbera ka soo degaya ayuu isaga, Maxamed Xaashi iyo Marxuum Cali Maarshaal gaadhi la qallibmay, saddexdaa nin waxa nasiib badnaa Cali-Maarshaal oo aan arag Axmed Siilaanyo oo Madaxwayne ah.”
Cali-guray oo falan-qeynaya khudbad Madaxwayne Siilaanyo furitaankii shirka golaha dhexe ee KULMIYE Sabtidii ka jeediyey, taasoo uu Afhayeenka UDUB oo khudbaddaa naqdiyayaa waxa uu yidhi yidhi; “Axmed Siilaanyo isaga oo xadhigga Xamarji ku tiiq-tiiqsanaya ayuu yidhi; ‘Masuuliyiin ayaannu u xidh-xidhnay musuqmaasuq, Raggii musuqmaasuqa sameeyayna Suuqa ayay joogaan oo Madaxtooyada ayay gashay, Caddaalad-darradii jirtay wakhtigii Daahir Rayaale maanta way laban-laabantay.”
Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), waxa kale oo sheegay inuu khaldanaa markii uu Axmed-Siilaanyo taageeri jiray, waxaanu yidhi; “Maanta waxaan qirayaa taageero kasta oo aan Axmed-Siilaanyo taageeray inaan ku khaldanaa, waxaan cafis weydiisanayaa Raggii Mujaahidiinta ahaa ee aannu Saaxibbada halganka ahayn ee og intaan Axmed-Siilaanyo taray oo Muuse Biixi koow ka yahay oo Dhago-weyne ku jiro, Cabdiraxmaan Aw Cali ku jiro ee Axmed Mire-ha Somaliland ciilka uga haajiray uu ku jiro, waxaanan qirayaa in Axmed-Siilaanyo aanu noqonnin kii anigu aan moodayey ee uu yahay kii ay doonayeen inay ummadda ka qabtaan. Maanta waxa iga go’an inaan hormuud ka noqdo dadka Axmed-Siilaanyo Somaliland ka qabanaya.” “Axmed-Siilaanyo maaha nin abaal gala ee waa nin abaal la taro, abaalka loo galana nin guda maaha, Boqor Buur-madow waxa uu Axmed-Siilaanyo la taliyey markuu London joogay, immikana waxa xidhay Usaama iyo Xirsi laman sooddeyn…” sidaa ayuu yidhi Afhayeenka UDUB Cali-guray.
Waxaanu Cali-guray intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “Anigu waxaan ahay Mujaahid Ehlu-Bedar ah, waxaan ka qayb-galay dagaalkii Buuraha Galbeedka oo ay ku dhinteen 74 dhalinyaro ah oo 34 ka mid ahi yihiin dhalinyaro Jaamiciyiin ah, anigu ma ihi fuleygan London u baxsaday ee Meydka ah ee Siilaanyo. Jaamac-Shabeel-na (Guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE) maaha qof la aammini karo oo qofka dhan adigaagaas Marduuf Qaad (Jaad ah) ayuu ku dhaafsanayaa, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir-na kaas ayuun buu dhaafsaday…” sidaa ayuu yidhi Afhayeenka UDUB Cali-guray.









