CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Axmed-Siilaanyo oo 7 August 2009 Oohin ku qaatay, 15-ka April 2012-na Dhoolla-caddeyn!!!

Qalinka Yuusuf Aadan Muwaaddin ku nool Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo 7 Augosto ee Sannadkii 2009-kii Oohin ku qaatay, ayaa maanta u muuqda mid dhoolla-caddaynaya, ka dib markii maalinta uu geeriyooday Cali Maxamed Guuleed (Cali-Maarshaal), isla markaana uu dhaawac culusi soo gaadhay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, halka Maxamed Xaashi Cilmi dhaawac fududi ka soo gaadhay, ka dib markii uu la geddoomay Gaadhi Surf ah oo ay saarnaayeen duleedka Berbera, halkaas oo ay u tageen si ay u soo dhaweeyaan Guddoomiyahoodii wakhtigaan Axmed-Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo oo markaas ahaa Gudoomiyaha iyo Murashixii Xisbiga Kulmiye ee Doorashadii Madaxweyne wuxuu isagoo Ilmadu ku soo taagan tahay baalasha indhihiisa uu cod murugo leh oo dirqi hadalku kaga soo baxayo ku yidhi; ”Walaalayaal Waxaan ka Xumay in rag aan halgan dheer soo wada galnay oo abaal badan aan u hayo ay soo dhawayntaydii Shil u galeen Illaahay ha u naxariisto Muj Cali Maarshaal oo halyay Cilmiga dhaqaalaha bartay wax badanna ku hamiyayey inuu dalkiisa isbeddel u horseedo,Si taas la mid ah waxaan ka xumahay Dhaawaca Xun ee ka soo gaadhay Walaalkayga Qaaliga ah ee Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenkaygii Labaad waxaan ku jirnaa sidii dalka dibeddiisa aan ugu diri lahayn maaddaama uu dhaawiciisa aan halkan wax lagaga  qaban karin oo uu dhabarka ka jabay, si taas la mid ah Walaalkay Maxamed Xaashi oo isaga dhaawiciisu sahlan yahay oo gacan ka jabay meel kasta oo ay madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye joogaan waan ka tacsiyadaynayaa.”

14 April 2012:

Wuxuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku ballaysimay madashii furitaanka Shirweynihii saddexaad ee golaha dhexe ee Xisbul-Xaakimka Kulmiye khudbad boqolkiiba Sagaashan iyo Siddeed uu ka soo dheegtay tii uu ka hor jeediyay fadhigii wada jirka ahaa ee labad gole ee Guurtida iyo Wakiillada.

Waxaa la yaab lahayd in Madaxweynuhu uu kala Masuugo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Ingineer Maxamed Xaashi Cilmi iyo Guddoomiye ku-xigeenkii 1-aad ee Xisbiga Kulmiye oo soo dhawayn ay isaga oo xilligaas lug ka jabay lagaga soo daweyeeyey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya u samaynayeen soo noqohadiisa soo dhawaynta uu ka soo gaadhay Dhaawac aad u xun halka uu ku Geeriyooday Cali-Maarshaal Illaahay ha u naxariisto,oo uu xusay Wuxuu Madaxweynuhu abaal-gud uga dhigay inaanu khudbaddiisa hal meel qudha kaga soo hadal-qaadin. Waa run in Siyaasaddu ku dhisan tahay Dan Joogto ah ee aanay ku salaysnayn saaxiib joogto ah.

Laakiin, taas macnaheedu ma aha in la iska indho tiro Qof aad Maalin abaal u hayso, ma aha inaad Jasuura uga dhigto Goondhabo iyo Cay,Ma aha inaad ku cabbudhiso Fikirkiisa, Ma aha inaad ku diiddo haddiiba uu soo gudbiyo dareen taagan, ma aha inaad ka gubato kana gilgilato qof dareenkiisa cabbiray. Ma aha inaad Askar u dirto oo aad tidhaa ka dhex saara Shirka. Shakhi la’aan Siyaasiga dhabta ahi waa ka Og ee dareensan waxyaabo uu shalay dhalliisheeda arkayay inuu galdalooladeeda awdo.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Khudbadiisa ku yidhi; “Gabogabadii  iyadoo ay xusuustayda ku dheertahay dadkii kala duwanaa ee illaa gumaystihii, Qarankan u soo halgamayay, waxaan munaasibaddan darteed halkan ka xusayaa halyaydii, iyo maddaalayaashii naftooda u soo huray dhismaha iyo jiritaanka Qaranka Somaliland, iyo sidoo kale halgamayaashii Xisbiga Kulmiye oo ay ka mid ahaayeen ALLAAH ha u naxariistee Keyse Xasan Cige, Cali-Maarshaal, Yusuuf-Tuke, Daauud Maxamed Geelle, waxaanan Illaahay uga baryayaa iyaga iyo geesiyada kale ee aanan xusinba in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ubadkii, eheladii iyo bulshadii reer Kulmiyena waan ka tacsiyaynayaa…”

Haddaba, is-weydiintu waxay tahay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir miyaanu ka tirsanayn halgamayaasha naftooda u soo huray sidii KULMIYE u guulaysan lahaa, gaar ahaanna Axmed Siilaanyo Kursiga dalka looga taliyo ee Madaxweyne-nimo ku fadhiisto? Miyuuse illaabay Md.Siilaanyo dhaawicii Cabdiraxmaan awgii u gaadhay ee uu muddada sannadka ku dhaw Beerka u jiifay Cusbitaal dibedeed, mise dhalliilaha iyo sixitaanka uu Xukuumaddiisa u jeediyey ayaa kaga kulayl batay halganka uu la soo maray?

Jawaabaha su’aalahaasi waa kuwo si dhib-yar qalinku u suurayn karo, hase ahaatee waxaan u dhaafayaa Akhristayaasha. Waxaanan ku soo gunaanadayaa maqaalkan Tuducyo-Suugaaneed kooban, balse nuxurka ay sidaan muhiim iila muuqday.

Waxaanay Tuducyadaasi u dheceen sidan:

“Cabdiyoow ina rag wuu kula Qabaa

Qadafka Ceebeed

Amba Qaashka waa kii I daray

qawlal bahaluu

Qacda feedhkii askartay

Indhuhu iga Qamuunyoonne

Mid markuu qabsado kama ridaan

bahalka qooqaaye

Waxa loo qorsheeeyaa berrina

Qaar kaluu cuno’e,

Warka sida jantaha iyo madfaca jibinta aan moodnay,

Ee maanta dalkaba jiidhay ee jeex kastaba gaadhay,

Jariiraadku goortay qoreen amase Joornaalku,

Judhii ay maqleen bay dadkii wada jareeyeene,

Nin waliba halkii uu ku jiray jaw ka soo yidhiye,

Jariiradda iyo oohintiyo jiibta iyo taaha,

Iyo qaar iyaga oo aan jug qabin juuqba laga waayay,

Badhna jiifka aammine Wadnaha jararacdiisiiye,

Mooraalka jiifsaday iyaga oo cagaha jiidaya,

Jawigoo beddelan bay dadkii jidadka buuxsheene..”

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE