Madaxtooyada oo Saacadihii u dambeeyey ku mashquul-sanayd Sidii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Daaqadda looga tuuri lahaa iyo Magacyada Masuuliyiin maanta Loollan u galaya Booskiisa KULMIYE
Hargeysa, 15 April, 2012 (Ogaal)- Masuuliyiin kala duwan oo isugu jira xubno Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka tirsan iyo Xildhibaanno golaha wakiillada Somaliland ku jira, ayaa la sheegay in Madaxtooyadu dhaq-dhaqaajisay, isla markaana ka dalbatay inay loollan u galaan Kursiga Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, ka dib markii bilawgii sannadkan uu dhalliilo u jeediyey Xukuumadda talada haysa iyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.
Guddoomiye ku-xigeeka labaad ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa la sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), habeen hore hoggaanka KULMIYE u sheegay haddii Shirka Golaha dhexe ee shalay ka furmay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa lagu soo casuumo ama uu ka soo qaybgalayo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir inaanu Madaxweyne ahaan ka qaybgeli doonin furitaanka shirka golaha dhexe oo Madaxweynaha lagu casuumay maaddaama oo uu yahay aasaasihii KULMIYE, isla markaana muddo 8 sano ka badan soo hoggaaminayey illaa intuu madaxtinnimada ku guulaysanayey. Hase-yeeshee, waxa la sheegay in Guddoomiye ku-xigeenka labaad rag KULMIYE hoggaankiisa ka tirsani ka dalbadeen inaanu shirka maalinta hore ee furitaanka oo Madaxweynuhu ku casuuman yahay iman, maaddaama oo uu Madaxweynuhu dalbaday inaanay isugu iman furitaanka, taasoo la sheegay in Cabdiraxmaan-na ku gacansaydhay, isla markaana ka soo qaybgalay furitaankii shirka ee shalay oo Madaxweynuhuna joogay.
Ma jiraan warar rasmiya oo Madaxtooyada iyo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir midkoodna ka soo saaray arrintan, balse sida ay sheegayaan ila-wareedyo labada dhinac ka ag-dhaw oo Wargeyska Ogaal soo xiganayo, Madaxtooyada ayaa xalay bilawday dhaqdhaqaajinta Xubno Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada ka tirsan oo ay Cabdiraxmaan isku beel ka soo jeedaan sida ay wararku tibaaxeen. Wararku waxay intaa ku darayaan xubnaha ay Xukuumaddu abaabulayso si ay tartan ugu galaan Booska Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ee Guddoomiye ku-xigeenka labaad ay ka mid yihiin Bashiir Cabdi Xariir oo ah Madaxa Xafiiska Xidhiidhka Siyaasadda ee Madaxtooyada iyo Golayaasha, Axmed Cabdi Dheere oo ka tirsan Xubnaha Xisbiga KULMIYE iyo sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Yuusuf (Waabeeyo) oo ka tirsan Mudanayaasha golaha Wakiillada ugu jira Xisbiga KULMIYE, lagana soo doortay deegaanka Oodweyne.
Geesta kale, waxay ila-wareedyada Ogaal soo xiganayaa tibaaxayaan in maalmihii qaban-qaabada iyo diyaarinta ajandaha shirweynaha golaha dhexe ee KULMIYE lagu jiray in lagu heshiiyey inaan waxba la kala beddelin ee la buuxiyo boosaska ka dhiman hoggaanka Xisbiga sida jagada Guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo bannaanaatay Markii Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa Guddoomiyaha KULMIYE Madaxweynaha noqday, isla markaana jagadii Guddoominta Xisbiga uu ku wareejiyey Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad Muuse Biixi Cabdi, markaas oo uu bannaanaaday booskii Muuse ka ruqaansaday, jagadaas oo la sheegay in loo wado Afhayeenka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, hase-yeeshee, inkasta oo ay wararku sheegayaan in sidaa la isku ogaa, haddana waxa la sheegay inay Xukuumaddu shalay illaa xalay gaar ahaan Madaxtooyadu ku mashquulsanayd qaabkii Guddoomiye ku-xigeenka labaad Cabdiraxmaan Cabdiqaadir meesha looga saari lahaa, isla markaana booskiisa xubnaha aynu magacyadooda kor ku xusnay loo gelin lahaa tartan, kooda guulaystaana uu jagadaa u buuxin lahaa, Cabdiraxmaanna sidaa hoggaaminta Xisbiga dibedda uga noqon lahaa. Si aannu wax badan uga ogaanno wararkan waxaannu la xidhiidhnay dhinacyo kala duwan oo warkani khuseeyo, hase-yeeshee, noomay suuragelin inaannu khadka taleefanka ku helno si aannu xog uga korodhsanno.
Hase ahaatee, waxa la dhawrayaa tallaabooyinka maanta oo wejiga labaad ee Shirka golaha dhexe ee KULMIYE la isugu imanayo iyo waxa madasha ka dhaca, kaasoo xaqiiqda warkani ku xidhan tahay hadba jewiga maalinta labaad ee Shirka golaha dhexe maanta ku furmo iyo qodobbada lagu qaadaa dhigo.
Si kastaba ha ahaatee, bilihii la soo dhaafay ee bilawgii sannadkan ayey ahayd markii Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Cabdiraxmaan Cabdiqaadir dhalliilo kulul oo ay Xukuumadda talada haysa aad uga damqatay u jeediyey Xukuumadda, Madaxweynaha iyo qaabka ay Madaxtooyadu u shaqayso, markaas oo dhalliisha uu jeediyey ay ka jawaabeen Saraakiil ka tirsan Xukuumadda, Xisbiga KULMIYE iyo Aqalka Madaxtooyada, iyada oo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac-Shabeel sheegay inuu Xisbiga ka saari doono marka la isugu yimaaddo shirka golaha dhexe ee KULMIYE, taasoo iyaduna xusid mudan maaddaama oo maalintii uu ugu hanjabay Jaamac-Shabeel Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ay ku beegan tahay Shirkan golaha dhexe ee maanta soo xidhmi doona marka hawlaha u qorshaysan lagu dhammaystiro, Xukuumadduna u xusul-duubayso sidii Cabdiraxmaan daaqadda dambe looga tuuri lahaa.









