CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Markab Budhcad-badeed u Afduubnaa oo Berbera soo gaadhay, Xaddiga lacag Madax-furasho looga bixiyey iyo Maamulka Faroole oo lagu eedeeyey haysashadiisa

Hargeysa, 15 April, 2012 (Ogaal)- Markab u raran Ganacsato reer Somaliland ah oo muddo laba bilood ku dhaw gacanta ugu jiray Koox Budhcad-badeed reer Puntland ah, ayaa xalay ku soo xidhay Dekedda caalamiga ah ee magaalada Berbera ee Somaliland, ka dib markii maalmihii inna dhaafay wadahadal dheer iyo is-afgarad lagu soo daayey, Markabkaas oo lagu magacaabo Mv. Leila, lacag boqollaal kun oo dollar ah oo madax-furasho loo bixiyey.

Sida uu Warbaahinta u caddeeyey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Markabka ayaa shalay isaga ay badqabaan Shaqaalaha Saaran iyo Rarka Ganacsi ee uu siday-ba ku soo xidhay Dekedda Berbera. Wasiirku waxa uu sheegay in wadahadal iyo xal-raadin muddada la haystay markababa socday ka dib is-afgarad la gaadhay ay ku soo daayeen Budhcad-badeedda Soomaalida ah ee Markabka Mv. Leila afduubka ku haystay.

“Dawladdu waxay ballan-qaadday inay 50%-kiiba ka dhaafto Cashuurta agabka iyo gaadiidka Markabkaasi sido ee ay leeyihiin ganacsatada reer Somaliland, maaddaama oo uu muddo bil iyo dheeraad ah oo ay Budhcaddu gacanta ku haysay kharash badani kaga baxay sidii Markabkaas loo soo deyn lahaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland waxa uu ballan-qaaday inay dawladdu diyaar u tahay tallaabo kasta oo ay ku badbaadin karto nafta iyo maalka muwaaddiniinta reer Somaliland, isaga oo xusay inay door laxaadle dawladda Somaliland ka qaadatay soo deynta Markabkan Budhcad-badeedda u afduubnaa. Wasiirku wuxu u mahad-celiyey cid kasta oo gacan ka geysatay soo deynta Markabkaa Budhcad-badeedda reer Puntland u afduubnaa.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha ee Somaliland Maxamed Shugri oo ay weheliyaan xubno ganacsato ah, ayaa sheegay in Markabka Mv Leila ee Budhcad-badeeddu Puntland soo deysay in laga bixiyey lacag madax-furasho ah oo Burcad-badeedda la siiyey, ka dibna ay sidaa ku soo daayeen Markabka oo u rarnaa ganacsato reer Somaliland ah.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri oo ay dhinacyada ka fadhiyeen ganacsato kala duwan, ayaa shalay shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa kaga warbixiyey xaddiga lacageed ee Markabka lagu Burcad-badeeddu ku soo daysay, ayaa sheegay in Markabka la soo daayey ka dib  markii la bixiyay lacag madax-furasho ah oo dhan Saddex boqol oo kun oo Doollarka Maraykanka ah. Waxaanay canbaarayn u jeediyeen Maamulka Puntland iyo madaxdooda dhaqanka ee Puntland oo uu sheegay inay ka gaabiyeen kaalintii laga rabay inay ka qaataan gurmadka iyo waan-waanta lagu soo daynayey Markabka.

Guddoomiyaha iyo Ganacsatadu waxay sheegeen in la soo daayey Markabka MV Leila ee ganacsatada reer Somaliland u rarnaa, ka dib markii laga bixiyey lacag madaxfurasho ah oo dhan $300,000 (Saddex boqol oo Kun oo Doollar). Waxa kale oo uu u mahad-celiyey maamulka, madax-dhaqameedka iyo ganacsatada maamul-goboleedka Galmudug ee Soomaaliya oo uu sheegay inay ka dhiidhiyeen in deegaankooda lagu bililiqaysto xoolo ay leeyihiin ganacsatada Somaliland u dhashay, isla markaana waxa uu xusay inay burcadda ku qasbeen in dib loogu soo celiyo xeebaha Puntland, halkaasi oo intii uu Markabku ku sugnaa lagu bililiqaystay qayb ka mid ah badeecadihii Markabka saarnaa.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland iyo Xubnaha Ganacsatada ah oo wada-jiraa waxay tacsi u direen ehelladii uu ka baxay hal qof oo ku naf waayey dagaal ay dadka deegaanka maamulka Galmudug kala hor tageen kooxaha budhcad-badeedda ah iyo sidoo kale dadkii ku dhaawacmayba.

Dhinaca kale, Wakiilka Markabka MV Leila u qaabbilsan Somaliland Axmed-sayid Maxamed Mire oo mid ah ergada Somaliland ka tagtay ee ka hawl-galay soo-daynta Markabka ayaa isaguna waxa uu dhankiisa sheegay nasiib-darro ku tilmaamay in deegaamada maamul-goboleedka Puntland Gabbood u noqdo Budhcad-badeedda ka qawlaysata Biyaha Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

Sh. Axmed-sayid waxa kale oo uu waxba-kama-jiraan ku tilmaamay warbixin uu baahiyey Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Maamul-goboleedka Puntland oo uu sheegay in maamulkooda ka hawl-galay soo-deynta Markabka. Masuuliyiintani waxay shirkooda jaraa’id ugu mahadceliyeen Xukuumadda Somaliland, ganacsatada iyo culimada Galmudug iyo Puntland oo ay tilmaameen inay gacan ka geysteen soo-deynta markabka.

Markabkan ayaa bishii Febraayo ee sannadkan laga afduubay Badda Cummaan, isaga oo u soo jeeday dhinaca Dekedda Berbera, kaasoo ay Kooxda Budhcad-badedda ahi u afduubeen dhinaca Xeebaha Puntland ee Xaafuun iyo meelo kale oo Puntland ka tirsan.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE