CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Maxaa Ku Cusbaa!?

Warbixin Xiiso badan: Cabdifataax I. Mursal

Waxay ahayd madal bilicdeeda iyo Farshaxanimada loo gingimay in badan oo bulshada ka mida indhahooda soo jiidatay, waxay ahayd mid feejignaan iyo gaadh adag lagu gadaafay/meershay, waa mid dhan kasta oo aad ka eegtaba ka muuq iyo maqaam saraysa Mataanihii ka horeeyay ee da’ ahaan ka waynaa, oo aan nasiib u helin gaaf iyo mashxarad sidan oo kale u balaadhan.

Goobtu waa Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, oo shalay uu si rasmi ah uga furmay Shirweynihii 3-aad ee golaha dhexe ee Xisbiga talada maanta haya ee KULMIYE, shirkiisan ayaa si weyn uga duwanaa shirarkii hore ee dhiggiisa ahaa ee golaha dhexe iyo Shirweynayaashii xisbigaasi dalka ku qabsan jiray muddadii uu jiray ee hore laga soo bilaabo illaa 2002-dii oo la aasaasay KULMIYE.

Wuxuu ahaa Shirweynaha golaha dhexe ee KULMIYE shalay uga furmay Hargeysa, mid waxyaabo badan oo ku cusub laga dareemi karayay, kuwaas oo in qalinka lagu sunto ku haboon, aniguna dhawr ka mid ah door biday in aan soo gudbiyo.

Shirkani waxa uu ahaa kii ugu horeeyay noociisa ah ee Xisbiga KULMIYE qabsado tan iyo markii uu talada dalka ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 26 June 2010. Sidaa daraaddeed, waa markii ugu horreysay ee KULMIYE oo xukuumad ku abtirsataa talado hayso shirkan oo kale qabsada oo taasi wey ku cusbayd.

Waxa kale oo ku cusbaa shirka shalay, waxa goob-joog ka ahaa oo ka soo qaybgalay, isla markaana khudbad ka jeediyey hoggaamiyihii hore ee Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo) oo ah Madaxweynaha Somaliland oo shir KULMIYE leeyahay oo kan la mid ah markii ugu horreysay tan iyo intii xilka Madaxweynenimo loo dhaariyey ka qaybgalay shalay.

Sidoo kale, waxa iyaguna ku cusbaa xubno badan oo ka tirsanaan jiray Xisbiga KULMIYE oo maanta ka tirsan Masuuliyiinta dawladda, sida Wasirrada, Agaasimayaasha Wasaaradaha, Madaxda Hay’adaha dawlgliga ah iyo kuwo kale oo xilal kala duwan ka haya isla Xukuumadda.  Waxa la xusi karaa oo la odhan karaa way ku cusbaayeen shirkan kama dhex-muuqan Hirdan siyaasadeed Shirka sidii shirarkii hore ee KULMIYE dhici jirtay, gaar ahaan haddaan xuso wakhtigii uu KULMIYE mucaaridka ahaa ee uu shirkiisii golaha dhexe ku qabsaday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo hirdan iyo hiiftan badan oo siyaasadeed ku dhexmaray hoggaankii kala duwanaa iyo siyaasiyiin badan oo isku maan-dhaafay qaabka doorashada golaha dhexe u dhacaysay iyo arrimo badan oo la xidhiidha, kaasoo markii dambe sababay in Garab ka mid ahi KULIYE ka go’ay oo weli maanta madaxdii KULMIYE ee wakhtigaa goostay ka maqan yihiin KULMIYE sida Ibraahin-Dhagaweye, Cabdiraxmaan Aw-Cali iyo xubno kale oo badan.

Waxyaabaha Xiisaha leh ee Shirka KULMIYE shalay ku cusbaa waxa ka mid ahaa in goobta si weyn ammaankeeda loo adkeeyey, isla markaana la dhoobay nawaaxiga Huteelka Maansoor Ciidammo tiro badan oo kala duwan ha u badnaadaan qaybaha Booliska iyo ilaalada madaxtooyadee. Waxa si gaara loo xusi karaa ciidammada sida gaarka ah u tabobbaran ee loo yaqaanno RRU, kuwaasoo dhawaan Dugsiga tabobbarrada ciidanka ee Degmada Mandheera ku dhammaystay tabobbarro kala duwan oo dawladda Ingiriisku siisay, isla markaana la baray qaab kasta oo ay u dagaallami karaan, isla markaana wax kasta oo ka horyimaadda uga hortagi karaan iyagoon dhibaato iyaga gaadhin.

Inkasta oo dadka qaarkood hoos u guuxayeen, isla markaana aanay u qushuucsanayn shirka golaha dhexe ee KULMIYE, haddana waxa kale oo jiray inay ahayd markii ugu horreysay ee reer KULMIYE Madaxweynaha Somaliland oo ahaa hoggaamiyihii Xisbigooda ee shalay madal uu ka khudbadanayo oo Xisbiga u gaar ah ay badi sacab iyo soo dhawayn ula istaagaan, marka laga yimaaddo dammaashaadka guushii doorashada.

Waxa kale oo jiray oo madasha laga dareemayey in guuxa mucaaridnimo ee taageerayaasha Xisbiga qaar ku jira iyo sidoo kale taageerada xad-dhaafka ah ee taageerayaasha qaar u hayaan Madaxweyne Siilaanyo sababi gaadhay in gacan-ka-hadal ka bilaabmo madasha shirku ka socday, ka dib markii ay laba Haweenka KULMIYE ka tirsani isku-maan-dhaafeen weedho Haweenay ku duraysay khudbadda Madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan mar uu ka hadlayey maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Xukuumaddiisa iyo guulaha ay ka gaadhay, taasoo uu ku xusay inay Xukuumaddiisa KULMIYE ka soo jeeddaa noqotay tii ugu horreysay Somaliland ee masuuliyiin iyada ka tirsan iyo shaqaale badan u xidhay eedaymo musuqmaasuq, hadalkaas oo dadka qaar ka yara diireen. Hase-yeeshee, waxa lagu guulaystay inaanu wax gacan-ka-hadal ah oo la taaban karaa halkaa ka dhicin, hadalka oo taagtaagmay mooyaane.

Jewiga Hoggaankii hore ee KULMIYE iyo hoggaanka maanta ayaa isaguna ahaa mid faraq weyni u dhexeeyo, marka loo eego Xummaddii ku oognayd hoggaankii shalay ee KULMIYE shirkii kan ka horreeyey ee golaha dhexe 2008 Burco ku qabsoomay, hoggaankaas oo ahaa Siilaanyo iyo Saylici (Madaweynaha iyo ku-xigeenka maanta) oo dabcan u taagnaa musharraxnimada labada jago ee ay maanta hayaan ee KULMIYE oo doorashadooda saddex meeloodoow meeli ka soo horjeedday, hase ahaatee aan maanta dacari ka hayn loollan ay Xisbiga dhexdiisa lafohooda ugu galaan, waa suuragal inay cid kale wataan, laakiin damac iyaga u gaari aanu jirin.

Hase-yeeshee, taa beddelkeeda waxa maanta taagnaa inkasta oo aanay xaaladdu la mid ahayn xummaddii waagaas, haddana ninka xummaddu ku hadhay waa Guddoomiyaha maanta Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa raggii saluugsanaa qaabka loo waday shirkii golaha dhexe ee Burco ee Siilaanyo iyo Saylici loogu soo doortay musharraxnimada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka. Isaga oo Muuse Biixi ahaa Masuulkii ugu horreeyey ee muddo lix maalmood ku dhaw isaga awgii dib-u-dhac ugu yimi shirkaas golaha dhexe ee Burco, haddana maanta waxa uu u muuqda masuulka koowaad ee laga dheehan karo horu-wadidda hawlaha shirka golaha dhexe iyo habsami u socodkiisa ee shalay.

Si kastaba ha ahaatee, waxa la odhan karaa jewi ahaan iyo qaab ahaanba Shirkan saddexaad ee golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE waa mid si weyn uga duwan kuwii hore ee KULMIYE qabsan jiray wakhtigii uu Mucaaridka ahaa.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE