CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Hoggaanka KULMIYE oo Xubnaha Golaha Dhexe ugu baaqay inay isugu yimaaddaan wakhti go’an Xarunta dhexe ee Xisbiga

Hargeysa, 10 April, 2012 (Ogaal)- Xisbiga talada haya ee KULMIYE ayaa wakhti kama dambaysa u qabtay inay xubnaha golaha dhexe ee Xisbigaasi ku tagaan xarunta dhexe ee Xisbiga ee magaalada Hargeysa.

Qoraal kooban oo Xoghayaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf ku saxeexan yahay oo xalay warbaahinta la soo gaadhsiiyey ayaa lagu wargeliyey guud ahaanba xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE dibed iyo gudo meel ay joogaan-ba inay iskaga soo xaadiriyaan xarunta dhexe ee KULMIYE ku leeyahay Caasimadda Hargeysa, iyada oo Masuuliyiinta Xisbigu Khamiistii cayimay wakhtiga uu qabsoomayo Shirkooda galaha dhexe. Qoraalka kooban ee Xoghayaha Xisbigaasi soo saraaray waxa uu u qornaa sidan:

Wargelin ku socota xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE:

 Xisbiga KULMIYE wuxuu ku war-gelinayaa dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE in shirweynihii Golaha dhexe ee xisbigu qabsoomi doono 14-ka Bishan. Sidaasi darteed, waxa Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE lagu war-gelinayaa inay xarunta Xisbiga yimaadaan ugu dambayn 10-ka Bishan.

Sidaasi awgeed, waxa lagu war-gelinayaa dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE  ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba inay yimaaddaan xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE maalinta Salaasada ee 10/04/2012-ka.”

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE