Ceerigaabo: 26 Xubnood oo loo dhaariyey soo afjaridda khilaaf ka dhashay Dil laba beelood ku kala yimi
Hargeysa, 30 August, 2011 (Ogaal)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo maalmihii u dambeeyeyba ku sugnaa magaalada Ceerigaabo, oo dhex-dhexaadin kaga jiray wadahadashiinta laba Beelood oo dhawaan Nin ku kala dulay isla Ceerigaabo, ayaa shalay ka qaybgalay kulan lagu dhaariyey 26 Xubnood oo Odayaasha dhaqanka u badan oo labadaa beelood ka soo kala jeeda.
Lix iyo labaatanka xubnood ee shalay lagu dhaariyey magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag ayaa sii amba-qaadi doona, isla markaana si dhakhso ah u dhammaystiri doona khilaaf ka dhashay dilka Taliyihii Saldhigga Booliska Daalo ee Ceerigaabo. Kuwaasoo shalay lagu dhaariyey Xaflad magaaladaas lagu qabtay sida ay ku soo warramayaan Weriyayaashu.
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cilmi ayaa ka hadlay xafladdaas Odayaasha lagu dhaariyey. “26-kiinna Xubnood ee maanta la dhaariyey labada beeloodba idinka ayaa u Odayaal ah, idinka ayaa Cuqaal u ah, idinka ayaa Salaaddiin u ah. Sidaa daraaddeed, waxa la idiinka baahan yahay inaad la timaaddaan 1- Caddaalad 2- Firfircooni, waayo? Caddaalad aan firfircooni lahayni waxba tari mayso, ta saddexaad waxa la idiinka baahan yahay Geesinnimo, haddii aan geesinnimo jirin Caddaaladda iyo Firfircoonidu waxba tari maayaan. Annaguna waxaannu Illaahay idiinka baryeynaa inuu xilkaa aad qaaddeen idinku asturo oo aad guul ku dhammaysaan hawsha la idiin xil-saaray.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir.
Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Warsame Siciid Cabdi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle iyo Xildhibaanno kale, Cuqaal iyo Salaaddiin, kuwaasoo dhammaantood ka warramay sida ay muhiimka u tahay in wax kasta oo la kala tirsanayo loo baahan yahay in wadahadal iyo nabadgalyo lagu dhammeeyo, isla markaana nabadgalyada si guud iyo si gaarba loo wada ilaaliyo.
Xafladdaasi markii ay dhammaatay ka dib, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Weftigiisu waxa ay kormeer ku mareen Taliska guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee Gobolka Sanaag oo si fiican u soo dhaweeyey. Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo xarunta Taliskaas Ciidanka kala hadlay ayaa mahad-naq u jeediyey Ciidammada Qalabka sida oo uu xusay inay yihiin kuwa iyagu habeen iyo maalinba heeganka ugu jira ilaalinta dadkooda iyo dalkooda.









