Badhasaabka Saaxil oo Amray Xadhigga mid ka mida qaban-qaabiyayaasha Shirweyne Beeshiisu ku qabansanayso Dubur
Berbera, 27 August, 2011 (Ogaal)- Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa amar ku bixiyay qabashada Muuse Daa’uud Cilmi, oo ka mid ah qaban-qaabiyayaasha shir beesha gobolka Saaxil iclaamisay inuu dhawaan ka dhici doono deegaanka Dubur.
Sida lagu baahiyey Shabakadda wararka Internetka ee Berberanews oo aannu warkan ka soo xigannay, Muuse Daa’uud Cilmi, oo ay Walaalo yihiin Maayarkii hore ee magaalada Berbera Marxuum Siciid Daa’uud, oo ka mid ah Wefti Xildhibaanno iyo Salaaddiin isugu jira oo gogol-xaadh u ah shirka Dubur, kana soo kicitimay magaalada Burco, ayuu Taliye ku-xigeenka Booliska Berbera Yacquub amar qabasho ah oo uu sheegay inuu ka haysto Badhasaabka Saaxil Maxamuud Cali Saleeban ugu geeyay Hudheelka Maansha-Allah ee degmada Sheekh oo ay Weftigu degganaayeen, arrintaasoo ay ku gacan-saydheen Xildhibaannadii weheliyay iyo Maayarka degmada Sheikh oo la joogay xubnaha Wefiga markii Taliye ku-xigeenku amarka qabashada ninkaa Hudheelka ugu geeyey.
Warkan Berberanews aannu ka soo xigannay waxa uu intaa ku daray, si ay xog rasmi ah uga hesho shabakaddu waxay la xidhiidhay dhinacyo kala duwan, ugu horayn Muuse Daa’uud oo Weriye ka tirsan Berberanews khadka telefoonka wax kaga weydiyay sida wax u dhaceen, ayaa yidhi, “Anigu waxaan ku jiraa Guddida Qaban qaabada Shirka Beesha Ciise Muuse ee 10 bisha shuwaal ka qabsoomi doona Dubur, markaa shalay ayaan soo maray Berbera, aniga oo ku sii jeeda Burco, wax denbi ah oo aan isku ogaana ma jiro, markii aan Burco gaadhay, waxaan halkaa iska soo raacnay Wefti ballaadhan oo ka kooban Shan Suldaan oo ka mida Salaaddiinta Beesha ugu waaweyn, labada Xildhibaan ee Maxamed Faarax Qabille iyo Siciid Cilmi Rooble aniga iyo ninka la yidhaahdo Cabdi Nijaar iyo Odayaal kale oo badan. Waxaannu soo marnay Dubur oo aanu soo indho indhaynay. dabadeed waxaan u soo dhaafnay dhinaca Degmada Shiekh oo aannu kula ballansanayn Mayaarka Degmada Sheekh si aanu arrinka shirka uga wada hadalno.”
“Markaa waxaan ku degnay Huteelka Maansha Allah, ka dib anigu waan seexday waxaa soo jeeday Salaaddiinta iyo Xildhibaannada oo sugayey. Dabadeed waxaa Hutelkii yimi Taliye ku-xigeenka Booliska Sheekh Yacquub oo aniga ii sida Waaran qabasho ah, waxa uu ku yidhi Xildhibaannadii mee Muuse Daa’uud, maxaad ku falaysaa markay yidhaahdeenna? ‘Waxaan u sidaa waaran’ ayuu yidhi, dabadeed Xildhibaan Qabille ayaa ku yidhi Adeer ninka ma Maxkamad ayaa soo amartay xadhiggiisa iyo maya ee waxaa soo amray Badhasaabka gobolka, dabadeedna Xildhibaan Qabille waxa uu ugu jawaabay ‘waxba xidhi mayside iskaga tag, oo sharciga u soo mar’.” ayuu yidhi Muuse Daa’uud oo ah ninka Taliye-xigeenku ku guul-daraystay inuu xidho. Isla markaana hurday markii muranku dhexmaray Taliyaha iyo Weftiga uu la socday, isagoo intaa raaciyay oo yidhi.
Muuse Daa’uud oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa raaciyey oo yidhi; “Markaa adeer shirka qolo ay ku jiraan masuuliyiin dawladda ka tirsani ayaa si kale u aragtay oo tidhi; ‘waxuu ka soo horjeedaa Dawladda, taasina waa been oo waxaa hawsha kuba jira Wasiir Sacad iyo xubno ka soo jeeda gobolka oo Xukuumadda ku jira.”
Muuse oo wax laga weydiiyey ogaanshiyihiisa wax dembiya oo uu galay iyo wax dhex maray Badhasaabka Gobolka Saaxil toona, waxa uu ku jawaabay; “Maya! Maya!. Ma jirto, marka laga reebo markii ay jiray khilaafkii Jaamacadda Badda ayaan ku idhi Guddoomiyaha ‘Waar Masuul ayaad tahaye Hablaha si fiican ula hadal, markalena waxaan ku idhi anigu waxaan ahay Inaadeerkaa waxaanaan doonayaa Kursiga aad ku fadhido, waayo? Kollay waa lagu beddelayaa xilli ay noqotaba, damacuna dee dembi maaha.”
Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), oo aannu xalay khadka taleefanka kula xidhiidhnay si aannu dhiniciisa wax uga weydiinno amarka qabashada ah ee la sheegay inuu isagu bixiyey, ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah arrintaa naga siiyo, isla markaana waxa uu si kooban yidhi; “Waxaan ku idhi warkaa aad sheegayso wax alla waxaan ka ogahay ma jirto…..” sidaa ayuu ku aabsday Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.
Si kastaba ha ahaatee, Qolyaha Shirka wada oo ay ka mid yihiin Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee beesha iyo Salaaddiinta Weftiga ninka la doonayey in la xidho xubno ka ahaa, ayaa Berberanews u xaqiijiyey in amarkaasi jiro, isla markaana ay Xildhibaannada iyo Madaxda Dhaqanka, ayaa diiday waraaqda qabashada ninkaas ee Taliyuhu sitay sida ay baahisay shabakaddaasi xalay.









