Hargeysa: Arday gobollada metelaysa oo Tartanka Quraanku u bilaabmay
Hargeysa 19, August 2010 (Ogaal)- Arday oo ka kala yimi gobollada Somaliland, ayaa shalay uu tartanka Quraanka kariimka ahi uga bilaabmay caasimada Hargeysa.
Tartankan oo Ramadaan kasta la qabto, waxa sannadkan ka qaybgalay 63 arday oo ka kala socda Madasadaha gobollada dalka, kuwaasoo ku tartami doona 15 Jis iyo 30-ka Jis ee Quraanka kariimka ah.
Munaasibad loo sameeyay furitaanka tartankaas, waxa ka qaybgalay qaar ka mid ah Culimada diinta ee Somaliland iyo shaqsiyaad kale.
Tartanka oo shalay ka furmay masaajidada Cali Mataan iyo Rusheeye (Adiino), waxa hadal ka jeediyay Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg), wuxuuna cadeeyay in tartanka Quraanka ee bisha barakaysan ee Ramadaan uu si rasmi ah u bilaabmay.
Sheekhu waxa uu sheegay in tartanka la soo gebogebayn doono Jimcaha soo socda, wuxuuna tilmaamay in abaalmarino iyo lacago la gudoonsiin doono cida kaalmaha hore ku guulaysata.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in 12 sannadood tartanka Quraanku ka socday Somaliland, iyadoo sannadkan ardayda tartamayaasha ah ay ku jiraan kuwo da’ ahaan yaryar, farxadna ku qaabilay furitaanka tartankooda dhinaca xiftiga Quraanka.









