Balligubadle, 26 July, 2012 (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole,oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa shalay kulan la qaatay beeralayda ku dhaqan Xarunta Gobolka Hawd ee Magaalada Balligubadle. Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Md. Faarax Cilmi Geedoole, ayaa kulankaasi ka sheegay in ujeeddada socdaalkoodu ay la xidhiidho sidii [...]
8:44 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Hargeysa, 26 July, 2012 (Ogaal)- Wasiirrada Wasaaradaha Diinta iyo Aw-qaafta iyo cadaaladda Sh. Khaliil Cabdilahi Axmed iyo Mud Xuseen Axmed Caydiid, ayaa shalay kormeer ay ugu kuur-gelayaan khasaaraha Roob habeen hore caasimadda Hargeysa u geystay degmada Axmed-dhagax. Kormeerkan oo ay wasiirada ku weheliyeen Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada Iyo Xidhiidhka Golayaasha ee Madaxtooyada iyo Xildhibaano ka tirsan [...]
8:39 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Hargeysa, 25 July, 2012 (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa la filayaa inuu maanta dalka ku soo laabtay ka dib muddo sannad iyo dheeraad ah oo uu xaalad Caafimaad ugu maqnaa dalka Ingiriiska. Guddoomiye Saleebaan oo Maalin saddexaaddii ka soo kicitay dalka Ingiriiska isla markana Dorraad soo gaadhay magaalada Dubai ee [...]
Laascaanood, 25 July, 2012 (Ogaal)- Iska horimaadyo aan khasaare gaysan ayaa shalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada amniga iyo kooxo dhalinyaro ah oo rabshado ka samaynayey magaalada . Iska horimaadka dhexmaray ciidamada Booliska iyo dhalinyarada ayaa ka bilaabmay Xarunta looga taliyo Ciidamada Booliska Laascaanood oo [...]
Hargeysa,25 July, 2012 (Ogaal)- Wasiirka Wasarada Qorshaynta Qaranka Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa xilka u kala wareejiyey shalay Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Hargeysa Dr. Cabdi Xusseen Gaas iyo guddoomiyihii hore ee Jaamacaddaas. Xafladda labada guddoomiye xilka kula kala wareegeen, waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Agaasimaha Tacliinta Sare ee [...]
8:37 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Dila, 25 July, 2012 (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa damaanad-qaadday waxbarashada jaamacadda shanta Arday oo ka qalin-jabiyey Dugsiga Sare ee Sheekh Cumar Good ee magaalada Dilla ee gobolka Awdal. Munaasibad loo sameeyey qalin-jabinta shantan arday ee kaliya oo markii ugu horreysay ka qalin-jabiyey Dugsiga Sare ee magaalda Dila, [...]
Hargeysa, 25 July, 2012 (Ogaal)- Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa waxba kama jiran ku tilmaamay warar sheegaya inuu iska casilayo xilka wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in wararkaasi aanay xaqiiqada ku salaysan isla [...]
Buuhoodle, 24 July, 2012 (Ogaal)- Guddoomiyihii hore ee kooxdii SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa shalay si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magaalada Buuhoodle, ka dib markii ka soo ambo-baxay magaalada Garoowe oo uu todobaadkii ugu dambeeyey ku sugnaa. Saleebaan Xaglo-Toosiye oo shalay warbaahinta ugu warramay magaalada Buuhoodle, ayaa shacabka deegaankaas u soo jeediyey [...]
Burco, 24 July, 2012 (Ogaal)- Maayarka degmadda Burco Maxamuud Axmed Xasan (Dhagolaab) ayaa sheegay in saddexdii bilood ee u danbeeyay Dawladda Hoose ee Burco ay dayn cagaha la gashay, mudadaasi oo uu xilka hayay xoghayihihii hore ee xilka laga qaaday ee Dawladda Hoose ee Aadan Cali Saalax. Maayarka ayaa sidaasi ka sheegay munaasibad ballaadhan oo [...]
Hargeysa, 24 July, 2012, (Ogaal)- Qaar ka mid ah ganacsatada kala duwan ee suuqa Hargeysa ayaa warbixiyey Qiimaha iyo sare u kaca ku yimid maceeshadda iyo sababta uu raashinku u qaaliyoobay bisha barakaysan ee Ramaadaan. Ganacsatada oo cabasho ka muujiyey hoos u dhaca ku yimi Qiimaha Sarrifka Dollar, waxa ay kor u kaca Raashin ku [...]