Virginia, Centreville, 30 July, 2012 (Ogaal)- Masuul hore uga tirsanaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa dalka Maraykanka waxa uga socda dacwad la xidhiidha falal budhcad-badeednimo oo lagu eedeeyey, waxaanu hadda lagu soo roday Xabsi-guri. Garsooraha gacanta ku haya dacwadda oo la yidhaahdo Ellen Huvelle, ayaa amartay sii-deynta Cali Maxamed Cali oo wakhtigii dhegaysiga Dacwadda [...]
Hargeysa, 30 July, 2012 (Ogaal)- Wiil yar oo habeen hore ku geeriyooday Magaalada Hargeysa ka dib markii isaga oo ordaya isku dhaceen nin masaajid ka soo baxay, ayaa qoyskiisu diideen in la aaso. Meydka ilmaha yar oo la dhigay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ka dib markii uu shilku ku yimi, ayaan la aasin sababo la [...]
7:52 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Hargeysa, 30 July 2012 (Ogaal)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog ) ayaa sheegay in Wasaaraddiisu aanay wax qorshe ka lahayn cudurka jooniska oo uu sidoo kale tilmaamay inuu tobankii qofba midkood haleelo. Wasiirka oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu dhaliil u jeediyey hay’adaha caafimaadka isaga oo dhan kale shacbiga [...]
7:50 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Hargeysa, 30 July, 2012 (Ogaal)- Shir lagaga wada hadlayay toosinta rukunka dhaqaale ee qorshaha shanta sanno ee dalka isla markaana ay ku kulmeen hay’adaha dawliga ah iyo kuwa caalamiga ah, ayaa shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa. Shirkan oo lagu falanqeeyay sidii loogu tabaabushayn lahaa ka dhabaynta Qorshaha shanta sanno ee dhinaca Horumarinta, waxa shir gudoominaysay [...]
7:50 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Hargeysa, 30 July, 2012 (Ogaal)- Guddi ka kooban madaxdhaqameedka beelaha Subeer Awal, ayaa xalay go’aan ka soo saaray khilaaf in muddo ah ka taagnaa dhismaha warshadda sibidhka ee la doonayo in laga hirgeliyo magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Warsaxaafadeed ay ku saxeexan yihiin 17 isugu jira Salaadiin, Ugaasyo iyo Boqor oo uu hormuud u [...]
Waxa lagu qabtay Magaalada Toronto, kulamo dhowr ah oo isa soo dab joog, deeq lacageedna loogu uruurinaayay jidka isku xidha doona Burco- Hargeisa( Trans-somaliland highway ). Jidkaas oo ah mashruuc qaran, waxa lagu dhisayaa iska wax uqabso. Waxa hormood ka ah Guddigga Horumarinta Gobolka Togdheer. Mashruucyadda ay Guddiga Horumarinatu Togdheer hirgelisay waxa ka mid ah: 1. Burao University [...]
7:47 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Hargeysa, 29 July, 2012 (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa biyo la’aanta qaybo ka mid ah magaalada Hargeysa u nisbeeyey Maamulka wakaaladda Biyaha Hargeysa oo uu sheegay inay hoos tagto Madaxtooyada isaga oo ku dooday inay ku habboonayd in Golaha Deegaanka Caasimaddu gacanta ku hayso. Mudanahani waxa uu [...]
7:45 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Hargeysa, 29 July, 2012 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay in maamulka haamaha shidaalka Berbera lagu wareejiyay ganacsade ajaanib ah oo u dhashay dalka Cumaan, kaasi oo dhawaan lagu baahiyey Saxaafadda. Wasiirka Wasaarada Ganacsiga, Dalxiiska iyo warshadaha Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in ninka ganacsadaha ee warbaahinta qaarkood shaaciyeen aanu la soo xidhiidhin Wasaarada Ganacsiga [...]
Hargeysa, 29 July 2012 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa deyro ka muujisay shaqada Mustaqbalka ee Mishiinada Kelyaha Sifeeya ee Cusbitaalka Hargeysa oo ay tilmaantay haddii dhaqaale lagu taageeri waayo, aanay si toos ah u qaban-doonin hawlaha Maalinlaha ah ee bukaan lagaga dabiibo. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Xuseen Muxumed Maxmed (Xuseen-Xoog), Guddida Cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo [...]
Hargeysa, 29 July 2012(Ogaal)- Gudoomiyaha komishanka Qaranka iyo la dagaalanka xannuunka HIV-AIDS Maxamed Daahir Kheyre, ayaa shalay ka warbixiyey marxaladda cudurka AIDS ka marayo Somaliland iyadoo gudoomiyuhu ku bushaareeyay inuu hoos uga dhacay heerkii uu sannadkii hore marayey. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in awoodda la saaray gaadhsiinta bukaanka dawooyinka loo isticmaalo xannuunka, isla markaana ay maalin-ba [...]