Hargeysa, 31 March, 2012 (Ogaal)- Guddiga diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka ee Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in Xisbiyadii hore u jiray looga baahan yahay inay bisha bilaabmaysa qabsadaan Shirweynayaashooda marka laga reebo Xisbiga UCID oo ay sheegeen inuu qabsaday Shirweynihiisii, isla markaana ay hadda la mid yihiin Ururrada Siyaasadda ee shuruudahaa looga [...]
Hargeysa, 31 March 2012(Ogaal)- Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamina-Waris Sheekh Maxamed Jirde ayaa abaal-marin gaar ah guddoonsiisay Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ah Madaxa hay’adda Waddaniga ah ee Candleligth, isla markaana ku guulaysatay dabayaaqadii sannadkii 2011kii abaal-marinta caalamiga ah ee uu bixiyo Ururka ka hortagga Xasaradaha Caalamiga ah ee ICG. Munaasibad si heer [...]
Muqdisho, 31 March, 2012 (Ogaal)- Ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaallamay iyo shacab isugu jira ayaa ku dhintay, tiro ka badanina way ku dhaawacantay dagaallo iyo duqeymo illaa shalay gelinkii dambe ka socday duleedka Muqdisho iyo degmada Dayniile, kuwaasoo u dhexeeyay Malleeshiyada Al-Shabaab iyo Ciidammada Dawladda Ku-meel-gaadhka Soomaaliya oo taageero ka helayey kuwa AMISOM ee [...]
Saylac, 31 March, 2012 (Ogaal)- Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Selal Cali Allaale Riyaale, ayaa sheegay inay ku qabteen magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Selal 54 qof oo Tahriibeyaal ah, kuwaas oo doonayay inay sifo sharci-darro ah uga tahriibaan Biyaha Xeebta Saylac ee Somaliland. Badhasaab ku-xigeenka oo u warramayay Saxaafaddu wuxuu sheegay in tahriibeyaashaasi ay isugu jireen [...]
2:48 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Awdal/Gabiley, 31 March, 2012 (Ogaal)- Raxmaadkii Gu’ga ee Sannadkan ayaa shalay galab ka curtay deegaanno kala duwan oo ka tirsan Gobollada Awdal iyo Gebilay. Kuwaasoo ka qabawsaday kulaylka abaarta taagnayd. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaannada gobollada Awdal iyo Gabiley, Roob lagu qabowsaday ayaa Lixdii Makhribnimo ee shalay ka da’ay magaalada Boorama, kaasoo Weriyeyaashu [...]
2:45 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Hargeysa, 31 March, 2012 (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa si adag uga hadlay fikirka xag-jarnimada, is-qarxinta iyo fahamka qaldan ee Diinta Islaamka ay dadka qaar ka qaateen. “Xagjir-nimadu waa fikir qaldan oo la gaadhsiiyo bulshada aad la nooshahay, oo adigu aad isu [...]
2:43 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Hargeysa, 31 March, 2012 (Ogaal)- Kulan lagaga hadlayey fikradaha xag-jirnimada iyo sida Dhalinyarada loogu duufsado afkaaraha qaldan iyo sida looga badbaadi karo, ayaa Ururka Somaliland Ideas Organization dhalinyaro kala duwan u qabtay. Kulankaas oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Somaliland Ideas oo Khamiistii lagu qabtay Huteel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Diinta [...]
Hargeysa, 31 March, 2012 (Ogaal)- Weriye Maxamed Cabdi Boosh oo ka mida Suxufiyiinta ka hawlgala magaalada Hargeysa, ayaa lacag dhan $2200 (Laba kun iyo laba boqol) oo Doollarka Maraykanka ah gaadhsiiyey Weriye Maxamed Cabdiraxmaan Ismaaciil oo Ciidammada dembi baadhista C.I.D-da ee magaalada Boorama Xabsiga dhexdiisa ku jidh-dileen bishii Febraayo ee sannadkan 2012-ka. Weriye Maxamed-Boosh oo isagu bilaabay dedaalka [...]
2:42 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Hargeysa, 29 March, 2012 (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa Waraysi dheer oo uu Wargeyska Ogaal la yeeshay, kaga warramay kulammo ay la yeesheen Saraakiil dawladda Itoobiya ka tirsan oo ay kaga wadahadleen xal u helidda shaqaaqada deegaannada Gaashaammo ee Killalka Shanaad, siday ka yeelayaan dadka dawladda hoose ka rartay [...]
Boorama, 29 March, 2012 (Ogaal)- Ciidamada Booliska ee ka hawl-gala Saldhigga Bariga magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa shalay subax Nin la dilay Meydkiisa ka helay Xaafadaha Saybeeriya ee magaaladaas. Taliyaha Saldhigga Booliska Bariga ee magaalada Boorama Cawil Abiib Barkhad ayaa ka hadlay dhacdadan. “Waxa dhacay saaka (shalay) xiilliga Salaadda subax loo kaco, ayaa [...]
5:19 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »