CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

“Haddii Madaxtooyadu lacagta iska bixin waydo waa laga jarayaa Biyaha”

Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Somaliland- Waraysi Hargeysa, 29 Feb, 2012 (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ku dooday in aanay Golaha Wakiilladu wax shaqo ah ku lahayn ansixinta heshiisyada Xukuumaddu la gasho shirkadaha shisheeye ee ku shaqada leh soo saarista Macdanta iyo Shidaalka dalka. Wasirku waxa uu [...]

Xukuumadda Somaliland oo shaacisay in qaar ka tirsan Firxadka kooxda Al-Shabaab soo galeen Magaalooyinka waaweyn ee dalka

Hargeys, 29 Feb, 2012 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaadday in magaalooyinka waaweyn ee dalka ay soo galeen firxadka Malleeshiyada Al-Shabaab oo ka soo yaacay dagaalka saddex-geesoodka ah ee kaga socda dalka Soomaaliya ee ay wadaan Ciidammada Itoobiya, Kenya iyo kuwa dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), [...]

Wiil Mucjiso ah oo booqasho ku yimi Hargeysa, una duceeyey Somaliland iyo qaabka loo soo dhaweeyey

Hargeysa, 29 Feb, 2012 (Ogaa)- Wiil yar oo mucjiso ah, isla markaana aad looga qaddariyo dalalka Islaamka, ayaa shalay booqasho toban cisho qaadan doonto ku yimi magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Sheekh Shariif Makididi oo Xaafidul Quraan ah, isla markaana hadlay isaga oo Sagaal bilood jiray, kuna yidhi Hooyadii ‘Masaajidka I gee’ iyo Culimo uu [...]

Dawladda Hoose ee Caasimadda oo Saaka olole ballaadhan ku qaadaysa Ganacsatada Jidadka buux-dhaafiyey

Hargeysa, 29 Feb, 2012 (Ogaal)- Maayerka Caasimadda Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa shalay ka qeyb galay Shir ballaadhan oo lagaga hadlayo nidaaminta bilicda Suuqa dhexe ee Hargeysa iyo habaynta ganacsiga suuqaasi oo lagu qabtay xarunta dawladda Hoose ee Hargeysa. Shirkan waxa kale oo ka qeyb galay Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Hargeysa Mawliid Waris Cabdilaahi, [...]

Xukuumadda oo go’aan cusub ka soo saartay qodista Ceelasha Biyaha, una Digtay Shirkadaha

Hargeysa, 29 Feb, 2012 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland, ayaa go’aan ka soo saartay qodista Ceelasha iyo qodista Riigagga biyo-soo-saar, isla markaana waxay Shirkadaha ganacsiga ee qodista Ceelasha ka shaqaysta inaanay wax ay qodi karaan jirin illaa ay Wasaaradda Macadanta, Tamarta iyo Biyaha Iska diiwaangeliyaan, isla markaana loo istaago goobta ay qodayaan. Sidaa waxa lagu sheegay Wareegto [...]

Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya oo la cayimay maalinta ay rasmi ugu biirayaan AMISOM

Nairobi, 29 Feb, 2012 (Ogaal)-Koox khubaro ah oo ka socota Golaha Ammaanka ee Qarmada Midoobay ayaa ku sugan dalka Kenya,iyagoo qiimeynaya  tirada ciidamada iyo waxyaabaha looga baahan yahay sidii ay ciidamada Kenya ee ku sugan dalka Soomaaliya u noqon lahaayeen kuwo hoostaga AMISOM. Kenya ayaa la filayaa in ay ciidamada iyadu keento halka Midowga Afrika uu [...]

Muqdisho: Agaasimihii Idaacadda Somaliweyn oo xalay la Khaarajiyay

Muqdisho, 29 February 2012 (Ogaal)- Agaasimahii hore ee Idaacada Somaliweyn Abokor Xasan Kadaf, ayaa la sheegay in xalay rasaas lala beegsaday oo dhaawac culus u geysatay uu isla xalay u geeriyooday. Mr. Kadaf ayaa la sheegay in kooxo ku hubaysnaa bastoolado weerareen, kuwaasoo isla goobtaas ka baxsaday, ka dib markii ay toogashadaas fuliyeen. Marxuumkan ayaa [...]

Wasiirrada Madaxtooyada iyo Kalluumaysiga oo ka war-wareegay inay ka war-bixiyaan safar dhuumasho ah oo ay Jabuuti kaga soo noqdeen

Hargeys, 28 Feb 2012 (Ogaal)-Wasiiradda Madaxtooyadda iyo Kalluumaysiga Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jire), ayaa ka war-wareegay inay faahfaahin ka bixiyaan ujeeddada safar qarsoodi ah oo ay kaga soo laabteen Jamhuuriyadda Jabuuti, iyaga oo markii ay dalka ka baxayeenna si qarsoodiya oo warbaahinta laga qariyey u dhoofay. Labadan Wasiir oo shalay [...]

Wasiirka Caddaaladda Somaliland oo ku baaqay in Guddiga Caddaaladda Hay’ad loo beddelo kana hadlay dib u eegis lagu samaynayo Xeerka Nidaamka Garsoorka

Hargeysa, 28 Feb, 2012 (Ogaal)-  Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa markii ugu horraysay soo jeediyey in Guddiga Caddaaladda loo beddelo Hay’ad Xafiis iyo maamul leh oo sida ugu habboon u gudan karta hawlaha ay Guddigu qaranka u hayaan, maaddaama oo tobanka Xubnood ee Guddigaasi ka kooban tahay-ba yihiin kuwo shaqooyin joogto [...]

Markab dhaawac gaadhsiiyey Xadhigga Khadka Isgaadhsiinta Badda ee Bariga Afrika

Hargeysa, 28 February 2012 (Ogaal)- Khadka Internet-ka ee xawaarihiisu sareeyo ee Bariga Afrika, ayaa la sheegay inuu si xun u dhaawacmay, ka dib markii uu Markab ku sii daayay baroosin meel ka baxsan biyaha dalka Kenya/ Sida lagu faafiyay shabakadda wararka BBC-da, Markabkan ayaa sugayay inuu ku xidho Dekedda Mombasa oo ka mid ah dekeddaha [...]

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE