Hargeysa , 31 Jan 2012 (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Dr. Maxamuud Siciid (Gacamay) ayaa faahfaahin sida uu u arko shaqaale Wasaaraddiisa ka tirsan oo uu dhawaan amar ku bixiyey in la soo xidhxidho Wasiirka arrimaha guduhu Maxamed Nuur Carraale (Duur), kuwaasoo laga soo qab-qabtay magaalada Dacar-budhuq ee dagmada Laas-geel oo [...]
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan Hargeysa, 31 Jan 2012 (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii ugu horreysay shalay ka jawaabo eedaymo tiro badan oo si is-daba-joog ah loogu jeedinayey muddo sannad iyo badh ah oo ay xukuumaddu jirtay, eedaymahaas oo ay ka mid ahayd shaqaale Xafiisyada [...]
Md. Xasan Ciise Jaamac Hargeysa, 31 Jan, 2012 (Ogaal)- Madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyey ee ay Somaliland yeelato Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda ka aloosan Buuhoodle, isla markaana waxa uu Xukuumadda ku eedeeyey inay qaabka ay doonayso inay u dhigto talo Qaran oo uu Madaxweyne Axmed-siilaanyo dhawaan sheegay in lagaga [...]
Hargeysa, 31 Jan, 2012 (Ogaal)- Urur-siyaasadeedka Xaq-soor, ayaa shalay Xafiisyadiisii ugu horreeyey ee heer gobol ka furtay magaalooyinka Hargeysa, Dacar-budhuq, Berbera, Sheekh Burco, Caynaba, Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo. Xaflad xadhigga lagaga jaray Xafiiska Ururka Xaqsoor ku yeelanayo Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta lagu qabtay xafiiskaas oo ku yaalla Xaafadda Haaf-London Degmada Axmed-dhagax ee magaalada Hargeysa, taasoo ay [...]
Addis Ababa, 31 Jan, 2012 (Ogaal)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan hawlgallada ay Ciidammada dawladda Kenya ka waddo gudaha dalka Soomaaliya muddo saddex bilood iyo dhawr iyo toban habeen ah. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ka qeybgalay shirka Urur-goboleedka IGAD uga furmay magaalada Addis’ Ababa ee [...]
Hargeysa, 30 Jan, 2012 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo Genaral Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo hoggaaminayey dagaalladii 1988-kii Somaliland ay ka fulisay dawladdii Maxamed Siyaas Barre, ugu hanjabtay inaanay Somaliland daandaansiga aqoon, hase ahaatee, ay taqaanno sida cawgeeda la isaga celiyo. “Moorgan oo 1988-kii xasuuqa uu ka sameeyay Goballadan (Somaliland) la [...]
5:01 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Ceerigaabo, 30 Jan, 2012 (Ogaal)- Badhasaabka gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal (Geel-jire) ayaa sheegay inuu tallaabo adag ka qaadi doono qaar ka mid ah iskuduweyaal iyo masuuliyiinta laamaha dawlada ee gobolkaasi oo uu ka waayay xafiisyadoodii kormeer shaqo oo uu shalay subax ku soo maray xarumaha dawlada. Badhasaabka Sanaag wuxuu kormeer ku soo maray xarumaha [...]
London, 30 Jan, 2012 (Ogaa)- Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka tirsan Mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inay dawladda Uganda door muhiim ah ku leedahay oo ay iyadu ka dambaysoka Shirka magaalada London loogu qabanayo Soomaalida bisha 2-aad ee sannadkan 2012-ka, kaasoo uu xusay in waxa ka soo baxa ay Uganda [...]
Xildhibaan Maxamed Cali Axmed (Khamriile) Shirkii dawladaha reer Yurub ee qaybsigii qaaradda Afrika sannadkii 1884kii magaalada Berlin ee dalka Germalka, ujeeddooyinka shirkaasi laga lahaa waxay ahayd saddex arrimood: 1. Dhinnaca Strategy-yada Milateri in looga faa’iidaysto 2. In Khayraadka dihin ee Qaaradda la hantiyo 3. In Diinta ,Dhaqanka iyo Hiddaha shucuubta Afrika lagu bedelo Diinta Kiristaanka, [...]
Muqdisho, 30 Jan, 2012 (Ogaal)- Illaahay naxariistii Janno haka waraabiyo ee Marxuum Wariye Cismaan Xasan Cabdi (Fantaastik) oo ahaa Agaasimihii Idaacadda Shabeelle, ayaa shalay lagu aasay Muqdisho, ka dib markii ay habeen-hore dabley hubeysani ku dileen Xaafadda Jiiro-maskiin degmada Wada-jir ee magaalada Muqdisho. Dilka Agaasimihii Idaacadda Shabeelle oo ka mid ah warbaahinta madaxa-bannaan ee Muqdisho [...]