CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

“Annaga Xisbi ahaan waax wayn baa na-jabtay, waayo, Marxuumku maskaxdayadii ayuu ahaa oo sidaa Aabbihii u tebayo….”

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Hargeysa, 31, October 2011 (Ogaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamuud Iid Ibraahim oo shalay ciidamada ammaanku ku toogteen agagaarka Cusbitaalka Hargeysa. Allaah ha u naxariistee Maxamuud Iid oo ka mid ahaa ardaydii dhawaan jaamacadaha [...]

Shalay: Hawlgalkii sababay dhimashada iyo dhaawaca oo galaaftay Xoghayihii fulinta D/hoose iyo Xukuumadda oo ka hadashay

Hargeysa, 31 October, 2011 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay hawlgal ay Ciidammada   Boolisku shalay ku rarayeen dad degganaa Cisbitaalkii hore ee jajabka ee magaalada Hargeysa, waxaana hawlalkaasi ku geeriyooday laba qof halka mid kalena ku dhaawacmay. Waxaanay dhacdadaasi galaafatay Xoghayihii fulinta dawladda hoose ee Caasimadda Deeq Xirsi Cambuur. Wasiirka Wasaaradda arrimha gudaha Somaliland Md. [...]

Wasaaradda Warfaafinta oo aan illaa hadda meel ku tiirin Shaqaalihii Imtixaanka ku hadhay

Hargeysa, 31 October, 2011 (Ogaal)- Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, ayaan illaa hadda meel-saarin in ka badan 40 xubnood oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaraddaas oo ku hadhay imtixaan laga qaadey hawl-wadeennadeeda. Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacy-galinta, ayaa ka mid ahayd dhowr Wasaaradood oo shaqaaladooda ay hay’adda shaqaalaha dawladdu ka qaadday imtixaan qiimayn ah, isla markaana [...]

Hargeysa: Qaabkee loo filiyay dhacdada khasaaraha nafeed iyo maalba ka dhasheen?

Hargeysa, 31 October, 2011 (Ogaal)- Laba qof ayaa ku geeriyooday, ka dib markii Is-rasaasayn xooggan oo shalay salaadii hore ku dhexmartay agagaarka Cusbitaalka guud ee Hargeysa Ciidammada Booliska iyo Dad shicib ah oo halkaa deganaa, kuwaasoo ay dawladda hoose doonaysay in laga raro guryo iyo dhul uu cusbitaalku leeyahay oo ay muddo degganayeen. Illaahay ha [...]

Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska oo ka hadlay qorshe cusub oo dawladdiisu kaga hortagayso Budhcad-badeedda

London, 31 October, 2011 (Ogaal)- Raiisal Wasaaraha dawladda Ingiriiska, Mr. David Cameron, ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo loogu oggolaanayo Maraakiibta Ganacsiga ee sita calanka dalkiisa inay kaxeytsaan ilaalo hubeysan si ay uga difaacaan weerarrada Budhcad-badeedda. Wareysi uu siiyay BBC-da, ayaa Mr Cameron waxa uu ku sheegay in uu doonayo in dowladdiisu ay wax badan [...]

Sweden oo shaacisay inaanay qaxoontinimo u aqoonsan doonin dadka u dhashay Somaliland iyo Puntland

Stockholm, 31 October 2011 (Ogaal)- Dawladda Sweden ayaa caddaysay inaanay qaxoontinimo u aqoonsan doonin dadka u dhashay Somaliland iyo Puntland hadii ay dalkooda magangelyo waydiistaan. Laanta socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa warbixin ay soo bandhigeen oo la xidhiidha xaalada Soomaalida iyo sida loo baadhayo kiisaska dadka magangalyo-doonka ah, waxay mar kale ku celiyeen inaanay khatar ku [...]

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka digay khatar uu sheegay inay ka iman karto Ururrada cusub ee Siyaasadda iyo Xeer Wakiilladu shalay ansixiyeen

Hargeysa, 30 October, 2011 (Ogaal)- Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilladda  Somaliland, ayaa ku baaqay in lala socdo, isla markaana la daba-galo khatar badan oo uu sheegay inay ka iman karto Ururrada Siyaasiga ah ee cusub ee dhawaanahanba Somaliland lagaga dhawaaqayey iyo kuwa lagu dhawaaqi doono. Md. Cabdiqaadir Jirde, waxa [...]

Shirkii Golaha dhexe ee UDUB oo Berri furmaya, dildillaaca ka muuqda, Cabsida Hoggaanka iyo Xubnaha la filayo inay Ururro cusub ku dhawaaqaan

Hargeysa, 30 October, 2011 (Ogaal)- Shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa sida ay Guddiga qaban-qaabada ee shirkaasi toddobaadkii hore shaaciyeen waxa uu Hargeysa ka furmayaa 31-ka October oo ku beegan Isniinta Berri. Xisbiga UDUB oo aan gole dhexe oo la soo doortay lahayn tan iyo wixii ka dambeeyey Shirweynihii guud ee [...]

Maraakiibta Yemen ka yimaadda oo diiday inay soo qaadaan Bagaash Somaliland laga leeyahay iyo qayla-dhaanta Wakiillada

Yemen, 30 October, 2011 (Berberanews/Ogaal)- Wakiillada Ganacsatada Somaliland u jooga dalka Yemen, ayaa Xukuumadda iyo Maamulka Dekedda Berbera ka dalbaday inay wax kala qabtaan agab muddo 20 casho ku dhawaad ah kaga xanniban dalkaas, ka dib markii ay Maraakiibta u kala goosha Berbera iyo Yemen diideen inay soo qaadaan. Sida lagu baahiyey Shabakadda Internet-ka ee [...]

Xildhibaannada Iyo Maamulka UDUB ee Gobolka Gabiley oo qaaddacay Shirka Golaha Dhexe

Gabiley, 30 October, 2011 (Ogaal)- Mas’uuliyiinta Xafiiska Xisbiga UDUB ee gobolka Gabiley oo ay wehelinayaan xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ayaa gaashaanka si adag ugu dhuftay in ay ka mid noqdaan golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee Udub,  ka dib markii ay saluug ka muujiyeen saamiga looga qoondeeyey in ay ku yeeshaan xubnaha golaha [...]

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE