CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Hadalkii Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, jawaabta Xisbiga UDUB & hadal la’aanta Xukuumadda

Washington, 28, September 2011 (Ogaal)- Ra’iisal Wasaaraha Dawlada taagta daran ee Soomaaliya ayaa si indho la’aan ah u dafiray dawladnimada iyo jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland. Hase ahaatee, waxa si adag arrintaa u naqdiyay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin. Ra’iisal wasaare Gaas oo u warramay Idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay inay Somaliland [...]

“Arrintu maaha WFP oo keliya”!!

Sida uu dhawaan kaga dhawaajiyay Guddoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Md. Miigane, waxa baadhitaano lagu sameeyay ka dib la ogaaday in Hay’adda WFP ay bakhaarro ku haysatay raashino dhacay, kuwaasoo markii dambe la sheegay inay hay’addaasi dawladda ka dalbatay in gubistooda loo qaado dhinaca dalka Djibouti. Mudanahani waxa uu sheegay inay Hay’addaas dalka [...]

Agabar: 13 Qof oo ku dhintay Daad qaaday baabuur ay saarnaayeen

Hargeysa, 28 September 2011 (Ogaal) -Alle ha u naxariistee 13 qof, ayaa geeriyooday, ka dib markii laba gaadhi oo ay saarnaayeen uu daad ku qaaday Dooxa tuulada Agabar ee Gobolka Gabiley, kuwaasoo 11 ka mid ahi ay haween yihiin. Isla markaana 16 qof oo kale ayaa ka badbaaday, kuwaasoo iyana dhaawacyadooda la dawaynayo. Shilkani waxa [...]

Golaha Wakiilada oo ansixiyay Wasiirro iyo Xubnaha Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada

Hargeysa, 28 September 2011 (Ogaal)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shalay ansixiyay laba xubnood oo ka tirsan Golaha wasiirrada ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Toddobadii xubnood ee Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada ee uu dhawaan Madaxweynuhu soo magacaabay. Fadhigii shalay oo uu shir-gudoominayay gudoomiyaha golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana ay madasha ku sugnaayeen 58 [...]

Aqlabiyadda Xubnaha Golaha Degaanka Dhahar oo iska Casilay Xisbiga UCID

Dhahar, 28 September 2011 (Ogaal)- Aqlabiyadii Xisbiga UCID ee Degmada Dhahar, ayaa shaaciyay inay iska casileen xubun-nimadoodii xisbigaas, isla markaana ku dhawaaqay inay ku biirayaan garabka ka go’ay ee uu hogaamiyo Aadan Mire Waqaf. Guddoomiyaha Degmada Dhahar ee Xisbiga UCID Siciid Maxamed Hoori oo xalay khadka talefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Ogaal, ayaa sheegay in [...]

Wasiirka Arrimaha dibada oo sheegay inaanu Mahiga la kulmin kooxo ka soo horjeeda Somaliland

Hargeysa, 28 September, 2011 (Ogaal)- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sheegay inaanu Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Augustina Mahiga la kulmin kooxaha ka soo horjeeda Qadiyada Somaliland. Wasiirku waxa uu sheegay in dadka Mahiga isku ag-sawirayaa aanay saamayn ku yeelan doonin xidhiidhkii ka dhaxeeyay Somaliland iyo Qaramadda Midoobay [...]

Qaan-sheegadka Faysal, Qoonsiga Waqaf, Qiirada Cod-yare, Qooraansiga Cirro & Qabka kooxaha go’ay

Hargeysa, 27 September, 2011 (Ogaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa jawaab adag ka bixiyey xubno sheegay inay Xisbigaas hore uga tirsanaayeen maamulka laamihiisa kala duwan oo shalay caddeeyey inay ka dareereen UCID. Hase ahaatee, Faysal wuxu ku tilmaamay kuwo aan warkooda waxba ka jirin. Faysal Cali Waraabe oo xalay [...]

Garyaqaanka Guud ee Dawladda iyo Badhasaabka Saaxil oo siyaabo kala duwan uga hadlay Dacwad Ramaax ka dhan ah oo ay Maxkamadi muddaysay

Hargeysa/Berbera, 27 September, 2011 (Ogaal)- Garyaqaanka guud ee Dawladda Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan iyo Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Dacwad ka dhan ah Badhasaabka Saaxil oo ay Maxkamadda gobolkaasi markii ugu horreysay u muddaysay in fadhigga koobaad la dhagaysan doono 28-ka bishan September 2011 oo ku beegan [...]

Hanti-dhowraha Guud oo kashifay Ceeb-xisaabeed uu sheegay inay dul-hoganaysay Xukuumaddii UDUB

Hargeysa, 27, September 2011 (Ogaal)- Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Maxamuud Aw-Cabdi Ibraahim, ayaa war-bixin ka horjeediyey Mudanayaasha Golaha Wakiillada fadhigoodii shalay, isla markaana waxa uu horkeenay Xisaab-xidhka Miisanayad-sannadkeedkii  2010. Waxa uu Hanti-dhawraha guud ee Qaranku Mudanayaasha Wakiillada si faah-faahsan ugu iftiimiyey macluumadka ay xambaarsan tahay Xisaab-xidhka Miisaaniyad-sannadkeedka 2010-kii iyo jaangoynteedu. Maxamuud Aw-Cabdi, waxa uu sheegay [...]

Kenya: Weftigii Somaliland ee Caawimada qaaday oo maanta qaybinaya

Nairobi, 27 September (Ogaal)- Weftigii deeqda mucaawinada u qaaday Somalia iyo xeryaha qaxoontiga Kenya, ayaa sheegay inay qaybqaybin doonaan mucaawinada ay sidaan maanta oo Salaasa ah. Ka dib markii ay mucaawino tan oo kale ah gaadhsiiyeen magaalada Muqdisho ee dalka Somalia, ayay u gudbeen xeryaha ay ku jiraan dadka Somalia ka baro-kacay, kuwaasoo la sheegay [...]

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE