Hargeysa, 30 August, 2011 (Ogaal)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo maalmihii u dambeeyeyba ku sugnaa magaalada Ceerigaabo, oo dhex-dhexaadin kaga jiray wadahadashiinta laba Beelood oo dhawaan Nin ku kala dulay isla Ceerigaabo, ayaa shalay ka qaybgalay kulan lagu dhaariyey 26 Xubnood oo Odayaasha dhaqanka u badan [...]
9:36 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Algiers, 30 August 2011(Ogaal/W/Wararka): Warsaxaafadeed shalay ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Aljeeriya ayaa lagu xaqiijiyay in xaaskii Qadaafi iyo xubno caruurtiisi ka tirsan oo firxad ahii soo gaadheen dalkeeda oo ay ka soo gudbeeen xuduuda u dhaxaysa labada dal, wakhti subaxnimadii hore ee shalay ah. Sida bayaanka wasaarada arrimaha dibadda ee Aljeeriya [...]
Yemen, 28 August, 2011 (Ogaal)- Wakiillada Ganacsiga Xoolaha Somaliland ee dalka Yemen, gaar ahaan Wakiillada Lo’da, ayaa ka deyriyay nool ay kordhiyeen Maraakiibta Xoolaha ka qaada Dekedda magaalada Berbera. Halka aanay Xukuumadda Somaliland cabashadaas oo tan iyo horraantii bishan taagnayd aanay illaa hadda ka hadal. Qaar ka mid ah Wakiilladaasi oo Weriye Cabdiraxmaan Nuux habeen-hore [...]
Hargeysa, 28, August 2011 (Ogaal)- Maayar Ku-xigeenka Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa iska fogeeyay eedo ay ujeediyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa. Qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Magaalada Hargeysa ayaa dhawaan codsaday in Maayar Ku-xigeenku u qabto fadhi ay xilka kaga xayuubinayaan Ku-simaha Maayarka ahna [...]
Hargeysa, 28 August 2011(Ogaal)- Tartan aan noociisa hore loogu arag Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo Bishan barakaysan ee Ramadaan-ba socday, ayaa xalay lagu soo gebagabeeyey isla Hargeysa. Kaasoo loogu tartamayey curinta ama samaynta iyo ku luuqaynta Qasaa’id lagu ammaanayo Nebigeennii Suubbanaa ee Muxamed nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee (S.C.W). Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaale [...]
Burco, 28 August, 2011 (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland Cabdi Siciid Faahiye, ayaa shalay si rasmi ah u soo afjaray khilaaf u dhexeeyey bilihii u denbeeyay Ciyaartoyda gobolka Togdheer, kaas oo ay dhex-dhigeen masuuliyiinta gobolka Togdheer oo farogeliyey qaabka loo maamulo Ciyaaraha gobolka ee uu Isu-duwuhu fuliyo. Wasiirka oo maalmihii u danbeeyay [...]
Hargeysa, 27 August 2011(Ogaal)- Wasiirka Wasaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdi Siciid Faahiye, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaaf la sheegay inuu soo dhexgalay Ciyaartooyda iyo maamulka Ciyaaraha ee gobolka Togdheer. Wasiirka Ciyaara Cabdi Siciid Faahiye, oo hadda ku sugan magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco, ayaa Wargeyska Ogaal khadka taleefanka [...]
Wajaale, 27 August, 2011 (Ogaal)- Saraakiil ka tirsan Laanta Socdaalka dalka Itoobiya, ayaa Laanta Socdaalka Tog-Wajaale u soo gudbiyay Tahriibayaal u dhashay Somaliland oo laga soo qabqabtey xuduudka u dhexeeya Sudan iyo Itoobiya. Tahriibayaashan oo dhalinyaro ah, ayaa galinkii danbe ee Shalay laga soo gudbiyay Xafiiska Laanta Socdaalka dhinaca Tog-Wajaale ee dalka Itoobiya oo tiradoodu [...]
10:15 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Burco, 27 August, 2011 (Ogaal)- Masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo Degmada Burco, ayaa si wado-jir ah u beeniyay hadallo ka dhan ah mid ka mid ah Hay’ad samafalka ee ka hawlgala gobolka oo ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta madaxabannaani, kuwaasi oo ku eedeeyay hay’addan Medair shaqaalaha ay qoroto in ay ku xidho Diinta Kiristaanka. Shir jaraa’id [...]
Berbera, 27 August, 2011 (Ogaal)- Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa amar ku bixiyay qabashada Muuse Daa’uud Cilmi, oo ka mid ah qaban-qaabiyayaasha shir beesha gobolka Saaxil iclaamisay inuu dhawaan ka dhici doono deegaanka Dubur. Sida lagu baahiyey Shabakadda wararka Internetka ee Berberanews oo aannu warkan ka soo xigannay, Muuse Daa’uud Cilmi, oo [...]
9:50 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »