Burco, 31 August 2011 (Ogaal)- Iyada oo xaaladdaha amaan iyo nabadgelyo ee caasimadda Soomaaliya ay xilligan soo wanaagsanaanayso, isla markaana dedaallo diblomaasiyadeed oo isu-soo dhawaanshaha la xidhiidha dawladda TFG iyo Puntland ay socdeen toddobaadkan, ayay inbadan oo ka mid ah dadweynaha Reer Burco iyo guud ahaan dalkuba walaac ka muujinayaan saamaynta ay isbeddelladan dambe ku [...]
10:51 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Hargeysa, 31, August 2011 (Ogaal)- Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah Culimada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa dawladda, dadweynaha qaybihiisa kala duwan, sida dadka balwadaha leh, haweenka dawooyinka midabka beddala isticmaala, Ganacsatada Kiimikooyinkaa ka ganacsada iyo Warbaahinta u jeediyey baaqyo kala duwan, waanooyin iyo wacdiyo Diini ah. Sheekh Maxamed Aadan oo shalay Khudbad dhinacyo [...]
Hargeysa, 31, August 2011 (Ogaal)- Guddoomiyaha Siyaasadda Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Cali Maxamed Warrancade ayaa ka cudur-daartay qabashada jagada Wasiirka Daakhiliga oo uu dhawaan iska casilay Dr. Gaboose, taasoo maalmihii u dambeeyay la hadal-hayay in loo magacaabayo Cali Warrancade, isla markaana Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi uu shaaciyay inuu kala hadlay arrintaas. Cali Warrancade [...]
Hargeysa, 31, August 2011 (Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen xubno ka mid ah Golahiisa Wasiirrada ayaa shalay dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa kula tukaday Salaadii Ciidal-fidriga Masjid-jaamaca Hargeysa. Madaxweyne Siilaanyo oo salaadii Ciida ka hor dadweynaha khudbad ujeediyay ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ShacbigaSomalilandgudo iyo dibadba iyo dhammaan shucuubta [...]
Tripoli, 31 August 2011 (Ogaal/AFP):- Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa saacadihii ugu danbeeyay baahinayay, warar tilmaan ka bixinaya, goobta uu Mucaamar Al-Qadaafi uga jihaystay magaalada Caasimadda dalkaas ee Tripoli oo xoog ay kaga saareen kooxaha mucaaridka ah ee dirirta qadhaadh kula jiray 6-dii bilood ee la soo dhaafay. Wakaalada wararka ee Talyaaniga ayaa baahisay xogo iyo [...]
10:43 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Hargeysa, 30, August 2011 (Ogaal)- Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay fadeexado la xidhiidha Raashinno wakhtigoodu dhacay oo ay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Cuntada ee WFP kasoo dejisay Dekedda Berbera, kawaasoo muddo ku xayirnaa Kastamka Hargeysa. Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi oo shalay xog-warran gaar ah [...]
Hargeysa, 30 August, 2011 (Ogaal)- Guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. ayaa shaaca ka qaaday inuu wada-hadallo la yeeshay Cali Maxamed Waran-cade iyo Siyaasiyiin kale oo hadda mucaarad ah, isla markaana ku qancinayo Xisbiga KULMIYE inay ku soo biiraan. Waxa kale uu Guddoomiyuhu ka hadlay sida uu u arko is-casilaadda Wasiirkii hore [...]
Hargeysa, 30 August, 2011 (Ogaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hambalyo u diray Shucuubta Islaamka, gaar ahaan reer Somaliland munaasibadda Ciidul-fidriga ee maanta awgeed, gaar ahaan. Isla markaana, Madaxweynuhu waxa uu caalamku ugu baaqay inay gurmad iyo taakulayn deg-deg ah la soo gaadhaan dadka ay abaaruhu waxyeelleen ee reer Somaliland. Waxaanu [...]
Laascaanood, 30, August 2011 (Ogaal)- Taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Sool Cabdillaahi Xaaji Calas, ayaa ka sheegay in xaaladda ammaanka ee gobolkaasi ay ka soo raynayso sidii hore, waxase uu tilmaamay inay jiraan culaysyo kala duwani. Taliyuhu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka Telefoonka ugu warramayay Weriye Cumar Maxamed Faarax, oo ka [...]
9:39 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Hargeysa, 30, August 2011 (Ogaal)- Toban Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa Madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay inuu kala diro Golahaasi, ka dib markii ay ku eedeeyeen Maamulka dawladda Hoose inay xalaalaysteen hantidii ummadda, isla markaana is hortaageen inay xil-gudashada Mudanayaasha Golaha Deegaanka sharcigu u oggolaa. Xildhibaannadaas oo shalay shir jaraa’id ku [...]
9:38 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »